Maxamuud Cabdi Cali oo helay kalsoonida oday dhaqameedka Koonfurta Wajeer

Published: January 26, 2013

Kn:Suxul duubka doorashooyinka Kenya iyo hardanka oo wali ka socda gobolka Soomaalidu degto ee Waqooyi Bari Kenya ayaa kursiga Koonfurta Wajeer mid kamid ah beelaha ugu itaalka roon waxay isku waafaqday xubinkii u istaagi lahaa habashada Kursiga.

Shir ay yeesheen oday dhaqameedka Beesha Maxamed Zubeer ayaa lagu kala saaray 7 musharax oo isku garbinaayay Kursiga Koonfurta Wajeer, markii cuqaashu ay darseen aqoonta, waayo aragnimada iyo kartida tartamayaasha, waxay Beeshu isla garatay in qofka Kursigaasi u tartamaaya ee codka la siinaayo uu noqdo Maxamuud Cabdi Cali.

Maxamed, waa aqoonyahan wax ku soo bartay dalka Ingiriiska, haystana shahaadada Master. Muuqaal laga qabtay shirkii cuqaasha ay ku kala saarayeen 7 musharax oo ay nasoo gaarsiiyeen Gudiga qabanqaabada doorashooyinka ee kursiga Koonfurta Wajeer ayaa ahaa sidan ee hoos ka dhugo.

http://www.youtube.com/watch?v=_TqFzq-k2wI&feature=youtu.be

Gudiga qaban qaabada doorashada 2013
Beesha Maxamed Zubeer
Habaasweyne,Kenya
contact Gudigabeeshamaxamedzubeer@gmail.com

 


KismaayoNews.com



UGU DAMBEEYEY
Madaxweyne Axmed oo hambalyeeyey Jubaland TV
Turkiga oo saldhig weyn ka furanaya Xamar
Wasiir Cabaaskii Puntland oo iscasilay
CONSULTANTANCY VACANCY ANNOUNCEMENT AT MINISTRY OF INTERIOR, JUBBALAND STATE OF SOMALIA
Dibad-baxyo looga soo horjeedo dowladda Maraykanka oo ka dhacay Gaalkacyo