Warar is khilaafsan oo ka soo baxaya qarixii Villa Somalia

Published: January 29, 2013

Kn:Mid kamid ah kantoroolada ku yaala afaafka madaxtooyada, waxaa maanta ku qarxay naftiis haliga rabay inuu halaago dad badan.

Asagii iyo laba askari ayaa ku naf waayay, sadex kalana way ku dhaawacantay kadib markii uu batoonka taabtay walxaha qarxa oo oogadiisa ku jaxaasnaa.

Qaraxa kadib, warar is khilaafsan ayaa ka soo baxay qofka naftiisa haligay, dawladda waxaa ka soo yeeray laba hadal, kan hore waa in qof kani ahaan jiray Alshabaab kagadaalna uu kamid ahaa ciidamada sirdoonka ee dawladda (NSS).

Falka is qarxinta ayaa yimid ayay leeyihiin kadib markii la ogaaday inuu xubin Alshabaab ahaan jiray oo laga cayriyay shaqada, kadibna sidaasi ayuu weerar ugu qaaday madaxtooyada. Warkan waxaa faafiyay xukuumadda golaheeda wasiirada oo qaarkood saxaafadda la hadlay.

Saraakiisha Sirdoonka ayaa mid taasi ka badalan sheegay, waxayna leeyihiin, qofka is qarxiyay wuxuu ka soo goostay Alshabaab oo uu ka tirsanaa, laakiin ma ayna qeexin hadii uu baxsad ahaa waxa ku kalifay inuu is qarxiyo. Sidoo kale waxay saxaafadda u soo bandhigeen sawirka iyo magaca qofka naftii haligaha ah, waxayna ku sheegeen Cali Cabdi Xareed Macalin oo ka soo jeeda magaalada Wenlewayn ee gobolka Shabeelada Hoose. Waxay ayana dafireen in qof kan is qarxiyay uu ka tirsanaa ciidamada sirdoonka.

Kaydooniba ha ahaatee, qarixii maanta ka dhacay afaafka hore ee deegaanka madaxda ugu saraysa dalka waxay ku tusinaysaa sida ayna wali fari ugu qodneyn nabad galiyo lagu naaloodo oo guud ahaan ka dhacda gayiga Soomaaliyeed, gaar ahaanna Muqdisho.

KismaayoNews.com

 


KismaayoNews.com



UGU DAMBEEYEY
Alshabaab : Gaarigii uu Godane saarnaa, Gantaal baa lala heley
Dowladda : Godane waa la diley
FARDAMBE : Waxaan mijo la qabtay ku gartay, ayaad madax dhiigaya ku garatay !
Burcad-badeed mise Bad-Maax?
Jawaari oo ka dagay Baydhabo-Janaay