Ingiriiska oo dalbay in laga soo cararo Somaliland

Published: January 27, 2013

Kn:Dawladda Ingiriiska ayaa shaacisay inay khatar ka soo fool leedahay Somaliland, sidaasi darteedna ay tahay in dadka ajaanibta ah ee ku sugan iyo dadka u dhashay dalka Ingiriiska ay isaga soo qaxaan.

Warbixin ka soo baxday xafiiska arimaha dibadda ee dalka Ingiriiska ayaan lagu faahfaahin macnaha ay ula jeedaan khataraha ka soo waajahan Somaliland, waxayse u jeediyeen mudhaaniinta ka soo jeeda dalkeeda digniintii ugu cuslayd iyo inay sida ugu degdegsiinyaha badan uga soo baxaan Somaliland.

Digniin tan oo kale ah waxaa ayana isla maanta soo saaray xafiiska arimaha dibadda ee dalka Irland, waxayna si lamid ah Ingiriiska u sheegeen dadka ka soo jeedal Irland ee ku sugan Somaliland inay isaga soo baxaan.

Bishan foodda inagu soo haysa ayaa la filayaa in dalka Ingiriiska lagu qabto shir looga hadlaayo sidii cagaha loogu taagi lahaa Soomaaliya kaasi oo daba socda shirkii Feberaayo, sanadkii hore ee ka dhacay london.

Maraykanka oo inta badan hormuud u ah dalalka Reer Galbeedka isla markaana go’aanka uu gaaro ay durba meel mariyaan ayaa aqoonsaday Soomaaliya horaantii bishan, sheegayna in wixii hadda ka danbeeya Muqdisho lagala xaajoon doono arimaha khuseeya Soomaaliya.

Hadaba lama garanaayo xiriirka ka dhexeeya aqoonsiga uu Maraykanku siiyay Soomaaliya, ayadoo Somaliland diidan inay wax dib ula wadaagto Koonfurta iyo dalbashada dalalka Ingiriiska iyo Irland ay ku dalbadeen inay Muwaadiniintooda isaga soo huleelaan Somaliland inta ayna xeero iyo fandhaal kala dhicin.

Warka dhiilada ah ee ka soo yeeray Ingiriiska iyo Irland wuxuu mudac ku yahay dimuqraadiyadda ka hanaqaaday iyo waliba degenaanta iyo xasiloonida looga bartay Somaliland, ayadoo aan la saadaalin karin halka ay ka soo burqan doonto aafada soo socota ee ay ka digayaan Ingiriiska iyo Irland.

KismaayoNews.com

 


KismaayoNews.com



UGU DAMBEEYEY
Go’aanada Golaha ammaanka
Dekada Kismaayo oo la dhisayo, qalabkii dhismaha oo soo degey
Golaha ammaanka oo u codeeyey in la baaro doomaha dhuxusha
Ergada shirka maamulka 3-da gobol oo Baydhabo gaaraya
Kooxda Monitoring ee UN oo shaqada laga eryey