Geerida Sheekh C/qaadir Gabbal Dhacay Dheh

Published: February 16, 2013

Kn: Mahad oo dhami waxay u sugnaatay Eebe weyne Naxariis iyo nabad galyo korkiisa ha ahaato Suubaneheenii Maxamed waxaan rabaa inaan fursadaan uga faa’iidaysto inaan tacsi tiiraanyo leh Si Guud ugu Diro shacabka soomaaliyeed , Culumada iyo ardaydii uu wax soo baray Caalimkii weynaa ee Sheekh C/qaadir Nuur Faaraax Gaar ahaan waxaan tacsi u dirayaa eheladii iyo qaraabadii uu ka baxay Shiikha waxaan eebe uga baryayaa Samir iyo iimaan inuu ka siiyo ayna ku sabraan qadarta eebe.

إن لله ما أخذ وله ما أعطى وكل شيء عنده بأجل مسمى

Akhriste naf walbaa geerida way dhadhaminaysaa hadii aduunkan lagu waarayana nabdi maxamed Ayaa loo dayn lahaa , dadkoo dhami waa wada bsafar waxaana hayaan loo yahay hoygii aakhiro , qof Walbaana wuxuu ku harayaa Goobtii rabi u qoray wuxuuna harayaa maalin iyo saacad xadidan,

Qorista qormadaan waxaa igu khasbay qalbigayga wuxuuna gacmaha ku amray in ay qalinka Qaataan Waxna ka yiraahdaan geerida naxdinta leh ee hogaamiye aabe c/qaadir nuur faarax .

Warka xumi ma gaabshoo dabayl, gaaru leeyahaye

Gabbood kuma negaado habeen, guula sugi waaye

Gudguduudka waaguu guryaha, noogu soo galaye

Gelin buu ku gaaroo dadkii, wada gariiraye

Geeridu xaq weeyee mid baa, lala gariiraaye

Gocashiyo xanuun bay midkeed, gaar u leedahaye

Naxdin iyo gujaa laga dhaxlaa, tii halyeey go’oe

Dhiilladu si gooniya hadday, godoshay laabtayda

Qalbigay gobtahanyoonayiyo, murugaday gaartay

Madaxay gadaadiyo ilmaday, gabaxli waa daw’e

Jirku ima gigleeyeen ishuna, may galgalateene

Naftay garab la’aantay ogtahay, diidday gama’iiye

Gabbal-dhacay, dayax baa god galay, gacal u iishaaye

Naxariistii jano allaha ka waraabiyo Sheekh C/qaadir Nuur Faarax waa xidig iyo caalim umada Soomaaliyeed ka baxay runtii maqalka geeridiisu waxay gilgishay dhammaan Quluubta umada Soomaaliyeed ee samaha jecel , waana dareen naxdin leh balse qadarta alle waa mid Mudan in la Qaato laguna qanco , Xaaladaha lagu dhinto waa kuwa kala duwan , maantana waxaan dhihi Karnaa Sheekh C/qaadir wuxuu lahaa nasiib wuxuuna dhintay isagoo salaad ku jira hadana ammintu Ay Tahay Casar Maalintuna ay maalin qiima badan tahay oo jimce ah , da’da uu ku jirayna ay ahayd 70 Iyo Wax ka Badan 45 sano waqti lagu qiyaasayna uu ka shaqaynayay u khidmaynta diinta balse waxaa Walbahaar ku Jira arxan laawihii ku dhiirraday in uu dhiigiisa ku faraxasho Indhihii Umada Soomaaliyeed.

Maaha wax cusub dilka iyo laynta culumada waana arrin soo taxnaa illaa waqtigii Khulufada naf walbaana waxay leedahay ajal aysan dhaafi Karin sheekh C/qaadirna ajashiisii ayaa timi ilaahay khaatumo fiican ha uga dhigo qabrigana allaha u waasiciyo .

waxaa lagu xasuusan doonaa ka shaqaynta wanaaga iyo isu keenida umada islaaxa iyo Heshiisiinta Dadka , fidinta diinta , barista iyo baraarujinta da’ yarta sidoo kale waxaa lagu xasuusan doonaa Mawqifkii uu ka istaagay Marxaladiihii iyo dhibaatooyinkii wadanka ka dhacay qarnigii tagay .

Waxaan rabaa inaan shacabka reer garowe hambalyo hawada u mariyo shaqada wacan ay qabteen Waan ku bogaadinayaa iyagoo aan ka quusan qabashada gacan ku dhiiglaha isagoo shacabka Qaybtood uu dhiigooda daadiyay dhiigyacabkaas.

Dawlada waxaan leeyahay garate inaad adinku is ilaalisaan ciidan fara badan geesaha iska dhigtaan Gudoomiye dagmo oo aan bulshada wax ugu ool ilaalo u samaysaan dhaqaalena ku bixise balse Maxaa diiday in culumada iyo hal doorka dadka ee maqaamka sare umada ka jooga inaad ilaalo u Samaysaan ? Qadarin iyo xurmayn miyaysan mudnayn ? karaamo iyo kor u qaadid miyaysan Mudnayn? Jawaabaha waydiimahaas waa kuwa jawaab u baahan .

Uguma tala galin qormada inaan dheereeyo ubucda iyo ujeedka qoraalkuna waxay ahayd inaan Umada soomaaliyeed la qaybsado xanuunka ay wada dareemeen gaar ahaan aan tacsi tiiraanyo Leh gaarsiiyo qoyskii uu ka baxay sheekha ilaahay waxaan uga baryayaa in uu qabriga u waasici Fadhigiisana allaha ka yeelo jannada fardawsa annagana Samir iyo iimaan allaha naga siiyo .

Waxaan ku soo gunaanadayaa erayo kooban oo ka hadlaya miisaanka iyo qiimihii sheekha

Ninba goor ay noqotaba Godka lama huraayee

goobtuu banneeyaan mala goconayaa

garasho dheeridiisii baan mala goconayaa

Taariikhdu waa ma guurtee diiwaanka ayuu galay

Magaciisii muu go’in maqaamkiisi ma gurin

Macallin gaamuriyo maskax gaamurtuu lahaa

Gar hayeenka nabaduu ahaa geed har loo weyne

Gees kastoo la eegaba ifkaa, guulo loo qiraye

kamu guurin xiskeenna gal dahab buu ku qoran yahay

Aan soo gaabsho hadalkoo gunaanado dhambaalkee

Gargaar kale ma hidin karo duco ila gudboonoo

Galabta aan awoodee Guullow Allahayow

U waasici godkiisoo kuwa gelaya Fardowsee

Geeshkii rasuulka allahayaw ka yeelo

Galladdaada ugu deeq aamiin aamiin aamin

Allahayow jannada gee bulshada guday xilkeediiye.

W/Q : Abdiqani Mohamed Ali

Email: Hurfe77@gmail.com


KismaayoNews.com



UGU DAMBEEYEY
Alshabaab oo biyo oga hortagaysa hawlgalka “Badweynta Hindiya”
“Ninkii nabadda qaata ayaa geesi ah”
Kenya : Soomaaliya kamaanan filaynin in ay na dacweyso
Hawlgal loogu magacdaray “Badweynta Hindiya” oo lagula wareegey Buulo Mareer
Axmed Madoobe iyo Barre Hiiraale oo salaan is gacan-qaaday