Madaxweynaha “Soomaaliya waa mid ka mid ah saamiilayaasha Afrika”

Published: January 27, 2013

Kn: Madaxweynaha Soomaaliya Xassan Sheekh Maxamuud oo ka qeyb galayay shirka midoowga Afrika ayaa sheegey in Soomaaliya ay markale dib ugu soo laabatay qariidadda aduunka.

Waxa uu sheegey in Soomaaliya ay tahay wadan xor ah, islamarkaasina aanan cidna culeys ku ahayn.

Waxa uu rajo ka muujiyey xawliga hormarka ay Soomaaliya ku socoto, isagoo soo hadal qaaday duulimaadyada gudaha dalka oo sii labo jibaarmay.

Madaxweynaha ayaa khudbadaha uu jeediyo dhawaanahan diiradda ku saaraya sidii aduunka looga dhaadhicin lahaa in Soomaaliya ay markale aduunka ugu soo biirtey, sidaasi darteedna loo tixgalin lahaa.

KismaayoNews.com


KismaayoNews.com



UGU DAMBEEYEY
Ku dhawaad 100 qof oo ku geeriyooday dhul-gariir ku dhuftay Indonesia
60 ruux oo Yemeni ah oo dooni la anbatay
Telefishanka Aljazeera oo loo diiday inuu tebiyo shirka GCC
Video : Xasan Sheekh oo wareysi gaar ah siiyey Jubaland TV
Xildhibaanada federaalka ee Jubbaland oo fadhigooda loogu imanayo