Dabdamiska Minneapolis oo Soomaali shaqaalaynaaya

Published: January 2, 2013

Kn:Magaalada ay ugu badantahay Soomaalida degan dalka Maraykanka ayaa bilawday qorshe ay ku shaqalaynayso da’yarta Soomaalida ee halkaasi degan.

Soomaalida ayaa xasaasiyad ka qabta ku biirista laamaha Booliska iyo Dabdamiska, waxaana arinta shaqaalaynta Soomaalida loog gol leeyahay sida ay sheegeen madaxda waaxda dabdamiska in arintaasi la suuliyo.

Dadka la rabo in la shaqaaleeyo waxaa kow ka ah dhalinta ama ku dhalatay Maraykanka ama ku kortay, kulankii ugu horeeyay oo arintaan loo qabtana waxaa soo xaadiray 35 dhalinyaro ah.

Bisha lixaad ee sanadkan, Jun 2013 ayuu bilaamayaa fasalkii ugu horeeyay oo dhalinta 35-ka ah lagu baaraayo aqoonta iyo tacliinta sida khabiir loogu noqdo dabdamiska, kadibna marka ay qalin jibiyaan waxay kawlgali doonaan laamaha dabdamiska ee magaalada.

Arintan shaqaalaynta Soomaalida ayaa sidoo kale waxay ka bilaabatay Columbus, oo ah magaalada labaad ee Soomaalida ku nool Maraykanka ay ugu badan tahay.

KismaayoNews.com


KismaayoNews.com



UGU DAMBEEYEY
Saado Cali Warsame oo toogasho lagu diley Xamar
Maraakiib Soomaaliya ay lahayd oo loo qaatay qaan lagu yeeshey
25 dayuuradood oo qaad geeya Soomaaliya, lacagna kasoo daabula
Soomaalida Maraykan oo qabatay nin caruuro duufsanayay
Madaxweynaha “biyaha dalkeenna waxay ka badan yihiin baaxada dhulka Soomaaliyeed“