Kn: Cabdullaahi Suldaan Cali Sokor oo lagu garan ogyahay Cabdullaahi Dhuuboow oo da’ ahaan ku xiga suldaankii dhintey ayaa loo aqoonsaday in uu noqdo suldaanka beelaha Waamo ee Aji iyo beesha Maxamed Zubeyr.
Sida xeerku yahay, ka hor duugta suldaanka dhintey ayaa waxaa lagu dhawaaqaa qofka badalaya suldaanka, xeerkaasi oo soo jirey qarniyo.
Caleemo saarka suldaanka cusub ayaa loo qaban doonaa xaflad weyn oo haatan qabanqaabadeeda lagu jiro.
KismaayoNews.com