Saraakiil waxbarasho oo jeelka loo dhaadhiciyay

Published: January 24, 2013

Kn:Kadib fal musuqmaasuq iyo wax is dabamarin lagu eedeeyay, waxaa xabsiga loo taxaabay saraakiil ka tirsan wasaaradda arimaha bulshada, waaxdeeda waxbarashada.

Agaasimaha waxbarashada, madaxa Imtixaanaadka iyo saraakiil kale ayaa xabsiga loo taxaabay kadib markii uu soo galay raadka musuqmaasuq baahsan, gaar ahaan sida aan wararkanagii hore ku tabinnay musuqmaasuq lagula kacay siminaar dibadda loogu qaaday qaar kamid ah shaqaalaha dawladda.

Dawladda ayaa isku dayaysa inay la dagaalanto musuqa, waxaana lagu tilmaamay talaabada lagu xiray agaasimaha iyo saraakiisha kale, talaabo hordhac u ah gacan bir ah oo lagu qaban doono dhamaan dadka quudka ka dhigtay hantida dadweynaha isla markaana ka macaasha fursadaha dadka ka dhexeeya.

KismaayoNews.com


KismaayoNews.com



UGU DAMBEEYEY
Ciidamada Jubbaland oo hawlgal ku tagay Wirkooy iyo Yoontooy
25-sano kadib Maraykanka oo Safiir u dhaariyay Soomaaliya
Madaxweynaha Malawi “Dadka waa in ay cunaan dooliga iyo cayayaanka”
Ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa AMISOM oo dhuudhuumashow la dheelaya kuwa kooxda Alshabaab
Booliska Kismaayo oo baaraya ajaaniib badda kusoo caariyey