Kulan dhexmaray Golaha Jubaland ee Norway iyo QunsulkaTurkiga Oslo

Published: January 31, 2013

Kn:Shalay oo ay taariikhdu ahayd 30/01/2013 ayay golaha Golaha Jubaland ee dalka Norway kulan kula yeesheen safaaradda Turkiga ee Oslo qunsulka Turkiga Mr. Mehmet F Sekerci. Kulankan oo muddo saacado ah socday ayay labada dhinac isku dhaafsadeen sidii ummada Soomaaliyeed looga kaalmayn lahaa dhinacyada adeegyada dib-udajinta, caafimaadka, waxbarashada, biyaha iwmm.

Jaaliyaddu waxa ay qunsulka u gudbisay warbixin qoraal ah iyo xogo ku saabsan baahida ay qabaan shacabka reer Jubaland gaar ahaan deegaamada ay gacanta ku hayaan ciidamada is-garabsanaya. Waxa kale oo ay u sheegeen qunsulka in beesha caalamku dayacday gobollada Jubooyinka, illaa iyo haddana la gaarsiinin gargaarkii ay ka sugayeen dhinaca beesha caalamka iyo wadamada islaamka labaduba.

Jaaliyada oo tusaalayaal ka bixisay taariikhda, dhaqanka, siyaasada, diinta iyo saqaafadda ay wadaagaan labada dal, Soomaaliya iyo Turkiga, ayaa qunsulka kala hadlay inay doonayaan in dalkiisu ay ka gacan siiyaan shacabka reer Jubaland arimo ay ka mid yahiin dayactirka isbitaalka wayn ee magaalada Kismaayo iyo dhamaan isbitaalada burbursan, ambalaasyada, baabuurta dab-damiska, biyaha, gargaarka dib-udajinta dadka dib ulaabanaya iwm.

Qunsulku wuxuu golaha Jaaliyadda u ballan qaaday inuu qoraalka iyo fariintaba gaarsiin doono Ankara iyo waliba safaaradda Turkigu Muqdisho ku leeyahay. Wuxuuna sheegay inay dowladdiisu u qaban doonto Ummadda Soomaaliyeed dhammaanba wixii karaankeeda ah. Ugu dambaytii wuxuu kulanku ku dhamaaday guuliyo is-afgarad.

Xubnaha Shirka ka qayb galay

1. Abdiwali Mahamed Hussein

2. Abdullahi Dahir Moallim

3. Abdirahman Hussein Farah

4. Abdi Ibrahim Magan(Cirjiir)

Public Relation Office

Jubaland Concil of Norway

Mobile +4745803959


KismaayoNews.com



UGU DAMBEEYEY
Puntland oo soo gashay taariikhda ciyaaraha Soomaaliyeed; Jubbaland Kaalinta 2-aad
Salva Kiir oo xilka ka qaaday Riek Machar-ka la la’yahay
Fiinaalka Ciyaaraha Gobollada oo maanta la ciyaarayo
SONNA: Amisom oo ka hadashay qaraxyo lagu weeraray Xalane
Dad isugu jira ciidan iyo shacab oo ku dhintay Qaraxyada Xamar