Darjiinka Villa Soomaaliya iyo 1954 tii

Published: April 17, 2013

Kn: Maanta waxaa aduunka laga xusey maalinta dhireynta aduunka, meelaha laga xuseyna waxaa ka mid ah Soomaaliya halkaasi oo madaxweyne Xassan Sheekh Maxamuud uu gacantiisa ku talaalay geed madaxtooyada Villa Soomaaliya.
Waxa uu dadka Soomaaliyeed ka codsaday in ay ku dadaalaan beerista dhirta.

Shabakada KismaayoNews waxa ay halkan kusoo bandhigeysaa sawirka ninkii ka shaqayn jirey beerta Villa Soomaaliya illaa sanadkii 1954tii Sheekh Axmed Mursal, waxaa la taagan saxafi iyo cilmi baare Cabdiraxmaan Ceynte.

Ceynte oo ah saxafi isu rogey cilmi baare ka hawlgala machad Soomaaliya ku yaala ayaa sawirkani kusoo bandhigey bogiisa Facebook.
Ceynte waxa uu sheegey in Sheekh Axmed uu dhalay 240 qof marka lagu daro ilmaha uu awoowga u yahay, walina waa uu dhaldhalayaa isaga oo jira 75 sano.

Maqaal kusoo baxay maqalada New Yorker sanadii 2009kii ayaa ka hadlaya Sheekh Axmed oo ay waraysi kula yeesheen Villa Soomaaliya, qoraha maqaalkani waxa uu aad ola dhacay xusuusta Sheekh Axmed iyo sida illaa kontonkii uu shaqadiisa u xajistey una jecelyahay.
Waxa uu Afka Talyaaniga ku yaqaanaa dhamaan geedaha ku beeran beerta madaxtooyada, isagoo xitaa garanaya cimrigooda.

“Barigii hore waxaa beerta joogi jirey xayawaan kala duwan sida gariga, deeradah, biciidka, Daanyeerada, iyo Shabeelka, maantase hal xayawaan ma joogo” ayuu yiri Sheekh Axmed.

Sheekh Axmed waxa uu sheegey in dhamaan madaxweynayaashii soo maray Soomaaliya, Madaxweyne Siyaad Bare uu ahaa kii daryeelka iyo danaynta ugu badan u hayay dhirta iyo beerta, isaga marka uu safarada kasoo laabta u keeni jirey miro cusub oo beeta lagu beero.


KismaayoNews.com



UGU DAMBEEYEY
Axmed Godane, Ninkii nolosha lagu arki waayay oo hadda lasoo bandhigey
Waa kuma Mukhtaar Rooboow ?
Abuu Mansuur oo dowladda kusoo biiraya
Dalalka Khaliijka “Qatar waa in ay xirtaa Aljazeera iyo saldhiga Turkiga”
Geeridii Aw Libaax oo gilgishey Jubbaland