Aas Qaran oo loo sameeyey Marxuum Suldaan Cabdi

Published: February 2, 2013

Kn: Kumanaan qof ayaa ka qeybgalay aas qaran oo maanta loo sameeyey Suldaan Cabdi Cali Sokor oo dhawaan ku geeriyoodey magaalada Nairobi.

Markii dayuuraddii waday meydka laga soo dajiyey iyada oo uu naxashka ku huwanaa calanka Soomaaliya ayaa halkaasi waxaa ku sugnaa ciidamada qalabka sida oo sameeyey hab maamuuska aas qaran uu leeyahay.

Waxaa goobta ku sugnaa mas’uuliyiin uu ka midyahay wasiirka warfaafinta Soomaaliya Cabdullaahi Ciilmooge, wasiirka maaliyadda iyo qorsheynta Maxamuud Xasan Suleymaan, Safiirka Soomaalida u fadhiya Kenya Cali Ameeriko, Gudoomiyaha maamulka KMG ah ee Kismaayo Sheekh Axmed Madoobe, ku xigeenka gudoomiyaha KMG ah ee Kismaayo Yaasiin Raadaar, Taliyaha ciidamada qalabka sida ee Jubbooyinka iyo Gedo Gen. Saxardiid, Xildhibaano, Culimo caan ka ah gayiga Soomaaliyeed, Odayaal dhaqan oo ka kala yimid Xamar, Dhoobleey, Gedo iyo kenya, Salaadiin uu kamidyahay Ugaas Maxamed Ugaas Xaashi iyo waliba ehelka suldaanka oo ka yimid illaa Maraykanka.

Suldaanka ayaa waxaa lagu aasay qabuuraha Baar Caleen oo ah meel u dhaxaysa garoonka Dayuuradaha Kismaayo iyo Magaalada Kismaayo.

Wariyeyaasheena halkaasi ku sugnaa waxa ay sheegeen in baabuurta kaliya ka qeybgashay ay dhanayd labbo boqol oo gaadiid, iyadoo dadka safkooda uu dherernaa laamiga, kana soo qulqulayay magaalada, waloow ay jirtey xakameyn badan amaanka dartiis.

Suldaan Cabdi ayaa waxa uu xilkan qabtay sanadkii 1990-kii kadib markii uu dhintey walaalkiis Suldaan Daahir Cali Sokor.

Guurtida beesha Maxamed Subeyr oo kulamo kala duwan ku yeelatay magaalooyinka Kismaayo, Afmadoow iyo Dhoobleey ayaa go’aamiyey qofka badalaya suldaanka oo ah Cabdullaahi Suldaan Cali Sokor, waxaana go’aanka shaaciyey Xaaji Axmed Cali Cagaar oo ku hadlay magaca guurtida, islamarkaasina ah gudoomiyaha odayaasha Absame ee Kismaayo.

Suldaan Cabdi waxa uu qortey ciidanka xooga dalka lixdamaadkii, maadaamaa uu ahaa nin itaal iyo qawi kulansaday, markii dambe xilal kala duwan ayuu kasoo qabtay dowladdii Soomaaliya.

Intii uu hormuudka u ahaa hogaanka dhaqanka waxa uu siweyn ugu guuleystey in beelaha goboladaasi uu ka baajiyo dagaalo badan oo sokeeye oo dhiig badan ku daadan lahaa, wuxuu gaashaanka u daruuray oo uu diiday inuu la shaqeeyo dhamaanba garabyadii kala duwanaa ee gacan ku haynta gobolka isaga danbeeyay tan iyo burburkii dawladdii dhexe, waxa uu sidoo kale qeyb ka ahaa dhamaan wadahadaladii dib u heshiisiinta ee Soomaaliya dowladda loogu dhisayay, isagoo wax kasoo dhisey dowladdan hadda jirta.

KismaayoNews.com


KismaayoNews.com



UGU DAMBEEYEY
Tirakoobka Soomaalida waa 12 malyuun !
Bashiir Ciise “Shulman Roggers waa dhuug dhiigga naga cabaya”
Ducaale Ganaane oo ku sugan Afmadoow
Suldaan Cali Sokor oo Afmadoow gaaray
Ra’isulwasaaraha “Sanbaloolshe waa nin dhaqan xun”