Madaxweynaha oo London ku sugan

Published: February 1, 2013

Kn: Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi sare uu hogaaminayo ayaa waxeey ka dageen caasimadda dalka Ingriiska ee London.

Waxaa safarkan Madaxweynaha ku wehliyo R/Wasaare Ku Xigeenka ahna Wasiirka arimaha dibadda iyo iskaashiga Caalimiga Marwo Fawziyo Yusuf Adam,Wasiirul Dowlaha Madaxtooyadda Mudane Faarax Sh. Cabdul-Qaadir, la taliyayaasha Madaxweynaha, iyo saraakiil ka tirsan Villa Soomaaliya.

Madaxweynaha booqashadiisa ayaa imaanayso kadib markii ay dowladda Ingriiska casuumaad rasmi ah u fidisay.” Cilaaqeed-keenii jiray ayaan rabaa in-aan dib u soo celino” Madaxweynaha ayaa safarkiisa wuxuu kula kulmi doonaa R/Wasaaraha Ingriiska Mudane David Cameron iyo madax kale oo ka tirsan dalka Ingriiska .

Safarka Madaxeynaha ayaa wuxuu qeyb ka yahay safarro kala duwan oo dib loogu soo nooleynayo xiriirka Soomaaliya ay la leedahay beesha caalamka

KismaayoNews.com


KismaayoNews.com



UGU DAMBEEYEY
Obama oo maanta waraaqaha ka guddoomaya Cumar Cabdirashiid
Libaax ku dhex fakaday Xamar
Maxkamadaha dowladda oo qaadi la’ dacwadaha cabsi darteed
Turkiga oo joojiyey mashaariicdii uu Xamar ka waday
Gaza : Laqaadaha shimbiraha iyo gantaalka dadka leynaya