Musuq Maasuq!?

Published: January 27, 2013

Kn:Markii Dr Cabdi-nuur Sheikh Maxamed loo magacaabay wasiirka wax-barashada Soomaaliya xiligii Xukuumaddii Farmaajo  kulankanagii ugu horeeyay ayaan ku iri wasaaradda waxay u shaqaysaa dhawr qof iyo hay’adaha lagu sheego inay tacliinta taageeraan waana xanuun daran  daawadase waa in dhammaan shaqaalaha wasaaradda haatan joogo oo aan darsin ka badnayn laga wada eriyo shaqada aysan qaban ee  ku shaqaystaan magaca wasaaradda .

Si aan ula kac ahayn ayaan ku galay  xarun ay lahayd Hay’ad  wax barsho oo laga leeyahay Maraykanka ku lahayd Xamar , waxaa joogay laba nin oo qaadayay saxayay walibana galayay Imtixaan la leeyahay waxaa laga qaaday 30 kun oo arday oo soomaali ah ,
Labadaas nin ee Soomaalida ah ayagaa ahaa 30 kun ee arday oo laga qaadayay Imtixaanka wixii la baray , ayagaa ahaa barayaashii wax baray , ayagaa ahaa saxayaasha iyo galayasha imtixaanka , khiyaanada intaas le’eg waxaa ka war hayay oo subax kasta xafiiskaas ku booqda qaar ka mid ah hawl wadeenada wasaaradda waxbarashada.
Wasiir cabdinuur wuxuu iigu jawaabay war aan garaw saday oo ahaa inuusan badali Karin cayrina warkeeda iska daaye sababtuna way muuqatay oo waxay ahayeen Gafane dhiig ka dhargay in neefka laga fujiyana aysan suura gal ahayn in nafta la garab dhigo maahane  taasina diyaar uma ahayn madaxdkii maalintaas .
Handheego aan usaarnaa Hargayso anigoo xamar ka imid ayaan ku kulanay kursiga sarkaal ka mid ah baahiyaasha ”musuqa” waa hay’adaha gar gaarkee  wuxuu iiga sheekeeyay siday u shaqeeyaan wuxuu ii sheegay inuu safarkiisan uu ahaa mid adag wuxuu yiri ” waxaan furaynay tababar waxaan u yeernay mid ka mid ah saraakiisha wasaaradda wax barashado si uu noogu furo tababarka laakiin wuu diiday ilaa aan siinay lacag 500 oo dollar ah oo laaluusha ah ” ayuu yiri sarkaalkii oo markaas ii muujinaya inuu wax fiican qabtay laakiin aniga uurka iga gubtay sida uu musuqa u naaxinayo .
Waa Ragg iyo gediisee waxaan  damcay inaan xod xoto inan ka shaqaysa siday ii sheegtay quudinta dadka baahan , 9 saacadood ayay maalin walba kursi ku fadhidaa intaas waxay ku jirtaa  goobaha lagu mada daasho ee internetka , maalin ayaan waydiiyay goorma ayaad shaqaysaa ? intay igu qososhay ayay tiri sidaan ayaan ku shaqeeyaa ,  bal maandheey i fahamsii  ayaan iri , waxay tiri waraaqo ayaan quudinaa .
Musuqa waa kala sareeyaa macalimiinta dadka baray miiska ugu horeeya waxaa galaya Hay’adaha ”Gargaarka” waxay naga haleeyeen akhlaaqdii qarankeennii ayay na cunsiiyeen cadkii manaanaana ayagaa qaatay afkay dufan noo mariyeen miiddiina ayagaa gurtay , Mooryaantaas oon dalka laga qaban qiime yeelan maynno . Haddaadan iimaan ku celiya lahay ogoow Musuqu kaala macaan malabka .
Aadam Sheekh Xassan
aadan17@yahoo.com 

KismaayoNews.com



UGU DAMBEEYEY
Go’aanada Golaha ammaanka
Dekada Kismaayo oo la dhisayo, qalabkii dhismaha oo soo degey
Golaha ammaanka oo u codeeyey in la baaro doomaha dhuxusha
Ergada shirka maamulka 3-da gobol oo Baydhabo gaaraya
Kooxda Monitoring ee UN oo shaqada laga eryey