Soomaaliya iyo Kenya oo isku maagay shirkii UN-ka

Published: February 15, 2013

Kn: Waftigii ka socdey dowladda federaalka Soomaaliya ee ka qeybgalayay shirka golaha amaanka ee Qaramada Midoobey iyo waftigii ka socdey dalka Kenya ayaa la sheegey in ay isku maandhaafeen go’aano kala duwan oo ku saabsan arrimaha Jubbooyinka.

Kenya waxa ay Qaramada Midoobey hordhigyey codsi ah in ciidamadeeda loo ogolaado, laguna maalgaliyo ciidamada badda iyo maraakiib dagaal, iyada oo la marayo mashruuca nabad illaalinta AMISOM.

Balse waxaa arinkaasi kasoo horjeedsaday wasiiradda arrimaha dibada Soomaaliya Marwo Foowsiyo Xaaji Aadan oo sheegtey in aysan jirin baahi ciidamo xagga badda ah looga kaabo AMISOM, waxay intaasi ku dartey in la dagaalanka Alshabaab uusan quseynin badda, balse bariga uu yahay, dhibaatooyinka badda ee burcad badeednimadana aysan ahayn arrin u taala AMISOM.

Safiirka Kenya u fadhiya Qaramada Midoobey Macharia Kamau ayaa walaac ka muujiyey go’aanka Soomaaliya, balse waxa uu qirey in ay tixgalinayaan rabitaanka Soomaaliya.

Kenya iyo Soomaaliya ayaa isku fahmi la’ arrimaha gobolada Jubbooyinka halkaasi oo ay ciidamo ka joogaan dowladda Kenya.

KismaayoNews.com


KismaayoNews.com



UGU DAMBEEYEY
Alshabaab oo 15 askari oo ka tirsan ciidamada dowlada ku dilay magaalada Runirgood ee gobolka shabellada dhexe
Masar oo xabsiga dhigtay labo wariye oo caan ka ahaa dalkeeda
Video: Tartanka orodka curyaannada baaskiilka oo Kismaayo lagu qabtay
Xasuustaydii Nabad Sugiddii (N.S.S 1976 – 1991)
Koonfur Afrika: Julius Malema oo ku dhaartay inuu dhulka ka qaadi doono dadka cadaanka ah haddi xisbigiisu doorashada ku guuleysto