Shabaabka oo odayaal u furey shir barbar socda kan Kismaayo

Published: February 17, 2013

Kn: Boqolaal odayaasha dhaqanka ah ayaa si juujuub ah la’isugu keeney tuulada Mareereey ee gobolka Jubbada Dhexe halkaasi oo oga furmayo shir 3 todobaad ah oo ay qabanayaan xoogaga Alshabaab.

Wararka aan heleyno waxa ay sheegayaan in odayaasha la’isaga keeney dhamaan goobaha ay ka taliyaan Shabaabka ee goboladda Jubbooyinka iyo Gedo.

Waxaa la sheegey in looga gol leeyahay in odayaasha looga mashquuliyo shirka ka furmaya Kismaayo ee lagu soo dhisayo maamul goboleedka.

Shirka ayaa waxaa lagu qabanayaa xaruntii hey’adda Afrik ku lahayd halkaasi oo ay daraad la wareegeen xoogaga Alshabaab, islamarkaasina ka dhaceen wax alaale wixii halkaasi yiiley.

Odayaasha ayaa halkaasi seexanaya, cuntadana loogu karinayaa, iyadoo la sheegey in ay casharo iyo wacdiyo diini ah qaadan doonaan.

KismaayoNews.com


KismaayoNews.com



UGU DAMBEEYEY
REPORT OF THE IGAD CONFIDENCE BUILDING MISSION TO MOGADISHU AND KISMAYO 16-19 MAY 2013
Statement of H.E. Hassan Sheikh Mohamud, President of the Federal Republic of Somalia 22nd Extra-Ordinary Summit of Heads of State and Government of IGAD 24 May 2013, Addis Ababa, Ethiopia‏
Jeneraal Saalax Makoma, taliye cusub oo loosoo magacaabay Jubadda Hoose
Madaxweynayaasha IGAD oo ansixiyey go’aankii wasiiradda
Wafti Xamar ka yimid oo Kismaayo gaaray maanta