Ugaaska Talomoge oo siweyn loogu soo dhaweeyey madaxtooyada Kismaayo

Published: February 18, 2013

Kn: Ugaaska beesha Talomoge Ugaas Irshaad Ugaas Guure Siigaale iyo wafti dhaqan ah oo dhawaan soo gaaray magaalada Kismaayo ayaa qaabilaad weyn loogu sameeyey madaxtooyadda magaalada Kismaayo.

Halkaasi waxaa ugaaska ku qaabiley Sheekh Axmed Maxamed Islaam oo ah gudoomiyaha maamulka KMG ah ee Jubbooyinka iyo Cabdicasiis Sheekh oo ah saraakiisha ugu sarsareysa wadahadalada lagu dhisayo maamulka.
Ugaaska iyo waftigiisa ayaa Kismaayo u yimid si ay oga qeybgalaan shirka maamul u samaynta Jubbooyinka iyo Gedo ee lagu wado in 23-da bishan uu ka furmo duleedka Kismaayo.

Mar uu saxaafadda la hadlay waxa uu sheegey in uu aad ugu faraxsanyahay in aayaha dadka ay iyagu ka tashadaan, hogaanka dhaqankana la siiyo doorkooda xaqa ah.

Sheekh Axmed Madoobe ayaa sheegey in ay sharaf u tahay in uu qaabilo ugaaska, islamarkaasina la dhacsanyahay doorka odayaasha dhaqanka ku leeyihiin aayo ka tashiga dadka Jubbooyinka.

KismaayoNews.com


KismaayoNews.com



UGU DAMBEEYEY
Wasiiradii hore oo lasoo baxay ‘carab dalab leh”
Cali Gaab oo Taraafikada ku laabtay
Farmaajo “Safarkayga Baydhabo waa jid uu ii jeexay Xasan Sheekh”
Madaxweyne Axmed oo booqday dhufeysyada C/lle Biroole
Maxkamadda Cidamada oo dil ku fulisay nin horey udilay qof shacab ah