Uganda oo Safaarad ka furanaysa Muqdisho

Published: February 20, 2013

Kn:Dalka Uganda oo ciidamo badan ay ka joogaan Soomaaliya ayaa markii ugu horaysay tan iyo burburkii dawladii dhexe safaaradda ka furanaaya caasimadda Xamar.

Safiirka Cusub ee dalka Uganda u soo dirsanayso Soomaaliya ayaa lagu sheegay Prof. Sam Turyamuhika kaasi oo maalmaha inagu soo aadan soo gaari doona Muqdisho.

Dawladda Uganda ayaa ku sheegtay talaabadan ay safaaradda ooga furanayso Muqdisho mid ay ku xoojinayso xiriirka labada dal. Ciidamada Afrikaanka ee ku sugan Soomaaliya oo lagu qiyaasay in ka badan todoba iyo toban kun, marka laga reebo kuwa Itoobiyaanka ayaa caddad kooda ugu badan waxay ka yimaadeen dalka Uganda.

Ciidamo badan oo Itoobiyaan ah oon tiradooda la aqoon ayaa ka hawlgala qaybo kamid ah gobolka Gedo, Bay, Bakool, Hiiraan iyo gobolka Galguduud, ciidamadaasi kama mid aha kuwa AMISON.

KismaayoNews.com


KismaayoNews.com



UGU DAMBEEYEY
Uhuru oo loo xukumay hogaaminta Kenya
Farmaajo oo Imaaraadka u duulay
Garoonka Cabdi Bille Cabdi oo roog cagaaran la dhigay
Warbixin iyo talo soojeedin ku saabsan magaalada Carmo
Baarlamaanka oo dhiibistii Qalbidhagax ku tilmaamay khalad dhacay