Xeerka saxaafadda: Ma Xoriyad ka qaadisbaa mise waa Hal- xiraale? Abdiaziz Abdinur Ibrahim.

Published: July 27, 2013

  Philosopher Claude-Adrien waxaa uu yiri ” To limit the press is to insult a nation, to prohibit reading of certain books is to declare the inhabitants to be either fools or slaves.”

Xoriyaddu waa shey qaali u ah aadanaha waana aalad dhaqaajinaysa horumarka iyo himilooyinka uu tiigsanayo, aragti si madaxbanaan loo soo gudbiyo iyo ogolaanshaha in la cabirro fikirka si madaxbanaan waa tiirarka ugu waaweyn maamul wanaagga iyo dimoqraddiyadda.

Warbaahintu waa aalad ku caawisa bulshada in si madaxbanaan afkaartooda ay u dhiibtaan taasi oo fursad u ah dowladda si ay u wanaajiso xiriirka kala dhaxeeya shacabka oo ay ugu saxdo qaladaadka maamulkeeda.

Suxufigu waa indhaha iyo dhegaha bulshada waana caawiye gudanaya waajibaad qaran oo saaran oo ay kamid yihiin in uu si hufan ugu adeego bulshada isaga oo dhowraya shuruucda dalka iyo dhaqanka.

Hadaba aan u soo dhaadhaco tilmaamaheyga ku saabsan Xeerka Saxaafadda oo horey madax, ururo warbaahineed, hayado u dooda xuquuqda aadanaha  iyo shaqsiyaadba ay uga hadleen.

Waxaa jira isku dey farabadan oo ay sameeyeen qaarkamid ah warbaahinta kala duwan ee dalka si wasaaradda warfaafinta iyo wasiirka koowaad ee xukuumadda loogu iftiimiyo dul duleelada uu leeyahay Xeerkan iyo qodabada u baahan in laga saaro si warbaahin Soomaaliyeed oo xor ah loo arko, inta aan ka bartey siyaasadda dalka sheeko lagu qaato kulan casho ama qado waxaa uu keenaa natiijo u dhiganta hadal diplomacy- yadeed oo ficilkiisa aan la ogeyn ama Kutlad siyaasadeed oo lagu dhawaaqo sida kuwii gil giley qaar kamid ah waayihii dowladihii kumeelgaarka.

Hadalada Raiusul wasaaraha waa kuwo aad ugu roon dhegaha weriyayaasha marka uu tilmaamayo tallaabooyinka laga qaadayo gacan ku dhiiglayaasha nolosha u diidey muwaadiniin u adeegayey shacabka dhibaateysan iyo qoraaladiisa lagu baahiyo Baraha bulshada ee (Social media) kuna aadan sida xukuumaddiisa ay u barbartaagantahay warbaahinta iyo xoriyadda hadalka, balse 11 – July ee sandkan go’aankii golaha wasiirada ee ay ku meelmariyeen Xeerka wuxuu ahaa mid ah xoriyad ka qaadista warbaahinta madaxabanaan ama Hal- xiraale lagu xirtay Suxufiyiinta oo hadda wajahaya khataro adag oo dhinaca amaanka ah.

Inkastoo Xeerka ay kujiraan Qodobo wanaagsan oo kugu dhiirinaya meelaha qaar in aad akhrisid hadana Qodobadan soo socoda dhamaantooda waa kuwo si cad u muujinaya in xeerka aanu ogoleyn madaxbanaanida warbaahinta aan dowliga aheyn si kasta oo loo fasiro.

Qodobka 6-aad, ee qaab dhismeedka Golaha Saxaafadda Qaranka (GSQ).

Qodobka 5-aad, ee ka hadlaya hey’adaha shisheeye ee warbaahinta, gaar ahaan firqadiisa 4-aad.

Qodobka 26-aad ee waajibaadka suxufiga.

Qodobka 28-aad, Xeer-ilaalinta, wuxuu sheegayaa Dambiyada la xiriira warbaahinta waxaa Xeer-ilaalinta guud ee qaranka ka gacan siinaya golaha saxaafadda qaranka (GSQ), iyo Qodobka 29-aad oo ka faaloonaya dhaqangalka Xeerkan.

Dhamaadka riyooyinkii warbaahinta.

Baarlamanka Soomaaliya waa Hay’adda Sharcidejinta dalka waxaana qeyb ka ah xubno firfircoon oo aqoonyahanno ah oo dareensan dowrka warbaahinta madaxbanaan ay ku laheyd geedi socodka nabadda iyo hanaankii looga gudbey xilligii Kumeelgaarka. Rajadu waxaa ay tahay in Guddonka sare iyo guddigga warfaafinta Barlamanka ay horumariyaan qorshe dib u eegis loogu sameynayo Xeerka islamarkaasina dib loo yagleelo guddiyo ka kooban xubno kasocoda Dowladda, Warbaahinta, Ururada bulshada rayidka oo ay kujiraan sharciyaqaanno iyo wadatashiyo lala wadaago Ururada caalamiga ah ee warbaahinta iyo xoriyadda hadalka si Xeerka loo waafajiyo nidaamka caalamiga ah Saxaafadda.

Khubarada qaar ayaa ku doodaya haddii la waayo xoriyad hadal in aanu jirin horumar cilmi, Sharci iyo Siyaasad oo dunida kajira, waxaana in la gaaro horumar dhinacyadan laxiriira saldhig u ah ogolaanshaha doodo furan iyo xoriyad lagu soo bandhigo afkaarta la aaminsanyahay.

waxaa muhiim ah in lahelo :-

1. Xaquuq lagu raadiyo akhbaar iyo fikrado

2. Xaquuq lagu helo akhbaar iyo fikrado

3. xaquuq lagu gudbiyo akhbaar iyo fikrado.

Haddii lagu guuldareysto in la qaado tallaabooyin wax ku ool ah oo muujinkara in Soomaaliya ay kajirto warbaahin madaxbanaan waxaa meesha ka baxaya Xuquuqdii xoriyadda hadalka iyo u hogaansamidda qodobada ku qoran Dastuurka dalka, kuwa ku xusan heshiisyada caalamiga ah iyo kuwa gobolka oo ay saxiixday dowladda Somaaliya.

 DHAMAAD

Abdiaziz Abdinur Ibrahim, waa suxufi Madaxbanaan.

Fadlan taladaada waa muhiim ee wixii talo ah ku soo hagaaji

Email: qalinle8@gmail.com

Thanks
Email:
qalinle8@gmail.com
Skype aaqalinle

” Journaling is my profession and fighting for humanity is my passion. If I see people struggling and it is my job to expose and describe to the world what is really going on in Somalia, then I have no choice but to do just that.”


KismaayoNews.com



UGU DAMBEEYEY
Xildhibaan Maxamuud-Abukaate oo qareen qabsanaya
Shan nin oo gabar ku kufsaday Gaalkacayo
Rashiid Buulloo oo aqalkiisii aakhiro u hoydey
Zakariye Xaaji Maxamuud “Farmaajo waan ku qaldanay”
Mucaaradka Kenya oo gacmaha isqabsaday