Tix Kooban : Noo sahal Allow

Published: February 16, 2013

Kn: Tixdani waxa ay ka mid ahayd markii maamulkii wadaadada Soomaaliya-mililik bixii ka dib-madax iyo mucaarad u kala miidhmeen,maankoodana la saari waayey,lana macno garan waayey ee ay mindiyaha isu muteen iskuna mudeen.
Wadaadadu waqtigaas wadaado ahaan wax badan bay is weydaarsadeen, waano,wax sheeg,is waabin iyo wisiisiba.Waraaqo kitaab,web iyo weeyeba, wejiyo badan baa warka la isugu wadhay la isuguna wareemay.Weedhani waxa ay waax ka ahayd wacyi gelintii aanu is waraabinay waagaas.
In kasta oo aan wax fiicani noo fayoobayn noona fayoobaan,fekerkaygii waxa uu ka fursanwaayey in aan faqayagii far ka mid ah fagaaraha keeno,furona furdad ka tirsan farriimahayagii, la ilana fiirsado,lana fahmo in aanaan farmaha uun rasaas isku falkine,food is darkayaga fagaarayaal badan na loo faadhumeeyey oo aanu foolka-fool isugu feylfeyley.
Waxa ay leedahay:

(1)
• Semenadii horiyo
• Soo jireenka duni
• Siiradii anbiyo
• Boqorradii sarsare
• Suber baawarkii
• Ninba siduu wax yidhi
• Inta suushay qaran
• Talo seegtay iyo
• Aduun baaba saxan
• Tubta seejisaye
• Sababtiyo hedduna
• Saahid iyo wadaad
• Ma taqaan sikhiye
• Way na saarantee
• Noo sahal Allow
(2)
• Siidhkad beerto baad
• Saaciisa guran
• Si bay naga tahoo
• Ku socdoo dhulkii
• Siiruu arlada
• Bal siday noqdeen
• Ummadihii sahwiyey
• Ku sameeyadii
• Saatir noo laqimay
• Soo celceliyey marar
• Dheg ma siinin oo
• Halkii lagu sirmiyo
• Seeftii waayahaan
• Surka hoos dhignee
• Ma sag bay na siin?
• Ma sag baan u siin?
• Noo sahal allow
(3)
• Sartii aan xidhniyo
• garkan soohnay baan
• Dib u siibaynaa
• Sidaan wax u wadnaa
• Saansaantu tahay
• Waxay siinaysaa
• Jidad iyo sallaan
• Sun boog daacyadii
• Salaadiyo dikriga
• Suuradaha waxyiga
• Ka sindhiidhayee
• Suul qaniinayee
• Suursanaa meddo e
• Fursad suge ahaa
• Noo sahal Allow
(4)
• Sidaan wax u wadnaa
• Waxay sababysaa
• Gabdhihii sinmee
• Asturaad saxee
• Sifadii ifkiyo
• Tii saadanbeba
• Say tahay u wadey
• Dharka siiba oo
• Jidh saloogan iyo
• Surwaal muddugan
• Hadii aydan sidan
• Salsaloolan inan
• Hoteelada saqlayn
• Laydin wada sawiran
• Annagana na sabin
• Shaqo loo socdiyo
• Fasal loo saftiyo
• Saamigii bulshada
• Af ma saaraysaan
• Saxna isu qabnaa
• Noo sahal Allow
(5)
• Suufiyadii timoo
• Soo noqotayoo
• Subxaanow uhuu!
• Sameecado u shide
• Surimadii Burciyo
• Suqduudkii Maqdiish
• Kii kitaab sitee
• Sunni loo arkaba
• Sidii beri jirtiyo
• Soo saar galkiyo
• Sawraca ku qoran
• Safxaddiisa hore
• Bidciyohow silloon
• Sandulliyo bilqasab
• Amar suun ka kulul
• ay ku siinayaan
• Sirdoon nabad sugeed
• Si Ay Eeda shishe
• Garab saaraysaa
• Baa soo socda e
• Noo sahal Allow
(6)
• Shiikhii saree
• Diinta saafayee
• Mu’min saahidiyo
• Saan caddaha gaal
• Kala saaristood
• In ay tiir sal adag
• Oon la suulin Karin
• Oo ku sugan sharciga
• Subax iyo waa
• Nooga dhigayey saad

• Xuub siibtayoo
• Kufri la saftayoo
• Soo ridaya baas!
• Waa suxubbi iyo
• Saaxiibadeen
• Tigraygaa silloon
• Iyagaaba saxan
• Hadday ina siraan
• Ama ina sigaan
• Ama ina sugaan
• Sarreeyow ihii
• Seer wax aan ahayn
• Yaan sed looga dhigin
• Siyaasadda sharciga
• Sunnadaa qabtee!!!
• Hala sooro oo
• Loo sacabbiyoo
• Loo eegin saas
• Soo dhoweeya yidhi
• Baa soo soda e
• Noo sahal Allow
(7)
• Wixii sebiga iyo
• Sirqo iyo da’ dhexe
• Soomali idil
• Loo saxeexay aw
• Samo iyo wanaag
• Suurad kuu dhigyaa
• Soor ka ag heshaa
• Xaq kuu sooryayaa
• Gar la siisto iyo
• samo kuu hagyaa
• waa khayr socdoo
• khayr kale sitee
• Sabadiisa iyo
• Saqafkuu ku jiro
• Nafta ku sekinoo
• Si uun ugu dhowow
• Sino rogatayoo
• Kii salaadda iyo
• Surwaal gaabanee
• Gadhka saynta iyo
• Sujuud lagu arkoba
• Dad ka selelo oo
• Ubadkuna sasoo
• Soo carara eey
• Wadaad soljaraa
• Soo galay degmada
• Suun buu sitaa
• Wuu siniinayaa
• Sekenaa u hadhay
• Yuu idin sahayan
• Salaamaad dhehoo
• Dhulka seexda oo
• Salka ciidda iyo
• Sibidhkaysku dheja
• Qayliyo sawaxan
• Laysla wada salbakho
• Baa soo socda e
• Noo sahal Allow

(8)
• Wadaad saraya oo
• Markuu saddex boqolo
• Safka ugu jiroo
• Amarkiisa sugi
• Oo sibyaan u badan
• Salabkoodna yahay
• Hub kan ugu sahlane
• Soofiyadkii tegey
• Odaygii Siyaad
• Beri siiyayee
• Hadda laga socdee
• Sergadaha ka dhigan
• Labo subax arko
• Inuu samada iyo
• Saxalkaa koroo
• Cirka isagu sido
• Dadku suufaf iyo
• Qudhaanjada susubay
• Aanay waxba ka sidan
• Sidii Seyidkii hore
• Caqli siiyey baa
• Soo socota ee
• Noo sahal Allow

(9)
• Mid ka sii daroo
• Saaxiibkii iyo
• Kii la saacufee
• Suudha la maree
• Mukhlis suuban iyo
• Saan iyo jidh iyo
• Sanbabadow ahaa
• Wuu siibtayoo
• Saaqid weeye oo
• Maalin buu sidaa
• Noo eegay sare
• Oo saluugay amar
• Ama saydhay hadal
• Uu mujaahid sare
• Soo jeediyee
• Surmo ku qabta oo
• Mindi saawiriyo
• Soodh aan karayn
• Hortayda ku sarsara
• Sidii Saamwel Doo
• Baa soo socda e
• Noo sahal Allow

Eray bixin:
Saamwel Doo:Samuel Doe Waa madaxweynihii Laybeeriya xukumi jirey oo la qabtay lana diley sept.1990 .Waxa uu ahaa qofkii ugu horreeyey ee aan arko isaga oo nool oo soo fadhiya oo la jarjarayo!!!!!!!
Wixii talo,toosin iyo turqid ah :iskujir@ymail.com

Fiiro : Waxa dhawr saacadood ka hor I soo gaadhey in la diley Alla ha u naxariistee Sh.c/qaadir Nuur Gacamey,In kasta oo tixdani diyaar ahayd oo diris uun sugaysey,duur xulkeeduna dakanadan oo kale uu ka digayey!!!!!!!!!!!
Siciid Saalax 15/02/2013


KismaayoNews.com



UGU DAMBEEYEY
Kiis-Baar : Kiis-iska-waalka Xamar !
Madaxweyne Axmed Madoobe oo wadatashigii bulshada ka bilaabay Raaskaanbooni
Ciidamada Hiil-Walaal, ma hiillo ayay ka galeen Hiiraan?
Qalalaase canshuuro oo ka taagan Xamar
Kismaayo oo yeelatay dhaqaatiirta ciyaaraha