Shabaabka oo kulaalaya Kismaayo

Published: February 21, 2013

Kn: Wararka ka imanaya duleedka magaalada Kismaayo, gaar ahaan tuulada Buulo Guduud waxa ay sheegayaan in halkaasi Shabaab wixii koonfur iyo qorax-sul jirey in ay halkaasi isugu yimaadeen.

Waxay wararku intaasi ku darayaan in ay wataan gaadiid dagaal oo badan iyo ciidamo badan, waxaana jirta saansaan in ay weerar qorsheynayaan.

Waxaa la tuhunsanyahay in ay doonayaan in ay weerarka ku beegaan maalinta uu shirka furmayo ee sabtida, balse waxaa dhanka Kismaayo jira diyaar garoow weyn oo la sameeyey, iyadoo weerar cirka iyo dhulka ah la qorsheynayo in lagu qaado Shabaabka.

Dadka qaarkood waxa ay sheegayaan in abaabulka Alshabaab ay sameeyeen ay fursad u tahay ciidamada huwanta ah maadaamaa markani Shabaabka meel isugu soo uruureen, cududoodana la jabin karo hal mar.

Dhanka kale dad ku xeeldheer arrimaha ciidamada waxa ay noo sheegeen in tiirada hoobiyaha ay Shabaabka heystaan uu gaari karo 17 kiilo mitir, haatana ay magaalada iyo meesha shirka lagu qabanayo u jiraan wax ka yar 17 kiilo mitir, sidaasi darteedna ay tahay in Shabaabka la geeyo meel intaasi ka fog, ugu yaraan 30km.

KismaayoNews.com


KismaayoNews.com



UGU DAMBEEYEY
Dowladda Kenya oo dab qabadsiinaysa 105 tan oo fool maroodi ah
Kiiniya: Guri lix biyaano ah oo ku dumay xaafada Huruma ee magaalada Nayroobi
Raysal wasaare Cumar Cabdirashiid oo baarlamaanka horgeyn doona qorshaha dowladda ee habka doorashada 2016-ka
Ciidamada Puntland oo weeraray guriga Sheekh Cabdulqaadir Mu’min
Muqdisho: Masjid dhisme ku socday oo ku dumay dadkii dhisayey