Meelmarinta Xeerka Saxaafaddu waa Xalka Wariyaha!

Published: July 27, 2013

Wasiirka Warfaafinta Mudane Cabdullaahi Ciilmooge Xirsi ayaa bishii July 11-keedii golaha Wasiirada hordhgigay xeerka saxaafadda Soomaaliyeed lagu dhaqi doono Dood dheer kadib iyo talooyin ay golaha wasiiradu soo jeediyeen waxay codbuuxa ku ansixiyeen in xeerkaas loo gudbiyo golaha Baarlamaanka Soomaaliyeed oo lagu wado in waxii laga il duufo ay saxaan, baddalaan taladoodana ku daraan kadibna ay ansixiyaan. Ka hor inta uusan xeerkani hor imaanin golaha wasiirada waxay wasaaraddu isugu yeertay dhamaan saxafiyiinta dalka ka hawlgala waxaana shir maalmo socday bishii February 2013 ay wasaaraddu qabatay shir ay wadatashi kula sameeyey saxaafadda iyo suxufiyiinta Soomaaliyeed. UjeedadaWasaaraddu isugu yeertay ma ahayn inay kala tashato sidii saxafiyiinta iyo saxaafadda loo caburin lahaa ee waxay ahayd in fursad wanaagsan iyo waqti ku filan loo siiyo iney taladooda ku biiriyaan sharciga saxaafadda isla markaana wasaaradda iyo ururka saxafiyiinta Soomaaliyeed NUSOJ ay maskax iyo waqtigooda isugu geeyaan in xeerkani noqdo mid ka tarjuma aragtida saxaafadda iyo suxufiyiinta Soomaaliyeed iyo kuwa caalamka.

Ururka Saxafiyiinta Soomaaliyeed waxay qaateen waqtigii ay u baahnaayeen mana jirin wax cadaadis ah oo wasaaradda kaga yimid mudadii ay ku maqnaayeen diyaarinta talooyinka ay ku darsanayaan Xeerka Saxaafadda. Saddex bilood kadib bishii May 2013 ayay NUSOJ soo gudbisay dhamaan talooyinka ay rabeen in lagu daro xeerka Saxaafadda Soomaaliyeed. Intaas waxaa dheer in xeerka saxaafadda ay wasaaraddu kala tashatay ururo caalami ah oo dhanka sharci saxaafadda aqoon durugsan u leh sida Article 19 iyo khubaro ka tirsan jaamacadda Oxford ee dalka Ingiriiska.

Haddaba si umadda Soomaaliyeed u fahamto aragtida ku saabsan diidmada xeerka saxaafadda waxaa lagama maarmaan ah in la daahfuro sababaha keenaya inuu abuurmo dareenka diidmada qayaxan kala horyimid xeerka Saxaafadda. Waxaa jira qodobo ubaahan in dib loo eego haddana gacanta lagu hayo sida qodobka khuseeya Awoodda Golaha Saxaafadda Qaranka(GSQ) oo ka koobnaan doona 15 xubnood. Ururka NUSOJ waxay soo gudbiyeen talooyinkooda ku aaddan qodobkaas waana mid u baahan tixgalin. GSQ waxay la wareegi doontaa dhamaan maamulka iyo maareynta saxaafadda sahqadeeda mana jiri doonto door wayn oo ay wasaaraddu ku yeelan doonto shaqada saxaafadda iyo wariyayaasha marka xeerkani meelmaro.

Been fakatay

Markii golaha wasiiradu ansixiyeen xeerka saxaafadda waxaa markiiba la sameeyey been aan sal iyo raad lahayn oo ay warbaahinta dalka iyo midda caalamkuba buunbuuniyeen iyagoo ku dacwoonaya in Xeerka Saxaafadda Soomaaliyeed uu qabo in wariyuhu uusan ka yaraanin 40 sano. Saxaafadda Soomaaliyeed iyo midda caalamkuba iyadoo aan arag ayay shaaciyeen arinkan. Balse maalmo kadib waxey ogaadeen iney ahayd been aan sal iyo raadtoona lahayn waxayna dantu ku qasabtay in la baadi goobo qodobo kale oo la mucaarado.

Xaquuqda Suxufiga

Xeerkani waxuu sugayaa xaquuqda saxafiga isla markaana sharciyeeyey xaqa uu leeyahay qofka ku shaqeeya mihnada saxaafadda. Xeerkani waxuu qeexayaa Xaquuqda shaqaaleynta, fasaxa, jirada, mushaarka iyo ruqsaynta saxafiga oo dhamaantood hadda ah kuwa aan waxba la iska weydiinin dhibaato badanna ay kala soo daristo saxafiyiinta u shaqeeya Warbaahinta dalka ka hawlgasha. Xeerkani waxuu si toos ah uga hor imanayaa qaar kamid ah mulkiilayaasha Warbaahinta ka hawlgasha dalka kuwaasoo aan rabin inay saxafiyiinta u shaqeysa siiyaan xaquuqdooda. Saxafiga maanta ka shaqeeya Soomaaliya waxuu ku jiraa khatar naftiisa ah qaar badanna u dhinteen ama ku dhaawacmeen – mana helaan xaquuq dhamaystiran ama udhaw mid dhamaystiran. Saxafiyiinta intooda badan waxaa lagu qasbaa inay ku shaqeeyaan duruufo adag, saacado dheeri, khatar joogta ah iyagoo aan helin mushaar ku haboon khibraddiisa iyo fasaxa uu xaqa u leeyahay. Intaas waxaa dheer in markii la doono shaqada laga eryo iyadoo aan la siinin wax xaquuq ah. Xeerkani waxuu ku doodayaa in saxafigu helo dhamaan xaquuqdaas waxaana arintaas fulinteeda hubin doona Golaha Saxaafadda Qaranka.

Qodobada kale

Waxaa jira qodob kale oo aad looga dhawaaqay oo sheegaya in “ in wariyuhu caddeeyo isha warka” haddii ay maxkamaddu dalbato. Arintani waa mid caalami ah waana haddii loo baahdo oo ay maxkamdi xukunto. Xeerkani waxuu sugayaa karaamada iyo sharafta bani’aadamka waana xeer caalami ah in qofkii war sheega uu hayo il sugan oo uu bari maalin sheegi karo haddii loo baahdo si looga fogaado warar aan waxba ka jirin oo dhibaato ku ah shacabka, dawladda iyo shakhsiyaad. Joornaalka Guardian iyo fadeexaddii Mardoc waxay la halmaashaa caddaynta isha Warka  iyo qaabka warka loo helo waxayna ka dhacday dalka Ingiriiska.

Sidoo kale waxaa jira qodob ka hadlaya in Saxaafaddu aysan faafin karin wax kasoo horjeeda diinta iyo dhaqanka Soomaaliyeed. Arintani waa muhiim waana masuuliyad saaran qofkasta oo Soomaali ah balse waxaa ayaandarro ah inay jiraan dad isku sheegey saxafiyiin oo ku doodaya in arintaasi tahay xayiraadda xornimada saxafaadda. Ma waxaa la rabaa in diinteena sharafta leh saxaafaddu wax ka sheegto iyo dhaqanka Soomaaliyeed!. Qaarbaa ku dooday in qodobkani ka hor imaankaro warbaahinta shisheeye ee dalka ka hawlgasha. Xeerkani waxuu sheegayaa in dhamaan warbaahinta dalka ka hawlgashaayi hubiso ineysan faafin wax ka hor imaanaya Diinta iyo Dhaqanka dalka waana mid uu sugayo Dastuurka dalka udagsan Haddaba qofkii ama safaxigii u arka iney tahay xoriyad qaadid haddii la dhaho diinta iyo dhaqanka ixtiraam, waxaan oran karnaa Oohintu orgiga ka Wayn!

Diiwaangalinta Warbaahinta

Wasiirka Warfaafinta ayaa ku dhawaaqay in saxaafadda Soomaaliya ka halwgasha iney isa soo diwaangaliyaan muddo 45 bari ah. Ujeedada ayaa ah in la ogaado tirada warbaahin ee waddanka ka hawlgasha si looga warhayo isla markaana loo diyaariyo diwaanka Warbaahinta dalka(Directory). Waxaa kale oo ay wasaaraddu damacsan tahay in tababaro loo diyaariyo Warbaahinta ayna intan isaga dhawaadaan. Faa’iidada ku jirta helidda diwaanka saxda ah ee Warbaahinta dalka ayaa ah in wasaaradda iyo dawladdu ka warheyso warbaahinta iyo saxafiyiinta ka hawlgala dalka. Waxaa kale oo waddanka ka hawlgala Warbaahin shisheeye waana lagama maarmaan in la diwaangaliyo, lana ogaado inta ay yihiin iyo shaqooyinka ay qabtaan.

Golaha Baarlamaanka ayaa udhiman

Xeerkan oo wali la yaalla golaha wasiirada waxuu tagi doonaa golaha Baarlamaanka Soomaaliyeed oo muddo saddex jeer ah dhagaysan doona akhrinta Wasiirka iyagoo fursad wanaagsan u heli doona iney saxaan, ku daraan ama ka reebaan qodobada ay u arkaan inaysan ku habboonayn. Waxaa si gaar ah xeerkan u eegi doona guddida Saxaafadda ee Baarlamaanka iyagoo u dhaarsan iney saxartiraan xeerkan ayna ku daraan taladooda.

Golaha Baarlamaanku shaqadiisa inuu qabsado kama gaabsan doono waxayna ka dharagsan yihiin dhibaatada iyo manfaca Saxaafadda. Sidoo kale golaha wasiiradu waxay aqoon iyo dareen dheeri ah u leeyihiin muhiimadda Saxaafadda Xorta ah iyo daryeelka saxafiga. Balse waxaan marnaba la aqbali karin Xeer-Diid ama sharci diid! Isagu raba inaan wax sharci ah loo sameynin Saxaafadda oo raba inuu kusocdo sidii 23kii sano ee udanbaysay oo ah in laga baxo. Sixitaanka Xeerka iyo ka tala bixintiisu waa muhiim waxaana aqligooda isugu geeyey Wasaaradda, NUSOJ iyo Golaha Wasiirada waxuuna sugayaa golaha Baarlamaanka Soomaaliyeed. Asalkuna waxaa weeye Dajinta Xeer suga xaqa iyo xaquuqda saxafiga iyo Warbaahinta.

Waxaan wasiirka Wasaaradda uga mahadcelineynaa waqtiga iyo fursadda uu siiyay tixgalinta talooyinka NUSOJ iyo bahda Saxaafadda.

Ahmed Daljire

Email: daljire74@gmail.com


KismaayoNews.com



UGU DAMBEEYEY
Puntland iyo Koonfur Galbeed oo barbar-dhac noqday
Haweenka Kismaayo oo shir nabadeed loo qabtay
Qarixii Muqdisho, tirada dhimashada oo korortay
Cabsi loo baajiyay ciyaartii Jubbaland iyo Galmudug
Haweenka oo ku qaday xukuumadda Muuse Biixi