Qabanqaabada maamul u samaynta Jubbooyinka oo Kismaayo ka socota

Published: January 28, 2013

Kn:Magaalada xeebta saaran ee Kismaayo ayaa waxaa si xawli ah ooga socda qabanqaabada kala fadhigii lagu yagleeli lahaa maamul ay yeeshaan gobolada Jubbooyinka iyo Gedo.

Ergooyin badan ayaa soo gaaray Kismaayo, qaar kalana way ku soo qulqulayaan, waxaana la sugayaa in maalmaha foodda nagu soo haysa lagu dhawaaqo maalinta kama danbaysta ah ee uu furmi doono shirka lagu dhisaayo maamulka ay yeelanayaan sadexda gobol.

Wararka aan ka helayno qaar kamid ah gudiga qabanqaabada, marka laga soo noqdo shirkii midowga Afrika ee shalay ka furmay caasimadda Itoobiya ayaa la sugayaa inay kulankii ugu danbeeyay yeeshaan urur goboleedka Igad, gudiga farsamada ee maamul u samaynta Jubbooyinka iyo Gedo iyo Dawladda Federaalka Soomaaliya, kadibna waxaa qorshuhu yahay in loo dareero doorasho lagu xulanaayo mid kamid ah dadka isu soo taaga hogaanka shacabka sadexda gobol.

Dhawr jeer oo hore ayay suuro gali wayday mawcido ay isla qabsadeen garabyada ay khusayso arinta maamul u samaynta Jubbooyinka, sidaasi darteen lama saadaalin karo inay markani ka duwanaan iyo in kale.

KismaayoNews.com


KismaayoNews.com



UGU DAMBEEYEY
Erdogan oo celinaya abaalmarin qolo Yuhuud ah horey u siisey
Video : Daanyeero sarqaansan dalka Kenya
Maamulka Jubba oo soo iibsaday Laba doonyood oo kuwa dagaalka ee xeebaha lagu ilaaliyo(Military patrol vessel)
Sakaatul Fitriga oo qafiifisey macaluusha Soomaaliya
Qaxootiga Kenya laga celinayo iyo casharada laga baran karo gumaadkii Ban Balaayo ee Hiiraan