Talo ku Socota Maamulka Jubaland

Published: February 21, 2014

Kn: Sida ay isku waafaqsan yihiin xeeldheerayaasha sirdoonka, sugidda ammaanka waa masuuliyad-wadareed ka libkeeniddeeda ay iska kaashadaan bulsho-weynta iyo maamulka dowladda oo howlgalinaya laammaha nabadsugidda iyo sirdoonka oo ah kuwa ugu muhiimsan marka laga hadlaya heybadda dowladda iyo dhaqangalinta sharciga iyo kaladambeynta.

Soomaalidii hore waxey dhihi jirtay, “Waryaa war hayoon warkiis bi’in.” Oraahdan waxey tusaale cad u tahay maamul dowladeed oo aan sirdoon faradhuudhuuban laheyn in uusan ka guulgaari karin sugidda ammaanka iyo soocelinta kala-dambeynta sharciga. Qoraaga la yiraahda Alem Seged Tasfai oo ka mid ahaa ciidamadi ka adkaaday taliskii Dhargiga ee shucuubta Itoobiya sida bahalnimada ah ugu ammartaagleyn jiray kana mid ahaa saraakiishi aqoonyahanka ee ka qeybgashay dagaaladii nafhuridda ahaa ee shacabka reer Eritrea ay dalkooda ku xoreeyeen, wuxuu ku leeyahay buuggiisa caanka ah ee ku jaango’an cilmiga ciidamada lana yiraahda, “Two Weeks in The Trenches,” “Gabidhaca ciidanka geeridi ayaa saxda” taasoo ah in ciidanka looga baahan yahay feejignaan dheeri ah iyo dhooroof cilmiyeysan. Sida laga fahmi kara hadalka qoraagan, haddii ilduuf-ciidan uu dhaca waxaa cawaaqib xun ka dhaxla ilduufaha laftiisa. Qoraaga la yiraahda Jennaraal Wani Igga oo hadda ah madaxweyne-ku-xigeenka dalka Koonfurta Suudaan, balse ahaan jiray abbaanduule dagaal oo aad ugu xeeldheer arrimaha “Military Intelligence” – Sirdoonka Ciidanka, kana mid ahaa saraakiishi militariga SPLA ee ka faltamay furumaha dagaalkii labada Suudaan ee 21-ka sanadood socday, wuxuu ku leeyahay buuggiisa la yiraahda “South Sudan Battles Fought and the Secrecy of Diplomacy” oo haddeynu turjunno cinwaankiisu noqonaya “Koonfurta Suudaan Dagaaladii Laysku Farasaaray iyo Sirta Diblamaasiyadda,” “Fulinta howlgal ciidan oo la fuliya goor iyo goob aan laga fileynin ayna fuliso cid aan lagaba fileynin, waa xeeladda dagaal ee lagu gaaro guulo deg-deg ah cadowgaagana lagaga ilhelo.” Wuxuu isla buuggiisan caanka ah ku leeyahay, oraah la micna ah: “Marka dagaal loo darban yahay, maskaxdu waxey ka miisan culus tahay madaafiicda.”

Qoraaga kale ee la yiraahda Dr. Tekeste Fekadu kaasoo qoray buugga la yiraahda “Journey From Nakfa to Nakfa Back to Square One 1976 – 1979” wuxuu buuggiisan ku leeyahay, “Xaalad Dagaal iyo Xilli Nabadeedba Xogta sugan waa Awoodda Udubdhexaadka Ciidanka.” Isla qoraagan oo lafdhabar u ahaa dhakhaatiirti Jabhaddi Xoreynta Dadka Reer Eritrea ee loosoo gaabin jiray “EPLF” wuxuu bogga 327 ee buuggiisan ku leeyahay, “Khayaanada waa cadowga ugu xun ee halganka hubeysan, waayo waxa ay cadowgaaga siisa macluumaad u suurtagaliya in uu cadowgaaga araxda kaa jabiya.” Dhammaan xeeldheerayaashan cilmiga ciidanka ee aan oraahdooda soo qalin-daarannay waxaan kaga bogan karnaa in sirdoonka uu yahay lafdhabarta dowladda had iyo goorna habacsanaantiisa ay sahayan karta saraakiisha sare ee dowladda sidi dhawaan Kismaayo ka dhacday wallow aan geerida la baajin karin.

Qoraaga la yiraahda Jennaraal Joseph Lagu oo mar ahaa hoggaamiyihi jabhaddi la oran jiray Anya-nya ee 1972 heshiiska la gashay dowladda Suudan ka dibna noqday madaxweyne-ku-xigeenka dalka Suudaan, qorayna buugga la yiraahda “Sudan Odyssey Through a State from Ruin to Hope” wuxuu buuggiisan ku leeyahay hadal ay dulucdiisu tahay, “Beegsiga kaabayaasha muhiimka u ah dowladda ee laga tixraaca sirdoon saxartiran waa dharbaaxo ciidanka oo guul lagu dhalin kara cadowgaagana jahawareerin karta.”

Kaabayaasha muhiimka ah waxaa ka mid ah saraakiisha asaaggood ka soocan ee ay dowladda ku tashata. Haddaba, sida inooga muuqata dulucda hadalladan ay saraakiishan qoreen, waxaa inoo caddaatay in sirdoonka iyo nabadsugidda ay yihiin tiirarka baroosinka u ah horusocodka dowladda. Walow aanan ciidan aheyn balse aan wax badan ka akhriyey xilligii aan ku jiray Kulliyadda “Diplomatic Peace and Development” ee Jaamacadda Baxri ahaana Postgraduate Student, xilligaasoo maaddooyinka aan qaadanaayey ay ku jireen “International Security”, “Public Policy”, “Conflict Resolution” iyo Sudan Ethnic Conflict Studies” oo intuba ku xiran arrimaha nabadgalyada iyo iskaashiga dowladda iyo shacabkeeda, waxaan maamulka Jubaland u soo jeedinayaa talooyinkan hoose oon is-leeyahay wax bey u tarayaan:

· In sirdoon dhab u carbisan oo ka kooban dhammaan laammaha bulshada la sameeyaa. Sirdoonkan waxaa laga dhax-xuli karaa baan qabaa ganacsatada dukaamaleyda u badan, darawaliinta gaadiidka kala duwan, ardeeyda dugsiyada dhexe, sare iyo kuwa jaamacadaha, caseeyayaasha kabaha, macalimiinta dugsiyada Quraanka iyo kuwa maaddiga dhigaba, haweenka suuqa ka xoogsada gaar ahaan gabdhaha biibitooyinka laga shaaheeya meheradaha ku haysta, mu’addimiinta masaajidda, beeraleyda, kalluumeysatada, dhakhaatiirta iyo reer miiga xoolaleyda ah. Dadkan waa in la siiyaa tababar dhanka waddaniyadda, diinta Islaamka iyo saykolojiyadda iyo waliba falsafada lagana dhisaa dhanka “Neuro linguistic Programming-ka” iyo “Emotional Intelligence-ga.” Waa in la siiyaa “Moral Reasoning” iyo “Security Sense” isku dheelli tiran loona sheegaa howsha ay sugidda ammaanka dadkooda, dalkooda iyo diintooda u qabanayaan in ay tahay “Li ajli Lillaahi wa lil Islaam” lana siiyaa mushaar ku filan. Mar haddii lagu jira xaalad dagaal, waxaa muhiim ah in ciidanka qalabka sida, booliska iyo nabadsugidda la siiya mushaar iyo gunnooyin dheeri ah. Waxaan war ku haya in saraakiisha ciidamada Maamulka Juba ay baabuurta raaxada sida dharka oo kale iskaga baddalaan halka wiilasha naftood-hurayaasha ah ee qalabka sida aysan helin mushaar ku filan. Haddii warkan sidaan ku maqlay u jira, waxaa hubaal ah in dagaalka Alshabaab lagula jira uu noqon doona “Faanoole fari kama qodna.”

· Waa in la shaqogaliyaa xeeldheerayaal saadaaliya, faalanqeeyo oo waliba faaqida wax kastoo dhici kara iyo wax aan lays laheyn wuu dhacayaba lana qaado tallaabooyin isugu jira “pre-emptive” iyo “proactive” balse aanan la ahaanin “reactive” oo kaliya.

· Waa in dhacdooyinka magaalada ku soo noqnoqday cashir ammaan oo mug iyo cuf leh laga bartaa lagana baaraandagaa kuwan oo kale sidi looga hortagi lahaa islamarkaana daraasad dhammeystiran laga sameeyaa sababaha ay u dheceen iyo halka uu ilduufka ciidan iyo amniba ka yimid dabadeedna laga gaashaantaa kuwa noocooda ah ee mustaqbalka la filan kara.

· Sirdoonka ku jaadan laammaha bulshada een la aqoonin isna aqoonin waa iney ka bataan kuwa la ya qaanna balse yeeshaan halbeeg maamul oo mihnad miisaaman u leh maareyntooda.

· Waa in dadka magaalada ku nool la tirakoobaa lambarrada guryaha iyo qoyska dagganna dhammaan la diiwaangaliyaa.

· Waa in dadka deegaanka loo sammeeyaa aqoonsiga shaqsiga.

· Waa in aanan guri laga kireynin qof aanan la aqoonin aqoonsina wadanin. Marka qof guri ama hudheel uu dagayana, waa in aqoonsigiisa shaqsiga ah loo gudbiyaa saldhigga booliska lagana buuxiyaa foom sidoo kalana cidda uu magaalada ka yaqaanna laga buuxiyaa foom lana ogaadaa shaqada uu magaalada ka haya, islamarkaana lala socdaa tasarufaadkiisa gaarka ah.

· Waa in shirkadaha isgaarsiinta loo sameeyaa bar kontorool oo ay nabadsugidda kala socdaan taleefoonnada ay adeegsanayaan hadlayaasha si looga hortaga falalka amnidarrada dhalin kara iyo magriga dhagarqabayaasha ay shacabka Soomaaliyeed la maagan yihiin una maleegayaan maalin iyo habeenba.

· Waa in la soo iibiyaa qalabka dambibaarista fududeeya sida aaladda faraha lagu qaada iyo kuwa keydiya biometric-ga.

· Waa in qof kasta oo mobile iibsada laga buuxiyaa foom lagana qaadaa faraha macluumaadka qofkana loo gudbiyaa laammaha ammaanka iyo nabadsugidda si looga badqaba asna tuhun bilaasha uga badbaada nabadgalyada guudna loo xaqiijiya.

· Waa in laammaha ammaanka ay la socdaan dhaqdhaqaaqa dadka 24 saacadood qofki laga shakiyana laga qaadaa tallaabo ka hortag ah si ammaanka wadareed loo suga loona baajiya falalka dhagarta iyo dhiigdaadinta ku saleysan ee faraha badan.

· Waa in la mamnuucaa wadashada hub ilaa kuwa ciidamada maamulka ay wataan ma ogiye, lana diiwaangaliyaa lambarka qoriga iyo baaruudda ama rasaasta uu askarigu isticmaalaya.

· Waa in 20-ki guriba loo sameeyaa guddi ammaan oo lagala xisaabtamo wixi halkaa ka dhaca ee dhib iyo dheefba leh.

· Waa in booliska la siiyaa tarabar ku filan oo ah dhanka anshaxa, asluubta iyo qaanuunka iyo waliba fanka la dhaqanka shacabka iyo dhiraandhirinta xogta qofka eedeysanaha ah si aysan ugu xadgudbin muwaadin miskiin ah naftiisana aysan u sahayan.

· Waa in si nabadgalyo ah lagu xalliyaa wixi khilaafaad ah ee u dhexeeya beelaha Soomaaliyeed ee deegaanka ku wada nool lana dareensiiyaa in nabadda ay tahay dan-guud ee loo siman yahay ilaalinteeduna tahay jaawib-wadareed daruuri ah.

· Waa in si deg-deg ah loo xoreeyaa dhammaan deegaannada aan ku jirin gacanta maamulka halista argagixisadana dadka ay duufsadaan la dareensiiyaa lagana wacyigaliyaa.

· Waa in la sameeyaa mareeg (website) uu maamulku leeyahay lana howlgaliyaa dadka aftahanka ah ee ay u fududdahay in ay bulshada maankeeda kasbadaan kana sifeeyaan daxalka ay ku daadiyeen dhagarqabayaasha arxanka darin ee Alshabaab.

· Waa in la sameeyaa idaacad iyo warfidiyeenka fogaan-aragga (TV) dagaalka warbaahintana la labajibbaaraa si dadweynaha jahawareersan tubta loogu soo duwa dhabtana loo taabsiiyo.

· Waa in la joogteeyaa barnaamij nabadda, xasiloonida, midnimada iyo walaalnimada dadka Soomaaliyeed lagu kobcinaya halista dagaalkana bulshada loogaga digaya.

· Waa in ducaadda ku xeeldheer diinta Islaamka iyo hal-abuurka suugaanta la howlgaliyaa lana sugaa ammaankooda qof ahaaneed si ay bulshada ula hadlaan doorkooda nabaddana u qaataan ayagoon walwal badan ka qabin halista Alshabaab.

· Waa in dib loo howlgaliyaa saraakiishi hore ee deegaanka u dhalatay si khibraddooda ciidan looga faa’iideysta.

· Waa in aqoonyahannada deegaanka u dhalatay ee dacallada aduunka ku kala baahsan maamul mideeya loo sameeyaa lana howlgaliyaa si ay aqoontooda nabadda ugu biiriyaan.

· Waa in dadka Alshabaab hore ugu tirsanaa ee ciidanka ku dhaxjira hubka laga dhigaa loona tababaraa arrimaha sirdoonka daahsoon kuwa kasoo galena xarumo dhaqancelin loo sammeeyaa in badanna laga feejignaadaa, shaqooyin madani ahna loo abuuraa balse laga ilaaliyaa hubka sida uu maamulka dhawaan shaaciyey dilkii Ciise Kaambooni ka dib.

· Waa in aan qofka ehelnimo oo kaliya lagu soo dhaweysan ee aydhiyolajiyaddiisa siyaasadeed layska hubiyaa lagana salgaaraa.

· Waa in dhammaan meheradaha ganacsi ee magaalooyinka ku yaalla lala socda lana diiwaangaliya si ammaanka loo suga.

· Waa in qof kastoo ajinabi ah la diiwaangaliya lana ogaada sababta uu Soomaaliya u jooga dhaqdhaqaaqiisana lala socdaa.

· Waa in la tababaraa kawaadir aqoonyahanno ah oo awood u leh in ay daraasaad cilmibaarineed ka sammeeyaan horumarka maamulka iyo arrimaha qorsheynta istiraatijiyadda fog iyo midda dhawba lana joogteeyaa kulamada maamulkooda.

· Waa in saraakiisha ciidanka shaqooyinkooda lagula xisaabtamaa kii shaqadiisa kasoo bixi waayana xilka laga qaadaa dignin ka dib.

· Waa in xeer-ciqaabeed adag loo dajiyaa askarigi askari kale ku xadgudba ama qof shacab ah ku xadgudba ee dambi lagu helaa.

· Waa in shacabka ay gacan buuxda ka siiyaan maamulka sugidda ammaanka qofki shacab ah ee dambiile qariyana tallaabo adag laga qaadaa dambigiisana lagu fuliyaa si caddaaladda, dastuurka iyo diinta Islaamka waafaqsan asagoonan la dulmineynin.

· Waa in la diiwaangaliyaa dhammaan hay’adaha gobolka ka howlgalaya lagana shaqaaleysiiyaa sirdoon maamulka u shaqeeya oo la socda howlaha ay dalka ka qabanayaan.

· Waa in maamullada Soomaaliya ka jira iyo dowladda dhexe ee wadaagga ah ay lahaadaan iskaashi dhanwalbo ah si qarannimada Soomaaliya loo difaaca midnimada dalkana loo ilaaliya ayadoo maskax hufan iyo miyirqab la isticmaalaya.

· Waa in la xaaraantimeeyaa dilka qof aan dambi laheyn.

· Waa in lala dagaallamaa musuqmaasuqa iyo boobka hantiga guud iyo tan gaarba muwaaddinka Soomaaliga ahna xuquuqdiisa iyo waajibaadkiisa loo qeexaa lagana qanciyaa wixi cabasho ah.

· Waa in la dadajiyaa dhammeystirka maamulka qabyada ah lana magac-aabaa agaasimayaal aan kaliye qabiilkooda lagu soo xulin ee kartidooda qofeed, khibraddooda iyo aqoontooda lagu xusha.

· Waa in Golaha Sharcidajinta bishan gudaheeda la ebyaa, waayo, maamul aan xildhibaanno laheyn waa baabuur aan fariin laheyn xaalkuna wuxuu noqonayaa jaantaa rogan iyo ha yaacda.

· Waa in la kala saaraa waajibaadka iyo shaqooyinka: Sharcidajinta, Fulinta iyo Garsoorka qola kastana “job description-keeda” ka soo dhalaashaa lagulana xisaabtamaa.

· Waa in la dajiyaa qorshaha maamulku uu doonaya inuu dalka ku haga lana joogteeyaa diyaarinta warbixinnada maalinlaha ah, kuwa asbuuca ah iyo kuwa billaha ah si ay saldhig ugu noqdaan warbixin sanadeedka maamulka ayna gorfeeyaan laammaha arrimahan ku shaqada leh si halkaasi ay uga dhalata qiimeyn wax-ku-ool-ah, dhalliil-shaqo iyo ammaan maamulba ama waxqabad-qofeed oo ku aaddan gudashada jaawibaadka.

· Waa inuu jiraa qorsho baddiil ka noqon kara qorsha kastoo la dajiya. Haddii qorshaha la dajiyey uu fuli waayana lagu baddalaa lana daraaseeyaa sababta uu u fuli waayey “plan-ka” fashilmay.

· Waa in wasaarad kasta ay shaqadeeda qabsataa saddex bilood ka dibna qiimeyn rasmi ah la sameeyaa wasiirki shaqadiisa ka soo bixi waayana dhalliil qoraal ah la gaarsiiyaa.

Qore: Abwaan Maxamed Cabdiqaadir (Stanza)

Ayaandhalad5@hotmail.com

KismaayoNews.com


KismaayoNews.com



UGU DAMBEEYEY
Cabsi loo baajiyay ciyaartii Jubbaland iyo Galmudug
Haweenka oo ku qaday xukuumadda Muuse Biixi
Labada Gole ee baarlamaanka oo isku murugsan
Xarun boolis oo Muqdisho lagu qarxiyay
Mukhtar Roobow oo Kismaayo gaaray