Daafaha Aduunka : Dambi baaraha Oscar Pistorious, isagaaba dil ku eedeysan

Published: February 21, 2013

Kn: Sargaalka Police-ka ah ee ugu sareeya kooxda dambi baarayaasha ah ee dacwada ka dhanka ah orodyahanka cagaha la’ Oscar Pistoriuos ee dalka Koonfur Afrika ee diley saaxiibtiis Reeva Steenkamp ayaa la sheegey in isagaba ay dacwad ku bilaabanayso dil la xiriirta.

Sida uu sheegey afayeen Police-ka u hadlay, Hilton Botha oo ah dambi baaraya ayaa galkiisa dacwada dib loo furey arbacadii kadib markii sida la sheegey sanadii 2009-kii si kumeelgaar ah looga noqdey dacwad isaga ka dhan ahayd oo la xiriirtey isku day dil kadib markii uu rasaas ooda kaga qaaday gaari gabaangaban oo ay saarnaayeen 7 qof.

Botha ayaa maxkamada ka sheegey in Oscar aanan la siinin damaanad maadaamaa uu halis ku yahay nafta qoyskiisa iyo dadka la nool.

Arrintani soo korortey waxa ay caqabad weyn ku tahay dacwada Oscar oo aduunka oo dhan uu indhaha ku hayo, waxayna dhalin kartaa in dambi baarahan dacwada laga wareejiyo.

Oscar waxa uu ahaa ninkii aduunka dhan kaga yaabiyey kadib markii uu noqdey ninka ugu orodka badan ee aan lugaha lahayn aduunka oo dhan, isagoo waliba ka cago badiyey dad laxaadkooda u dhanyahay oo orodyahano ah.

Google iyo Facebook

Mulkiilayaasha ka macaashay shabakadaha waaweyn ee xagga internet-ka ee lagu kala magacaabo Facebook iyo Goole ayaa shaaciyey in abaalmarin malaayiin doolar ah ay gudoonsiin doonaan seeynisyahano curiya dawooyinka.

Sergey Brin ee Google iyo Mark Zuckerberg ee Facebook ayaa min 3 malyuun oo doolar ugu deeqaya hey’ad bixisa abaalmarinadaasi, waxaana la siinayaa dadka maskaxdooda ay kasoo maaxdaan waxyaabaha layaabka leh sida in ay soo saaraan dawooyinka cudurada qaar oo aanan dawo loo heynin.

Maraykanka

147 sano kadib ayaa waxaa la meelmariyey sharcigii adoonsiga dadka madoow lagu mabnuucayay gobol ka mid ah gobolada Maraykanka , tanina waxa ay ku dhacday kadib markii bare jaamacadeed uu ogaaday in sharcigaasi aanan si rasmi ah loo meelmarinin inkasta oo kol hore la ansixiyey.

Sida uu qaanuunka yahay, markii gobol uu sharci meelmariyo waa in uu si rasmi ah ugu wargaliyaa dowladda federaalka ee Maraykanka, kadibna la diiwaangaliyo sharcigaasi, sidaasna uu sharci ku noqonayo.

Gobolka Mississippi qaanuunkani waxa uun ansixiyey sanadkii 1995tii, balse illaa hadda lama dhaqangalin.

Bare wax ka dhiga jaamacada University of Mississippi Medical Centre oo lagu magacaabo Ranjan Batra ayaa la sheegey in shineemo uu daawasho tagay filim laga jiley madaxweynihii hore ee Maraykankanka ee adoonsiga mabnuucey Abraham Lincoln’s, filimka oo ku saabsaansanaa qaanuunka 13-aad ee dalka Maraykanka oo sheegaya in la mabnuucay adoonsiga sanadkii 1865.

Macalinka waxa uu isweeydiiyey halka uu ku dambeeyey qaanuunkaasi gobolka Mississippi oo aanan ka mid ahayn waagaasi goboladii sharcigaasi ansixiyey. kadib waxa uu ogaaday in la ansixiyey 1995tii balse aanan rasmi ahaan loo dhaqangalinin.

Adoonsiga dadka madoow waxa ay ahayd arrin si weyn u ragaadisey bini’aadanimada, waxayna ka mid tahay waxyaabaha baalka madoow ka galay taariikhaha aduunka, malaayiin qof oo madoow ayaa badaha lagu daadiyey iyagoo silsilado lugaha kaga xiranyihiin, loona dhoofinayo maraykanka, qaarkii Maraykanka la geeyey ayaa la adoonsaday, beerahana lagu fashay.

KismaayoNews.com


KismaayoNews.com



UGU DAMBEEYEY
Xildhibaano Wada Mooshin Kale __ Timirtii horaba dab loo waa
Nin si layaab leh oga badbaaday baskii Kenya ee dadka lagu laayay !
Kismaayo : Illaa 30 qof oo lasoo taagayo maxkamadda ciidamada
Baskii daka lagu laayay Kenya oo lo afduuban lahaa Soomaaliya
Ceelal la sumeeyey Jubbada Hoose