EU oo cimri dheeraysay qorshaha tababarista Soomaaliya

Published: January 29, 2013

Kn:Kn:Midawga Yurub ayaa 2 sano ku kordhiyay qorshaha tabobarista ciidamada Soomaaliya iyo kuwa Afrikaanka ee dalka u taga qorshaha nabad ilaalinta.

Munaasabad ka dhacday Kampala oo ay ka qayb galeen wakiilada midowga Yurub ee dalka Uganda, safiiro iyo saraakiil kale ayaa xilka loogu kala wareejiyay masuulkii hore iyo ku cusub oo loo magacaabay mashruuca tababarista (EUTM).

Masruuca oo la bilaabay bishii 2aad ee 2010 cimrigiisuna ahaa laba sano ayaa lagu kordhiyay laba sano oo kale, ilaa iyo dhamaadka bisha 3aad ee 2015, waxaana loogu talogalay in lagu maalgaliyo in ka badan 11.5 malyuun oo Yuuro.

Xarunta Bahiga oo ku taala bartamaha dhulka kaymo leyda ee galbeedka Uganda ayaa lagu tabobaray tan iyo intii qoshahan ay hirgalisay Midowga Yurub askar gaaraysa 3000, waxaana hadda kalin jabinaaya isla markaana goordhow dalka dib ugu noqonaaya askar  shan boqol iyo Konton ah. Askartan waxaa Soomaaliya laga soo qaaday bishii 7aad ee sanadkii tagay.

Xarunta Bahiga ee tababarista ciidamada Soomaalida ayaa la go’aanshay in loo raro gudaha Soomaaliya, xogo ay helayso KismaayoNews-na waxay sheegayaan in wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya ay isku hayso Hiilweyne iyo Dhanaane midkii laga hirgalin lahaa xarunta cusub ee mashruuca tababarista Midowga Yurub.

Taliyihii hore ee mashruuca EUTM, Col. Michael Beary ayaa xilka ku wareejiyay shalay taliyaha cusub ee mashruuca, Brigadier Gen. Gerald Aherne kaasi oo ka soo jeeda dalka Irland.

KismaayoNews.com


KismaayoNews.com



UGU DAMBEEYEY
Saado Cali Warsame oo toogasho lagu diley Xamar
Maraakiib Soomaaliya ay lahayd oo loo qaatay qaan lagu yeeshey
25 dayuuradood oo qaad geeya Soomaaliya, lacagna kasoo daabula
Soomaalida Maraykan oo qabatay nin caruuro duufsanayay
Madaxweynaha “biyaha dalkeenna waxay ka badan yihiin baaxada dhulka Soomaaliyeed“