Kn: Baarlamaanka Soomaaliya waxa uu doonayaa in uu ogaado tirada ciidamada xooga dalka ee mushaariga ah iyo waliba shaqaalaha kale ee dowladda.
Inkasta oo baarlamaanka uu ansixiyey miisaaniyadda sanadka 2013-ka oo ay ahayd in tirakoobkaasi lagu xuso, ayaa hadane baarlamaanka waxuu doonayaa in uu ogaado tirakoobka oo marka ay dhanka ciidamada timaado ay tahay arrin sir qaran ah.
Gudoomiye ku xigeenka Labaad ee Baarlamaanka Mahad Cabdalla Cawad oo hadlay waxa uu xukuumadda u qabtay illaa 3-da bisha Maarso in ay tirakoobkaasi kusoo gudbiso.
KismaayoNews.com