Madaxweynaha oo kulamo la qaatay madax Afrikaan ah

Published: January 28, 2013

Kn:Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi oo hogaaminayo ayaa  waxey ka qeyb galeen kulankii 20-Aad ee Midowga  Afrika oo ka dhacay caasimadda dalka Itoobiya ee Addis Ababa.

Waxaa kale oo qeyb ka ah  wafdiga R/Wasaare Ku Xigeenka ahna Wasiirka arimaha dibadda Marwo Fawziyo Yusuf Adam, Wasiirul Dowlaha Madaxtooyadda Mudane Faarax Sh. Cabdul-Qaadir, Safiirka Soomaalya u fadhiya Itoobiyo mudane Siciid Yusuf Nuur,iyo la taliyayayaal.

Markii ugu horaysay muddo dhan  labaatan sanno ayuu Madaxweyne Soomaaliyeed qudbad ka jeediyay Xarunta Midowga Afrika. Madaxweynaha ayaa wuxuu ka hadlay siyaasadda cusub ee Soomaaliya taas oo ku saleysan Lixda Tiir siyasadeed ee uu kow ka yahay amniga. Soomaaliya waxey hadda  saarantahay waddadii saxda aheyd waxeyna ka mid tahay dalalka Midowga Africa. Goobtaas ayaa Madaxweynaha aad loogu soo dhaweeyay.

Madaxweyne Xassan Sh. Maxamud ayaa sidoo kale u mahad celiyay Midowga Afrika iyo beesha caalamka, sida shacabka Soomaaliyeed ay ugu gargaareen.

Ugu danbeyntii ayuu Madaxweynaha wuxuu  kulamo la qaatay madax fara badan oo ay ka midyihiin.Madaxweynaha Dowladda Equetorial Guinea, Tunisia, Kenya, Nigeria. Waxaa kale uu la kulmay Xogahyaha Guud ee Qaramadda Midoobay.

Malik Abdalla

Agaasimaha Warfaafinta

Villa, Somalia, Muqdisho

media@presidency.gov.so


KismaayoNews.com



UGU DAMBEEYEY
Madaxweyne Xasan Sheekh: “Dadka tabashada qaba waa in la soo dhaweeyo shirkana lagu soo biiriyo”
Soomaalida Maraykanka oo codsanaysa cunto Xalaal ah
Sanbaloolshaa la i dhahaa, waxaan ku sugnahay Kismaayo
Farriin ku socota KismaayoNews
Arrimaha sidaas ayay u cakiranyihiin, “Sidee ? ”