Alshabaab oo dhacay hey’ad samofal ah Mereereey

Published: February 17, 2013

Kn: Xoogaga Alshabaab ayaa u dhacay shalay xarun ay leedahay hey’ad samofal ah oo maxali ah oo lagu magacaabo Afrik taasi oo ka hawlgaliu jirtey tuulada Mareereey ee gobolka Jubbada Dhexe, halkaasi oo ay ka daabusheen agab aad u farobadan.

Sida wararka aan ku heleyno, hey’adda Afrika oo siweyn caan oga ah gobolada Jubbooyinka, islamarkaasina caan ku ah hawlaha gargaarka ayaa shaqadeedii joojisey muddo ka hor, sababo la xiriira culeysyada Alshabaab, laakiin xarunteeda Mareereey waxaa u joogey waardiyeyaal, waxaana yiiley agab samofal loogu talogalay oo ay shabaabka hor istaageen.

Shalay waxa ay xarunta ka daldasheen bacaha roobta laga dugaashado ee dadka barokacayaasha ah iyo tuulooyinka ay guryaha saartaan, saabuunta dharka lagu dhaqdo, iyo waliba makiinadaha ceelasha lagu rakibo oo kun gaaraya, iyo matooro dabka dhaliya.

KismaayoNews.com


KismaayoNews.com



UGU DAMBEEYEY
Kenya: Cudurka shuban biyoodka oo ka dilaacay Magaalada Mandheera ee gobolka waqooyi bari Kenya
Warshad biyo gelin ka sameynaysa Kismaayo oo xarigga laga jaray
Taliska ciidamada booliska Soomaaliya oo qalab ciidan ka gudoomay Talyaaniga
Video: Cudurka Kaduudiye oo baabkiisa la gelayo
Golaha wasiirrada Jubaland oo kulankoodii ugu horreeyay yeeshay