Maalintii uu Erdogan booqdey Soomaaliya oo loo aqoonsaday maalin qaran

Published: September 30, 2013

Kn: Ra’isulwasaaraha Soomaaliya Cabdi Faarax Shirdoon oo ku sugan dalka Turkiga ayaa sheegey in 19-ka Agoosto loo aqoonsaday maalin qaran oo lagu xusayo xiriirka Soomaaliya iyo Turkiga.

Waa maalintii uu dalka Soomaaliya booqdey Ra’isulwasaaraha Turkiga sanadii 2011-kii, wuxuuna ahaa hogaamiyihii ugu horeeyey oo aanan Afrikaan ah oo booqda Soomaaliya muddo 20 sanno ka badan.

Shabakadda KismaayoNews ayaa sanad kadib booqashada Erdogan  ka qortey qormo xiiso badneyd, taasi oo aan xagga hoose markale idiinkugu soo gudbineyno.  Sidoo kale KismaayoNews dhawaan waxa ay xiriirka labada dal ka qortey qormo kale oo iyadana aad u xiiso badan, xagga sii hoose ayaan idiinkugu soo gudbineynaa.

Dayuuraddii Ordogan ee Xamar tagtay oo jiirtey shimbirtii nabbadda


Published: June 7, 2012

Kn: Aduunka waxaa astaan caalami nabadda u ah shimbir cad, Soomaaliya oo ay nabadda ka maqneyd labaatan sanno astaanta kaliya ee nabad loo turjuman karo waxa ay ahayd sawirka shimbirtaasi oo darbiyadda caasimadda qaarkood ku sawirneyd.

Shimbir nabad keeno weysey, keenina meeyso, wadamaddii reer Galbeedke ee nagu yiri Shimbirbaa nabad keentane waa ku fashilmeen in Soomaaliya nabad laga dhaliyo.

Dowladda Turkiga oo amaan badan ku muteysatay gacanta ay siisey Soomaaliya iyo dadaalka ay ugu jirto nabad kusoo celinta Soomaaliya ayaa wixii ugu horeeyey ee ay samaysey ahayd in la dilo shimbirta laf ahaanteed.

Sanadkii hore markii Ra’isulwasaaraha Turkiga Rajeb Tayip Ordogan uu yimid Soomaaliya isaga iyo qoyskiisa, iyo golihiisa wasiirada oo qoysaskooda watta waxa dhacday in dayuuraddii ay saarnaayeen ay jiirtey shimbir hawada Soomaaliya buubeysay.

Shimbirta ayaa gashay mid ka mid ah matoorada dayuuradda, taasina waxa ay keentey in dayuuradda ay gilgilato, dadkii saarnaana ay naftooda u cabsadaan. Nasiib wanaag waxbo ma aysan noqonin, dayuuradana waxa ay ku degtey badqab.

Wax layaab leh ma ahan in dayuuraddu astaanteedu tahay Shimbir, taasi oo laga yaabo in shirbirtu ku kadsoontay sawirka.

Dublamaasi sare oo ka tirsan Turkiga oo dhawaan la kulmey dad Soomaali ah ayaa sheegey in Turkiga ay nabada raadinteeda u marayaan in ay soo celiyaan adeegyaddii asaasiga ahaa, islamarkaasina dadka Soomaaliya ka saaraan gaajada iyo faqiirnimada, taasoo uu sheegey in ay tahay sababta ugu weyn ee ay dadka isu dagaalayaan.

Shirkii dhawaan ee Istanbul waxa uu muujiyey rajo wanaagsan oo ay Soomaaliya leedahay, kaliya ma ahan in Turkiga uu dhaqaale siinayo Soomaaliya, ee sidoo kale waxa uu usoo dirayaa ciidamo qaabab kala duwan dalka ku imanaya si nabadda Soomaaliya ay salka ugu dhigaan.

 

Turkiga iyo Soomaaliya “Gacmo isdhaafay galadi ku jirtaa”


Published: September 18, 2013

Kn: Labbo calan ayaa ka babanaya Xamar, mid waa kan Soomaaliya, kan kalana waa kan Turkiga oo meel kasta ku dhegen, xitaa haamaha qashinka ee dowladda hoose iyo waliba xafiiska duqa magaalada.

 

Turkiga waxa ay na siinayaan nooc kaalmo ah oo aanan waligeen arag iyada oo kale, waxa ay badaleen oogada Xamar ” ayuu yiri madaxweynaha Soomaaliya Xassan Sheekh Maxamuud.

Labada calan waa ay iska dul babanayeen 19-kii August, 2011 markii Ra’isulwasaaraha Turkiga Rajab Tayib Erdogan uu Soomaaliya ku tagay booqashadii ugu horeysey oo hogaamiye aan Afrikaan ahayn halkaasi ku tago muddo labaatan sanno ah. Xiliga booqashadiisa kumanaan Soomaali ah ayaa u dhimanayay macaluul ka dilaacday dalka.

Sanadkii hore Erdogan waxa uu Soomaaliya ugu yaboohay $49 malyuun oo doolar, Turkiga waxa kale oo ay Soomaaliya ku qarash garaysay $70 milyan oo doolar taasi oo ku baxday deeqaha waxbarasho ee la siiyey 1200 arday Soomaaliyeed ah. Sidoo kale muwaadhiniin rayid ah oo Turki ah ayaa ku yaboohay $365 malyuun oo doolar.

Turkiga waxa ay sheegeysaa in ay dib u habayn ku samaysay siyaasadda gargaarka, natiijadana ay noqotey in dadka noloshooda ay wax iska badasho, islamarkaasina noqdaan kuwa ka maarma gargaarka.

Deeq bixiyeyaasha waaweyn ee reergalbeedka waxa ay gargaarkooda mariyaan hey’adaha UN-ka, kuwaasi oo qarash badan ku bixiya hawlaha maamulka, anaga lacagta si toos ah ayaan ugu isticmaalnaa caawinta Soomaaliya, dowladdeena ayaanan bixisa qarashka maamulka” ayuu yiri safiirka Turkiga u fadhiya Soomaaliya Kani Torun.

Dowladda Soomaaliya waxa ay sheegeysaa in isbadalka uu yahay mid muuqda, kaliya eeg natiijooyinka, madaxweyne xassan wuxuu qabaa ‘Waxay abuurayaan isbitaalo casri ah, iyo nidaam waxbarasho, waxani ma ahan wax ay qaban karaan NGo-yada iyo hey’adaha Qaramada Midoobey. Gargaarka gacmaha isdhaafa ah ayaa ah waxa ay Soomaaliya u baahantahay”

Turkiga waxa ay dhisayaan iskuulaad dalka oo dhan, iyada oo iskuulaadka ay dib u furmayaan muddo 20 sanno ah kadib.
Isaga oo ku sugan xafiiskiisa, duqa magaaladda Xamar Maxamuud Nuur Tarsan ayaa dooda halkeeda kasii wada, wuxuuna farta ku fiiqayaa farqiga u dhaxeeya Turkiga iyo Qaramada Midoobey “Haddii aad kumbuyuutaraad ka codsato UN-ka waxay ku qaadanaysaa bilo inta ay kuu keenayaan, iyaga oo waliba samaynaya qiimeyn iyo kormeer badan, waxay qarash garaynayaan $50 kun oo doolar si ay kuu siiyaan %7 kun oo doolar qalab qiimihiisu dhanyahay, haddii aad kumbuyuutaraad weeydiisato Turkiga isla todobaadka xiga ayay kuu keenayaan” ayuu yiri, isagoo intaasi ku daray in iyada oo Soomaaliya ay kasoo baxayso qalalaase, una gudbeyso xasilooni in jawaabta degdegta ah ee xagga gargaarka ay tahay waxa ay Soomaaliya u baahantahay.

Laakiin dadka oo dhan kuma qanacsana gargaarka Turkiga, deeqbixiyeyaasha qaarkood ayaa ka cabanaya xiriir la’aan iyo wadashaqayn la’aan dhanka Turkiga ah, taasina waxay kaliftaa in meel la gaarsiiyo gargaar labo jibaar ah.
Haddii hey’ada Qaramada Midoobey u baahanyihiin in aan xiriir yeelano, oon wada shaqayno, Xamar ha yimaadeen, anaga mar kasta safar uma aadi karno Nairobi si aan shir ula galno, iyada oo shaqadeena ay tahay halkan Xamar” ayuu yiri safiirka turkiga ee Soomaaliya Torun.

Inta badan hey’ada reer galbeedka waxa ay xaruntoodu tahay Nairobi, iyaga oo ka cabanaya sababo amaan darro. Turkiga laftiisa waa ogyihiin halista amaan darro ee jirta, iyada oo bishii July qof isa soo miidaamiyey uu isku qarxiyey safaaradda Turkiga, iyada oo ay sidaasi tahay Turkiga wali waa joogaan Soomaaliya.

Turkiga dhankiisa waa mid ka faa’iidaya gargaarka ay Soomaaliya la siiyo, dhawaan dowladda Soomaaliya ayaa qandaraas 20 sanno ah siisey shirkadda Favori LLC taasi oo maamuleysa garoonka caalamiga ah ee Aadan Cabdulle Cusmaan.

Inkasta oo dowladda Soomaaliya ay sidoo kale shirkad British ah qandaraas shidaal baaris ah u saxiixday, ayaa hadane wasiirka kheeyraadka Soomaaliya waxa uu qabaa in qandaraaskaasi la siin lahaa Turkiga haddii ay codsan lahaayeen “Turkiga waligood inta ay noo yimaadeen nama aysan weeydiisan wax qandaraas ah oo ku saabsan shidaal ” ayuu yiri wasiirka Cabdirisaaq Cumar Maxamed.

Xiriirka Soomaaliya iyo Turkiga waa mid u dhaadhacsan illaa ganacsiga maxaliga ah ee Soomaalida.
Cabdulmajiid Iman waxa uu lahaa dhowr dukaan dagaalkii sokeeye ka hor, dhismihiisii iyo ganacsigii oo dhan waa ay burbureen, sanadkii 2010-kii ayuu Xamar kusoo laabtay, wuxuuna dib u furey dukaankiisa oo tafaariiq iibiya, qaar ka mid ah badeecada uu iibiya waxa uu ka keenaa Turkiga.

Shirkadaha Turkiga waxa ay naga codsadeen wada shaqayn, waxay balanqaadeen in ganacsato Soomaali ah ay Turkiga geysn doonaan si looga wada hadlo iskaashi xagga ganacsiga ah , waxaanan rajaynayaa in Turkiga aan kasoo barano qibradda ganacsiga ee Turkida” ayuu yiri Cabdulmajiid.

Turkiga waxa uu u arkaa in xiriirka ganacsi oo la adkeeyaa uu ka faa’iido badanyahay gargaarka, “Waxaan dhiirogalineynaa ganacsiyada Soomaalida, sababtoo ah waa wax Soomaalida u fiican, waa wax shaqo u abuuraya, baraya Soomaalida xirfado, islamarkaasina keenaya in aanan lagu tiirsanaanin gargaarka” ayuu yiri Safiirka Turkiga Torun.

Ganacsiyada Turkiga ee Soomaaliya tagaya ayaa waxa ay tartan toos ah kula jiraan shirkadaha kale ee caalamiga ah ee iyaguna hawlaha ganacsi ka wada Soomaaliya ama damacsan in ay ka sameeyaan, iyaga oo mararka qaarna suuqa ka saara shirkadaasi, tusaale ahaan shirkada SKA ee Dubai fadhigeedu yahay waxa ay heysatay qandaraas 10 sanno ah oo ay ku maamusho garoonka Xamar, laakiin dowladda Soomaaliya ayaa si kadis ah u joojisey qandaraaskaasi, waxaana la siiyey shirka Turki ah.

Si kastaba, maadaamaa Turkiga ay halista qaateen, islamarkaasina naf hurid badan sameeyeen, waxna quureen, ayaa hadane waxa ay yihiin kuwa ka faa’iidaya gargaarkooda haddii ay noqon lahayd ganacsiga, qandaraasyadda iyo waliba saameynta siyaasadeed iyo saaxiibtinimada dalkani soo koraya ee meesha muhiimka ah ku yaala.

KismaayoNews.com

KismaayoNews.com


KismaayoNews.com



UGU DAMBEEYEY
Axmed Godane, Ninkii nolosha lagu arki waayay oo hadda lasoo bandhigey
Waa kuma Mukhtaar Rooboow ?
Abuu Mansuur oo dowladda kusoo biiraya
Dalalka Khaliijka “Qatar waa in ay xirtaa Aljazeera iyo saldhiga Turkiga”
Geeridii Aw Libaax oo gilgishey Jubbaland