Madaxweynaha “Markii hore khilaaf ayaa nalagu eedeyn jirey, markana midnimo”

Published: January 25, 2013

Kn: Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Xassan Sheekh Maxamuud ayaa isagoo xaflad ka hadlaya sheegey in markii hore madaxda dowlada lagu eedeyn jirey khilaaf, balse hadda lagu eedeeyo in ay mideysanyihiin.

Ra’isulwasaare Saacid oo isna u muuqday in uu ka jawaabayay dhaleeceyn saxaafadda loogu jeediyey oo ahayd in uu gabay doorkiisa, ayaa sheegey in dacaayad aysan wanaagsanayn.

Hadaladan ayaa waxa ay ka sheegeen xaflad lagu soo dhaweynayay aqoonsigii dowladda Maraykanka ay siisey dowladda Soomaaliya oo Xamar lagu qabtay.

Sedexda Mas’uul ayaa inta badan isku aragti ka ah xaalada dalka, iyadoo madaxweynaha uu inta badan leeyahay go’aanqaadashada koowaad.

KismaayoNews.com


KismaayoNews.com



UGU DAMBEEYEY
Cabdalle Shideeye goorma ayuu sharci ahaa ?
Video : Wasiir ku xigeenka dhalinyarada Jubbaland oo Afmadoow ka hadlay
Gudiga doorashada Jubbaland oo hadlay
Baarlamaanka Jubbaland oo ka hadlay dhalinyarada Hindiya lagu xukumey
WHO: 90% dadka dunidu waxay ku neefsadaan hawo aan nadiif ahayn