Kn: Suldaanka cusub ee loo magacaabay in uu badalayo suldaankii dhintey Suldaan Cabdi Cali Sokor iyo wasiir ka tirsan maamul goboleedka Puntland oo ka qeybgali lahaa aaska qaran ee loo sameeyey suldaanka ayaanan wali gaarin magaalada Kismaayo.
Suldaan Cabdullaahi Suldaan Cali Sokor ayaa ku sugan magaalada Dhoobleey halkaasi oo cilado farsamo dartood dayuurad ka qaadi lahayd ay ka daahday, balse barito halkaasi ay kasoo qaadi doonto si uu uga qeybgalo xaflad caleemo saar ah.
Sidoo kale wafti ka socda Puntland oo uu wasiir hogaaminayo ayaa iyaguna ku xayirmay magaalada Nairobi, waxaana lagu wadaa in ay Kismaayo u tagaan tacsiyada suldaanka.
KismaayoNews.com