Wafti ka socda dowladda Soomaaliya oo ka qeybgalaya aaska Suldaanka ee Kismaayo

Published: February 1, 2013

Kn: Wafti uu hogaaminayo wasiirka warfaafinta, isgaarsiinta, boostada, gaadiidka iyo duulista hawada sare mudane Cabdullaahi Ciilmooge Xirsi ayaa maanta ka dagay magaalada Kismaayo halkaasi oo ay kaga qeybgalayaan aaska qaran ee loo samaynayo Suldaan Cabdi Suldaan Cali Sokor oo shalay ku geeriyoodey magaalada Nairobi.

Waftiga waxaa ka mid ah xildhibaano ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya oo uu ka midyahay Xildhibaan Cabdirishiid Xidig, iyo waliba Agaasimaha Guud ee wasaaradda warfaafinta Mudane Bahlaawi.

Aaska Suldaanka ayaa lagu wadaa in barito uu ka dhoco magaalada Kismaayo halkaasi oo ay isugu imanayaan dad aad u farobadan oo meelo kala duwan ka kala yimid.

KismaayoNews.com


KismaayoNews.com



UGU DAMBEEYEY
Norway “Kenya kuma taageereyno qaadashada dhul Soomaaliyeed”
Way dhibanyihiine u dhimriya!
Olole nadaafadeed oo ay qeyb ka yihiin ciidamada oo ka biloowmey Kismaayo
Labbo qof xoolo dhaqato ah oo lagu diley suuqa xoolaha Kismaayo
Xaawo Wiilo iyo seeygeeda Faarax Feyte ayaa dil ka geystey Kismaayo