Soomaaliya oo kormeer ku samaynaysa dalka Eritrea !

Published: December 31, 2012

Kn: Mas’uul Soomaaliyeed oo aduunka wakiil ka ah ayaa markii ugu horeysey booqanaya dalka Eritrea isagoo halkaasi kormeer iyo qiimeyn kusoo samaynaya, kadibna laga sugayo warbixin.

Mas’uulkani oo ah qabiir xagga ciyaaraha kubbada cagta, ayaa dhawaan loo magacaabay Danjire ka tirsan xiriirka kubbadda cagta Afrika ee CUF, wuxuuna tagayaa Casmara si uu usoo qiimeeyo garoomada ciyaaraha dalkaasi bal in ciyaaro Qaaradeed lagu qaban karo iyo inkale.

Dr. Xassan Maxamed Maxamuud ayaa muddo dheer garsoore kasoo ahaa Soomaaliya iyo xiriirka Afrika ee CUF, wuxuuna ka tirsanyahay xiriirka kubbada cagta Soomaaliyeed.

KismaayoNews.com


KismaayoNews.com



UGU DAMBEEYEY
“Af-Soomaaliga qof kasta oo ku hadla, ma ahan in uu yaqaano”
Cilmooge muxuu ka yiri khilaafka madaxweynaha iyo ra’iisul wasaaraha
Kismaayo oo lagu qabtay Kulan looga tashanayo horumarka
Kismaayo oo laga bixinayo kaarka aqoonsiga Jubbaland
Xeeldheere dhismaha oo Turkiga u dhashay oo lagu diley Xamar