Safaarada Kismaayo

Published: February 21, 2013

Kn: Iyada oo muddo maalmo ah naga xigto lagu wado in la dhiso dowlad goboleed la magac baxay Jubbaland ayaa waxaa wararka aah heleyno ay sheegayaan in dalal kala duwan ay diyaarinayaan in ay qunsuliyado ka furtaan Kismaayo.

Sawirka aad aragtaan waa dhismihii qunsuliyaddii talyaaniga ee Kismaayo, waana danaha dublamaasiyadeed ee kaliya ee Kismayao dal shisheeye ah ku lahaa xiligii dowlada ay dalka ka jirtay.

Haatan waxaa dhismahani hadda degen dad rayid ah, mana jirto saansaan in dib loo halwgalinayo.

Balse haatan rajadan cusub ee maamul u samaynta, waxaa jira warar ka hadlaya in dalalka Kenya iyo Ethiopia ay qunsuliyado ka furanayaan Kismaayo, ama ugu yaraan xafiis xiriirka lagu magacaabo isla marka dowlad goboleedka lasoo dhiso.

Ethiopia waxa ay qunsuliyado ku leedahay Hargeysa iyo Garoowe, balse Kenya xitaa dalka kuma lahan safaarad, waxaana la filayaa in furitaanka safaaradda iyo qunsiyaliyada ay isku mar dhaqan galaan.

Intii ay magaalada Shabaabka heysteen waxaa xafiis yar ka furatay dowladda Eritrea oo taageeri jirtey kooxdaasi, waxaana jirey in saraakiil Eritrean ah ay si joogto ah u booqan jireen Kismaayo, hub iyo saanad kalana geyn jireen.

KismaayoNews.com


KismaayoNews.com



UGU DAMBEEYEY
Ciidamada Puntland oo weeraray guriga Sheekh Cabdulqaadir Mu’min
Muqdisho: Masjid dhisme ku socday oo ku dumay dadkii dhisayey
Shidaalka Soomaaliya oo xilli dhow la soo saarayo
Kuuriyada Waqooyi oo 10 sanno ku xukuntay muwaadin Kuuriyaan Ameerikaan ah
Wabiga Shabeelle oo ku fatahay deegaanno ka tirsan Shabeellaha Dhexe