Madaxweynaha oo Sudan gaaray

Published: January 1, 2013

Kn:Kadib markii shir albaabadu u xiranyihiin ay xalay wada galeen, madaxweynaha, Ra’iisul wasaare Saacid iyo golaha wasiirada, kaasi oo looga arinsanaayay umuuraha ay dawladdu doonayso inay fuliso sanadka 2013-ka ayaa saaka uu madaxweyne Xasan Sh. Maxamuud iyo wafti uu hogaaminaayay u duuleen dalka Sudan.

Waftiga Madaxweynaha oo la filaayo inay dalkaasi booqasho laba maalmood ah ku joogaan ayaa waxay waqti la qaadan doonaan madaxweynaha Sudan, Cumar Al Bashir.

Safarka oo lagu sheegay sii adkaynta xiriirka labada dal, ayaa waxaan meesha kamarnayn waydiisashada Cumar Al Bashir, kaalmo lacageed oo wax ku ool ah si ay u fulaan barnaamijyada dawladda hor yaala.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale lafilaayaa inuu la kulmo Ardayda Soomaaliyeed ee jaamacadaha dalkaasi wax ka barata iyo waliba bulshada rayadka ee dalkaasi degaanka ku noqday.

KismaayoNews.com


KismaayoNews.com



UGU DAMBEEYEY
Nadiif Jaamac oo waayay kursiga barasaabka Gaarisa
Ilmo dabo-qabsaday dayuurad oo la sheegey in uu booqan rabay hooyadiis oo Soomaaliya ku nool
Sedex shirkadood oo sheegey in ay qandaraas ku heystaan teesaraha iyo baasaboorka Soomaaliya
Xildhibaanada oo far-ku-gabbad ah kadib xildhibaan kale oo la diley
Madaxweynaha Burundi oo tagay Soomaaliya