Kn:Magaalada Ceelwaaq ee gobolka gedo waxaa ka dhacay Shir balaraan oo ay ka soo qayb galeen siyaasiyiin saraakiil Ciidan iyo Aqonyahano iyo waxgarad kale.
Shirkaan ayaa waxaa marti ku ahaa Wafdi balaraan oo ka socday Gudiga Maamul usameynta Jubboyinka iyo Gedo oo mudoyinki ugu danbeyay marayay Dagmoyinka Gobolka Gedo.
Wafdigaaan Marki ay soo gareen Duleedka Magaalada Ceelwaaq ayaa waxaa halkaasi ugu hortay Masuliyiiin iyo Waxgarad ay ka mid ahaayeen Gudomiyaha Gobolka Gedo Ibrahiim Sh Ismaciil Fareey ,Hogaanka Ciidamada Jooga Aga Ceelwaaq Col. Cabaas Ibrahim Gureey ,Gudomiyaha Dagmada Ceelwaaq iyo Ku xigeenkiisa , Col Warfaa Sh. Adaan oo ah Afhayeenka Ciidamada, iyo waxgarad kale.
Kadib waxaa wafdigii lo soo galbiyay Gudaha Magaalada Ceelwaaq halkaas oo la dajiyay hoygi logu tala galay mudo yar ka dib wafdigii waxaa lo dhaadhiciyay goobti logu tala galay in uu shirku ka dhaco waxaana bilowday Shirki.
Ugu horeeyn Shirka waxaa lagu furay Ayadaha Quraanka ka dib waxaa Microphoonka lagu warejiyay Col Colujoog oo ka mid ahaa Wafdiga Maamul usameynta Jubboyinka iyo Gedo waxana uu ka warbixiyay Ujeedka socdaalkooda intaasi ka dib waxaa hadalka qaatay Bile Qabowsade oo ka mid ah Gudiga Farsamada Maamul usameynta Jubboyinka iyo Gedo asagana waxaa uu ka warbixiyay halka ay marayso howshi Maamul usameynta Jubboyinka iyo Gedo oo uu shegay in ay marayso heer gabo gabo.
Intaasi ka dib waxaa Microphone ka lagu warejiyay Mid ka mid ah Saxiixeyaasha Qorshaha Maamul usameynta Jubboyinka iyo gedo oo lagu magacaabo Macalin Maxamuud Macalinka waxaa uu ku dheeraday faidada Maamulkaan uu u leyahay dadka Jubboyinka iyo Gedo ugu danbeyn waxaa uu shacabka Jubboyinka iyo Gedo ugu baqay in ay isgarab taagan Maamul usameynta Jubboyinka iyo Gedo.
Ugu danbeyn Waxaa madashi ka hadlay Hogaamiyiha Wafdigii Socdaalka ku marayay Dagmoyinka Gedo ahna mid ka mid ah Saxiixeyaasha Qorshaha Maamul usameynta Jubboyinka iyo Gedo Sh. Maxamed Maxamuud Yusuf Aw-libaax Masuulkan waxaa uu ka soo sheekeyay bilow ila dhamaad wixi laga soo qabtay Mamul usameynta Jubboyinka iyo Gedo iyo waxaa dhimaan waxaana uu ugu baqay shacabka reer Ceelwaaq in ay isku diyaariyaan ka qayb qaadashada Shirweynaha Maamul usameynta Jubboyinka iyo Gedo ee ka dhacaya Magaalada Kismaayo bilo ka dib.
Dhanka Masuuliyiinti ku sugnaa Dagmada Ceelwaaq waxaa u hadlay Gudomiyaha Gobolka Gedo Ibrahiin Fareey iyo Col. Cabaas Ibrahiim Gureey Gudomiyha Dagmada Ceelwaaq iyo Masuliyiin kala waxaayna dhamantood cadeyeen in ay Diyaar u yihiin ka qayb qadashada Maamul ay yeeshaan Gobolada Jubboyinka iyo Gedo waxaay sido kale balan qadeen in ay qayb libaax ka qadan doonan wacyi galinta Shacabka ku nool Gobolka Gedo sidi ay iskugu diyaarin lahayeen ka qayb qadashada Maamulka Jubbaland State.
Qaybaha kale duwan ee Bulshada Ceelwaaq iyo deeganada ku xeeran ayaa ayaguna masuliyiinta Maamul usameynta Jubboyinka iyo Gedo su,aalo ka waydiyay sida ay wax u socdaan iyo waqtiga la filayo in uu dhaco Shirweynaha Maamul usameynta Jubboyinka iyo Gedo waxaana guud ahaan Su,aalihi uga jawabay Masuliyiinti Wafdiga Maamul usameynta Jubboyinka iyo Gedo ayado ugu danbeyn Qaybaha kal duwan ee bulshada Ceelwaaq iyo deeganada ku xeeran aya balan qaaden in ay isgarab taagi doonan Maamul usameynta Jubboyinka iyo Gedo.
Gabagabadi Shirka ayaa waxaa Goobti u ka dhacayay Shirka Saxafada kula hadlay Gudomiyaha Ahlusunnada Konfureed Sh. Maxamed Maxamuud Yusuf Aw-libaax waxaana uu shirkiisa jaraid ku magacaabay Afhayeenka Cusub Ahlusunnada Konfureed waxaana lo magacaabay Sh Maxmed Daa,ud Qaadi .
Magacaabidi ka dib ayaa waxaa Goobta Shirka ka hadlay Afhayeenka Cusub ee Ahlusunnada Konfureed Sh. Maxamed Daa,uud Qaadi waxaana uu sheegay in Socdaalki Wafdiga Maamul usameynta Jubboyinka iyo Gedo ay ku marayeen Dagmoyinka Gobolka Gedo u ku soo dhamaday guul isla marakana ay dhawaan ka ambabixi doonan Gobolka Gedo.
Sh Maxamed Daa,uud ayaa waxaa uu sido kale sheegay in Usbuc Gudahood ay kula wareegi doonan Magaaloyinka Baardheere iyo Buurdhuubo ee gobolka gedo madaama Ciidamada Ahlusunna iyo kuwa Dowlada hada lo dhameeyay Sanadi ay ku howlgali lahayeen.
Maxamed Cabdilahi
Ceelwaaq-Somalia