Kn: Xarakada Alshabaab waxa ay sheegtey in ay qudha ka jartay askari Kenyan ah oo ay gacanta ku hayeen, waxayna ku hanjabeen in ay dilayaan shan kale oo ay ku jiraan maamuleyaal rayid ah oo ay kasoo afduubteen gobolka waqooyi bari Kenya.
War kasoo baxay Alshabaab waxaa lagu sheegey in 3 maalmood gudahood ku dilayaan lahaystayaasha Kenya, haddii dowladda dalkaasi ay fulin weyso dalabaadka Alshabaab ee ah in ciidamada Kenya ay ka baxaan Soomaaliya.
Kenya wax war ah kama uusan soo bixin oo arrinkani ku saabsan.
KismaayoNews.com