Soomaali orod ku qabatay Harmacad, Wajeer

Published: November 15, 2013

Kn: Afar ruux oo ka soo jeeda tuulada Tarbaj ee Wajeer ayaa orod ku soo qabtay Harmacad kaddib markii uu ka cunay ari ay iyagu lahaayeen.

Harmacadka ayaa ah xayawaanka ugu orodka badan dunida.

Noor Cismaan Xasan oo la hadlay laanta afka Soomaaliga ee BBC ayaa sheegay in Harmacadku dilay arigooda, “oo maalin kasta uu mid dili jiray”.

Raggani waxay sheegeen inay sugeen inta laga gaarayay xilliga ay qoraxda ugu kulushahay si ay u soo qabtaan Harmacadkan.

Dadka Harmacadka soo qabtay ayaa dalbaday in magdhaw laga siiyo ariga laga dilay

Noor Cismaan iyo asxaabtiisa ayaa markii dambe soo qabtay Harmacadkan, oo ay ku soo wareejiyeen waaxda duurjoogta ee Kenya.

Laf dhabarka ganacsiga

Xoolaha ayaa laf dhabar u ah dhaqaalaha dadka Soomaalida deggan woqooyi-bari Kenya.
Noor Xasan Cusmaan ayaa sheegay in Harmacadkan uu dilay 15 ka mid ah arigiisa.

Waxa uu sheegay in uu go’aansaday inuu soo qabto Harmacadkan kaddib markii “isagoo wax dilayo amin subax ah”
“Waan u sugay intay qorraxdu ka kululaatay, markaas ayaan billaabay inaan dhallinyaro raadsado si aan u soo qabto,” ayuu yiri Noor Cismaan.

Waxaa uu sheegay in Harmacadkan ay fiijinayeen afar mile ama ku dhawaad toddobo kiloomitir.

Harmacadka waxaa lala keenay neef ari ah oo uu dilay

Ugu dambayntii Harmacadka waxaa lagu wareejiyaya waaxda duurjoogta ee Kenya

Isha : BBC Somalia

KismaayoNews.com


KismaayoNews.com



UGU DAMBEEYEY
Abshir Bukhaari oo loo doortey guddoomiye ku xigeenka 1aad ee Aqalka Sare
Yaxye Jaamac oo ka huleeley Gambia
Cabdi Xaashi oo loo doortey guddoomiyaha Aqalka Sare
19 Agaasimayaal guud oo lasoo dhajiyey Jubbaland
Jawaari oo musharixiinta madaxtinimo qalbiga u qaboojiyey