FIIDSOOH : Yussur Abraar, Cantuugadii la calaanjin waayay

Published: February 15, 2014

Kn: Waxaa la yiri “Geeloow daaq, oo daaq, oo daaq, balse maalintii aad ciin daaqdo ayaa laguu yaabaa“, waxayna u egtahay in dowladda Xassan Sheekh Maxamuud ay isla arrinkaasi ku dhacday kadib markii agaasimaha bangiga dhexe ay noqotey Yussur Abraar, taasi oo markii dambe is casishey.

Madaxweynaha iyo kooxda ku xeeran ayaa mudadii sanadka iyo xoogaaga ahaa ee ay xafiiska joogeen sidii turubkii u baandheynayay dadka xilalka qabanaya, iyaga oo ciddii ay rabaan meesha ka dirayay, kii ay rabaana meesha keenayay, dadka oo dhanna ka samaysanayay waxa ay doonaan iyada oo aanan inaba loo meel dayaynin mas’uuliyadda uu qofka hayo, garaadkiisa, da’diisa, xilkasnimadiisa iyo aqoontiisa.

Dad baddan waa u martay in ay sida ay doonaan ka yeeshaan, kuwaasi oo ku jiro Ra’isulwasaarihii hore Cabdi Faarax Shirdoon Saacid, kaasi oo markii dambana xilka laga direy markii uu is yara adkeeyey, lana yimid waxoogaa uun la xisaabtan ah.

Laakiin waxa kale oo ay Soomaali tiri “La hel, la hel, la waa’ ayaa ku xigta“, fursad kasta oo madaxweynaha iyo kooxdiisa u meelmartay, islamarkaasina jaangooyada ula ekaatay halbeegga ay ku cabiraan siyaasadda, waxaa markii ugu dambeeysey ay il duufeen qof ay iyagu malaha is lahaayeen waa jookarkii ugu weynaa ee aad miiska ku baraxdaan.

Waa Yussur Abraar, haweeney markii xilka agaasimenimadda bangiga dhexe loo magacaabay lagu tilmaamay qofkii dumar ahaa oo ugu horeeyey taariikhda Soomaaliya oo xilkaasi qabta.

Waxa ay madaxweyne ku xigeen kasoo noqotey hey’adda lacageed ee dalka Maraykanka ugu weyn ee Citi Group, taasi oo maamusha bangiyada ugu waaweyn Maraykanka uguna badan.

Markii ay madaxweynaha iyo kooxdiisa ku xeeran ay arkeen warqadda ay ku qorantahay taariikhda waxbarasho, iyo shaqo ee Yussur, waxaba ay u maleeyeen in ay heleen Cambar, waa kala badbateen, waxana ay markiiba shaqada ka eryeen Cabdisalaan Hadliye oo agaasime ka ahaa bangiga dhexe kaasi oo si uun ugu suurogali weysey in uu bangiyada adduunka kasoo saaro malaayiin doolar oo lacag ah iyo waliba dahab iyo dheeman ay dowladdii hore ee Soomaaliya lahayd.

Waxa ay is tuseen in Yussur sumcadda ay adduunka ku leedahay darteed ay bilo yar gudahood kusoo xareyn karto hantida dalka uu leeyahay ee ku jirta bangiyadda adduunka.

Waa fiicnaan lahayd haddii hantidaasi ay tahay mid dalka wax loogu qabanayo, islamarkaasina ku dhacaysa bangiga dhexe, ee waxa uu qorshuhu ahaa in akoono gaar loo leeyahay ay Yussur ka furto Dubai, kadibna lacagaha ay kasoo saarto bangiyadda adduunka ay akoonadaasi ku dhacdo.

Waxyaabaha layaabka leh waxaa ka mid ah in Fowsiyo Xaaji Aadan, wasiiraddii arrimaha dibada, islamarkaasina ahayd gacanta midig ee Xassan Sheekh Maxamuud, la doonayay in lagu qoro magaceeda bangiyada la furayo.

Waxaa arrinka ku lug lahaa rag kale oo dalaaliin iyo malaaliin ah oo ganacsato ah, kana mid yahay Muuse Ganjab oo ah ganacsade degen dalka Koonfur Afrika, horeyna u degenaan jirey dalka Gabon, islamarkaasina ganacsiyo koontarabaan ah ula lahaa wiil uu dhalay madaxweynaha dalkaasi. dadkani uu Muuse ka mid yahay waxa uu qorshuhu ahaa in ay helaan lacag dalaalnimo ah oo boqolkiiba in la’ogyahay ah haddii lacagtaasi ay soo xarooyn lahayd.

Waxaa kale oo jirey in lacagta lagu daro ganacsiyo shaqeynaya oo ay ka midtahay xawaaladaha iyo lacagaha laga gadisleeyo ee Dubai marta.

Yussur oo wax ka baratay fanka la dhaqanka dadka ama cilmu nafsiga ayaa marka ay ogaatay wax kasta, Xamarna ay joogto oo aysan waxbo diidi karin, islamarkaasina loogu cagojugleeyey in la dilayo ayaa Dubai u duushey, iyadoo ku raad gadatay in ay akoono bangi soo fureyso, markii ay Dubai sidaasi isu tagtay ayay soo dirtey warqad iscasilaad ah.

Madaxweynaha iyo kooxdiisa kama aysan warheynin xiriirka ay Yussur la lahayd deeqbixiyeyaasha iyo in ay ahayd siriq isaga loo dhigey, lana doonayay in la ogaado sida dhabta ah ee ay wax u jiraan ka hor inta aanan loo ansixinin malaayiin doolar oo lagu balanqaaday shirarkii London iyo Brussels.

Markiiba warqadda waxa kale oo ay u dirtey deeqbixiyeyaasha oo Nairobi kala socdey xaalkeeda, kuwaasi oo markiiba wakaaladaha wararka u dusiyey xogta ah in ay shaqada iska casishey.

Waxa ay ahayd arrinkii kama dambeysta ahaa ee ay ku go’aan qaateen deeqbixiyeyaasha, iyagoo 10 ku dhow ayay Nairobi ka duuleen bishii November ee sanadkii hore, kadibna kulan kula yeesheen madaxweynaha garoonka Aadan Cabdulle Cusmaan, iyagoo kala hadlay iscasilaadda Yussur iyo sababta keentey, shirkana waxa uu noqdey mid faraha la’isku taagtaagay.

Waa tii markii dambe Fawsiyo iyo Yariisoow ay aadeen shir kale oo Brussels ka dhacay, kaasi oo si toos ah loogu sheegey in Midoowga Yurub aysan hal shilin oo dhexda ka duleela siin doonin dowladda Soomaaliya, waana tii saxaafadda Fawsiyo iyo midoowga Yurub isu mariyeen hadalo ay isku dhaliilayaan.

Dhawaan markii madaxweynaha wax laga weeydiiyey cidda Yussur Abraar weeydiisatay in akoono bangi oo gaar loo leeyahay furto ayuu sheegey in wasiir ku xigeen wasaaradda maaliyadda uu arrinkaasi ka dambeeyey, kaasi oo uusan magaciisa sheegin.

Wasaaradda maaliyadda xiligaasi waxa ay lahayd labbo wasiir ku xigeen, waxayna magacyadooda kala yihiin Maxamed Xasan Aadan iyo Abuukar Xasan Cali , lama oga kan uu madaxweynaha ka hadlayo in uu Yussur ka codsaday in ay u furto akoon gaar loo leeyahay oo lacagaha lagu xado.

Dib waxaa kasoo baxday in qofka Yussur u indha gaduudiyey ay ahayd Fawsiyo Xaaji Aadan oo dabcan madaxweynaha codkiisa ku hadlaysay, fadeexadan darteed iyo kuwa kale oo lacag illaa 4 malyuun oo doolar ah ay ku lunsatay ayay xilkeeda ku weysey Fawsiyo.

Arrimahani dhacay waxa ay horseedeen in dowladda Turkiga xitaa ay iyaduna jarato 4.5 malyuun oo doolar oo bil kasta ay ku kabi jirtey miisaaniyadda dowladda, taasi oo la sheegey in kartoomo lagu qaadi jirey iyada oo caddaan ah, inkasta oo ay ku dhici jirtey bangiga dhexe.

Waxaa madaxweynaha iyo kooxdiisa u degen hadda qorshe ah in dakhliga gudaha kasoo xaroodo wax baddan laga jafjafto, waana sababtaasi tan labbo shirkadood oo Turkiga laga leeyahay qandaraasyo loogula galay garoonka iyo dekada, waxaana xusid mudan in qandaraasyadaasi aysan xitaa saxiixin wasiiradda shaqada garoonka iyo dekada lahaa maadaamaa aysan ka tirsanayn kooxda madaxweynaha, waxaa saxiixay wasiiradda madaxweynaha ku xeeran.

Mashruuc kale oo lacag baddan laga filayay waxa uu ahaa kan maamul hawada oo Soomaaliya lagu soo wareejiyo, balse mudadii loo qabtay in lasoo wareejiyo oo ahayd bishii Janaayo ee lasoo dhaafay ayaysan waxbo suuroobin, Qaramada Midoobey oo gacanta ku heysa hawadana waa ay diidantahay in ay soo wareejiso kadib markii wasiirkii arrintani soo dhiraandhiriyey Cabdullaahi Cilmooge laga direy meesha, lana geeyey dad loo leyliyey in ay lacagaha u xareeyaan madaxweynaha.
Illaa heerka laga aamin baxay dowladda Soomaaliya waxa ay gaartay in la saaro gudi caalami ah oo dowladda la maamula maaliyadda, kaasi oo hadda ay dowladda ogolaatay maadaamaa aysan jirin si kale oo uu shilin kusoo galayo. Arrintani waxa toos u duqeyneysaa ama ugu xadgudbeysaa qaranimadda iyo madaxbaanida dalka.

Si kastaba ha ahaatee, Yussur Abraar waxa ay ahayd ama lagu tilmaami karaa “Cantuugo weyn, oo ay calaanjin waayeen madaxweynaha iyo kooxdiisa“.

FIIDSOOH
KismaayoNews.com


KismaayoNews.com



UGU DAMBEEYEY
Dhaawicii Suudaan la geeyay oo mooraal jab kadib salka dhigay
Zoobe oo dib loo dhisay magacana laga badalay
Al-Shabaab oo sheegtay dilkii xildhibaan Tima Farasle
Garisa oo dhiiga loo shubay Xamar
Deg-deg: Masuul goordhaw lagu dilay Kismaayo