Dhalinyarada Kismaayo oo daansha daanshoonaya

Published: February 23, 2013

Kn: Galab kasta kumanaan ka mid ah dhalinyarada reer Kismaayo oo soo xirtey labiskoodii ugu dambeeyey ayaa iyaga oo daansha daansho u daawasho taga ciyaaraha kubada cagta ee ka socda garoonka Waamo ee Kismaayo

Iyada oo aysan jirin cid juujuub iyo waxan lama ogola dhahaysa, ama ku qasbaysa in ay noqdaan ayay isku xifaaliyaan kooxaha ay kala taageersanyihiin, waxaana dhacaya sacab weyn marka uu gool dhasho.

Shalay waxaa garoonka ku ciyaarayay kooxaha kala ah Aargo iyo Suuq Mugdi, daawadayaashana waxaa la waayay meel ay kala istaagaan.

Garoonka waxaa ka muuqda burbur baahsan, waxaa gabi ahaanba burburey darbigii garoonka, waxana kaliya oo soo haray tarabuunka.

Kubada cagta waa ciyaarta kaliya ee kasoo hartay noocyada isboortiga ee magaalada lagu qaban jirey.

Ciyaaraha hadda la’iska hilmaamay waxaa ka mid ah kubada shabaga, mar aan booqanay garoonkii kubada shabaga ee Kismaayo waxa aan kusoo aragnay in xitaa qashin qub uu isu badalay sida sawirka ka muuqata.

Maamulkii Alshabaab ee horey magaalada oga jirey waxa uu mabnuucay noocyada isboortiga iyo waliba isu imaanshaha dhalinyarada.

Haatan waxaa furmaya naadiyo ay dhalinta isugu yimaadaan, waxayna rajadu tahay in wax kasta ay hagaagaan mar aan dheereyn.

Sawirada : Cabdiqadar Sulub / Cali Yare
KismaayoNews.com


KismaayoNews.com



UGU DAMBEEYEY
Qaxootiga Kenya laga celinayo iyo casharada laga baran karo gumaadkii Ban Balaayo ee Hiiraan
Puntland oo codsanaysa in la baaro xildhibaano Xamar lagu laayay
Wasiir gurigiisa la qarxiyey Kismaayo
Xulista ardayda deeqaha waxbarasho oo loo saaray gudi madax banaan
KismaayoNews waxay idinka raaligalineysaa muuqaalkii Saado Cali