Kn:Waxaa sanadkii 2012 ka socday dadaalo lagu samaynayey jaaliyaddaha qurba joogta Jubbaland ee wadanka Mareykanka gaar ahaan Gobolka Minnesota.
Shirarkan ayaa looga dan lahaa siddii loo heli lahaa urur mideeya jaaliyadaha Jubooyinka, oo ay hogaamiyaan aqoonyahanada, waxgaradka jaaliyada ee North America.
Kulamo iyo wadatashi badan kadib, waxaa laysla qaatay in lagu dhawaaqo ururweyne la magac baxay jaaliyada jubooyinka ama Jubbaland Diaspora Association ( JDA), waana urur u taagan inuu ka shaqeeyo midaynta iyo uruurinta isu keenida shacabweynaha Jubooyinka ee Somalieed ee ku dhaqan daafaha aduunka gaar ahaan Mareykanka, Yurub, Canada, Africa Australia iyo Asia.
Waxaana ururkan (JDA) hogaminaya aqoonyahanada kasoojeeda gobalada jubooyinka, iyagoo door weyna ka qaadan doona taabo-galinta iyo dhismaha maamul goboleed loowada dhan yahay oo ay kawada qayb qaataan dhamaan bulshada deegaanka.
Waxaa uu ururkani qeyb libaax kaqaadan doonaa dibu-heshiisiinta, Horumarinta, Cilmi baarista, Saxaafada iyo dibudhiska dalka Somalia.
Wuxuu ururkani soo dhawaynayaa dhamaan ummada somaaliyeed meelkasto oo ay joogaan cid alaala cidii daneeynaysa arimaha dalkooda inay wax ka badalaan iskana kaashadaan wax kasto oo wax qabad ah, ama tallo iyo tusaale ah.
Waxaanna Jaaliyada ay hogaaminta u dooratay xubno 30 ah oo ay gudomiye iyo gudomiye kuxigeen u yihiin.
Contact info : email.jubbalandiaspora@gmail.com or facebookgroup: Jubaland diaspora
Tel: 239-400-2949