Madaxa Sirdoonka Kismaayo oo la weeraray

Published: January 1, 2013

Kn:Xalay, bam gacmeed ayaa lagu tuuray hoyga uu magaalada Kismaayo ka deganyahay Madaxa sirdoonka iyo dabagalka ee maamulka Kismaayo, Dhuxul Cabdi Faarax.

Sida ay sheegeen maamulka magaalada oo saxaafadda warbixin dhacdadaasi ku saabsan siinayay saaka, majiraan wax khasaare ah oo ka dhashay bamka lagu weeraray guriga masuulka.

Qofka soo tuuray walaxda qaraxday ayaan gacanta lagu dhigin, wallow ay jiraan raad ay hayaan sida ay sheegeen ciidamada amaanka oo goobta isku gadaamay qadar yar dabadeed dhacdada.

Dhuxul Cabdi Faarax ayaa madax u ah laanta sirdoonka ee maamulka Kismaayo, kuwaasi oo aan la ogayn tirada dhabta ah ee u shaqaysa, waxaase la fahamsanyahay inay tiradoodu madaxa la galayso boqol dhalinyaro u badan oo dharcad ahaan uga hawlgala magaalada, waxaana qayb ka ah dumar.

KismaayoNews.com


KismaayoNews.com



UGU DAMBEEYEY
Madaxdii dalka ugu saraysay oo xildhibaanimo wada doontey !
Hadliye oo ka hadlay shirka Qaramada Midoobey
Video : Wafti heer sare oo gaaray Afmadoow
Carwo lagu maamuusayo halgankii dadka madowga ah ee Maraykanka oo xariga laga jaray
Qareenada Soomaaliya matalaya oo dacwadoodii ugu dambeysay ka jeedin doona maxkamada Heeg