Bulsho waxay wax ku tahay jiritaankii iyo sumaddii awoowayaashood

Published: April 18, 2014

Waxaan ku bilaabayaa magac Allah ee naxariis oo dhan iska leh

Fadlan wada akhri haka wahsanin

Dhallinyaro waa marka qofku uu ka gudbo xilligii caruur nimada una soo gudbo xilliga masuulnimada, wanaag iyo xuman waxuu gaysto loo qabanayo maskax iyo jir ahaana wali sii korayso, ilaa uu ka gaaro waayeel sano ahaana waa 15–40. Dhallinyaradu waa nuurka bulshadu indhaha ku nuursato oo bulshadii dhallinyaro wax ku ool ahi u kacdaa ay u horseedaan horumar iyo baraare, bulshadaasina waxay ka hor martaa bulshooyinka aan haysan ama aysan u kicin dhallinyaro wax ku ool ahi. Dhallinyaro waxay wax ku ool noqotaa markii dhallinyaradii ka horaysay ay ahaayeen kuwa hanaqaad fiican helay oo waddooyin wanaagsan bulshadaas ay u kacaameen u horseeday haddiii aysan helin meel ay ku hirtaan waxaa ku adkaata inay u horseedaan wanaag iyo baraare bulshadaas ay nuurka indhaha u yihiin oo ay u hanaqaadeen.

Waxaa milicsi mudan Dhallinyaradii sanadihii u dhaxeeyey 1796 – 1856 waxay haysteen halyeeyo ay hiigsadaan ama wax garad ay ku taamaan inay gaaraan meeshay gaareen amaba keenaan sharaftii iyo xadaaraddii ay soo hooyeen mid la mida ama ka saraysa. Dhalinyaradaasi waxay ku tartami jireen inay gaaraan horumar aan wali cidina gaarin hadday noqon lahayd dhulka ay ku noolaayeen ee Somaliya iyo hadday noqon lahayd dhulalka kale ee Africa, America, Asia iyo Europe. Waxaa intaas u dheeraa oo haysteen nabad iyo barwaaqo taasoo u fududaysay inay u hanqal taagaan ama hiigsadaan dhallinyaradii ka horaysay inay baro dhaafshaan ama gaaraan goolkii ay dhallinyaradaa hore soo hoyeen, dhallinyaradaa waxaa ka mid ahaa oo aan ka garanayaa…

Boqor Maxamuud Yuusuf Xawadane, Garaad Xirsi wiilwaal, Boqor Cisman Maxamud Xawaadane, Boqor Yusuf Cisman, Boqor Maxamud Yusuf, Garad Cali Shire, Garad Maxamud, Islaan Aadan, Islaan Maxamed, Xaaji Cali Majeerteen, Catoosh Cigaal Aadan, Awmuse, Ugas Nur, Raage Ugaas, Imaam Cismaan, Imaam Maxamad, Imaam Axmad, Suldaan Xirsi Amaan, Suldaan Maxamud, Suldaan Yuusuf, iyo Suldaan Axmad…iwm

Dhallinyaradii ka danbaysay ee sanadihii 1856 – 1916 Dhallinyaradaan oo dhaxal fiican ka dhaxlay dhallinyaradii ka horaysay waxay isu taageen sidii ay u ilaalin lahaayeen magacii iyo sharaftii ay bulhsadu lahayd iyagoo higsanayey wadooyinkii ay mareen dhallinyaradii ka horaysay nasiib xumose waxaa kala dhantaashay himaddii ay ku hanaqaadeen colaado kaga imanayey farogelin shisheeye, colaadahaas shisheeye waxay badaleen hab u fekerkii ku salaynsaa horumar, wanaag iyo wax cusub u horseedid. Waxay bilaabeen waji cusub oo ah sidii xal loogu heli laha ama looga samata bixin lahaa bulshada dhibahaas soo foodsaaray ee colaada iyo qaxarka faragelinta shisheeye keentay. Waxaa lama huraan noqotay in raggii lagu xulo geesinimo si markii dagaal la galo aysan u noqon rag maagta oo gabada, codkarnimo si loo helo rag dadka kiciya oo ku wacyi geliya xaaladaha colaadeed ee soo kordhay iyo rag diricya ah oo garan kara xeelad kasta oo khiyaama ah oo loo maleego. Arintaas cusubi waxay bedeshay halyeey nimadii hore ee ku salaysnayd horumar iyo la tartamid bulshooyinkii ku xeernaa ee adduunyada qaybaheeda kala duwan ku noolaa, waxayna bedeshay hab u fikirkii maskaxeed ee dhallinyaradii ka danbaysay iyadoo u horseeday waji cusub oo halyeeynimo ah kaasoo ku saloobay geesinimo, diricnimo, codkarnimo iyo inaan lagu xaman liidnimo, waxaadna ku garan kartaa mowjadaha markaa socday gabayadii ay hawada isu marin jireen Somalida waa gaas ku beegnayd oo hanjabaad iyo kala fiicnaan geesinimo, codkarnimo iyo diricnimo ku dheehnayd waxaa ka mid ahaa dhallinyaradaas intaan ka garanayo…

Boqor Cisman, Islaan Farax, Islaan Muse, Suldaan Yusuf Kenadid, Suldan Cali Yusuf Kenadid, Suldaan Maxamud Cali Shire, Sayid Maxamed Cabdulle Xasan, Suldaan Nur, Abshir Dhore, Cumar Samatar, Shiikh Xasan Barsame, Cisman Yusuf Kenadid, Cabdiraxmaan Sheekh Nuur, Godo Godo, Sicid Fiqi Xirsi, Cali Sharmarke, Axmed Cisman Indhadaleel(Axmed Duuble), Warma Jaanle, Takar, Cali Dhux Adan, Qaman Bulxan, Samatar Baxnan, Salan Carrabey, Ismaciil Cigaal Bullaale, Maxamed Cumar Dage, Maxamed Adan Caws, (Yawle), Ismacil Mire, Afxakame, Cali Gurey, Daad Nur Guray… iwm.

Dhallainyaradii sanidihii u dhaxeeyey 1916-1976 waxaay ku beegmeen waddankii oo dhan gumayste faraha ugalay, waxay halkii kasii wadeen wadadii ay u jeexeen dhallinyaradii ka horaysay oo ahayd la dagaalanka faragelinta shisheeye ee kaga imanaysay dawlado ka xoog badnaa oo ahaa Birishka, Talyaniga iyo Faransiska waxayna soo hooyeen guulo waa wayn oo manta ay somalidu harsato inkastoon u wada suurtoobin ujeedadii ay ku dagaalamayeen ee ahayd in Somaliya oo dhan hesho sharafteedii iyo baraarihii ay wada haysteen faragelintaa shisheeye ka hor Dhallinyaradaa intaan ka garanayo waxaa ka mid ahaa…

Aadan Cabulle cisman, Cabdirashid Cali Sharmarke, Cabdirisaq Xaji Xusen, Ibraahim Cigal, Yasin X Nur Bidde, Yasin Cisman Kenadid, Muse Galal, Yasin Cisman Sharmarke, Cabdullahi Cise Maxamud, Maxamed Xirsi Nuur (Seyeddiin), Xaaji Maxamed Xuseen Maxaad, Cusmaan Geeddi Raage, Dheere Xaaji Dheere, Daahir Xaaji Cusmaan (Dhegaweyne), Cabdulqaadir Sakhaawadiin, Cali Xasan Maslax, Maxamed Cali Nuur, Maxamed Faarax Hilowle, X. Maxamed Cabdulaahi Xayeesi, Huudow Macalin Cabdulaahi Saalax, Maxamed Cusmaan Baarbe Baardheere, Maxamed Cawale Liban, Maxamud Xarbi, Xaji Bashir Ismacil Yusuf, Xirsi Magan Cise, Berdacad, Cabdi Daad Nur, Xaaji Adan Afqalloc, Suldaan Timacade, Maxamed Abshir Haaman, Daauud Cabdulle Xirsi, Maxamed Siyad Bare, Maxamed Cali Samatar, Cabdalla Maxamed Faadhil, Ismacil Cali Abokor, Xusen Kulmiye Afrax, Cabdullahi Yusuf Axmed, Salad Gabayre, Jamac Qorshel, Maxamed Jibril Muse, Cabdullahi Axmed Cirro, Ahmed Saleban Cabdalle, Cabdirisaq Maxamed Abubokor, Maxamed Ceynaanshe Guuleed, Maxamud Muse Xirsi(Cadde)… iwm.

Labadaa rac oo dhallinyaro ah oo isku xigay halyeey nimada iyo higsiga u muuqanayey waxay ahayd oo kaliya geesinimo, diricnimo, codkarnimo iyo sidii uu uga fogaan lahaa in liidnimo lagu xanto. Waxaa meeshii ka baxday hiigsigii iyo halyeey nimadii ku salaysnayd horumar, baraare, sharaf iyo magac usoo jiidid bulshadii ay dhallinyaradaasi indhaha u ahayd. Waxaana masuul ka ahaa gulufka colaadeed ee dhallinyaradii ka horaysay ku jireen kaasoo u diidayey inay uga tagaan nidaam ay hiigsato dhallinyarada ka danbaysay oo ku salaysan horumar, baraare, sharaf iyo wanaag.

Markii Gumaystihii ka dhex baxay sida dusha kore ka muuqanaysay inkastoo falalkii iyo faragelintii ay wali jirtay ayaa waxaa dhacday in dhallinyaradii cuslaatay ee ku barbaartay colaadda joogtada ah ee halyeey nimadu u ahayd geesinimo, diricnimo, codkarnimo iyo yaan nin liita lagugu xuman ay bulshadii dib ugula soo noqdaan arimahaas gulufka colaadeed baray. Arintaasina waxay dhashay inay iyagii isu muuqdaan oo koox kooxo kala noqdaan ku salaysan reer reer iyo danaysinimo. Taasi waxay abuurtay in dhallinyaradii ka danbaysay dhallinyaradaas ay waydo inay feker xor ah hesho laguna caburiyo sidii ay colaad ugu qaadi lahaayeen beelaha aan ahayn beelahooda, waxaa kaloo lagu caburinayey in loo qoro taariikho kale oo laga soo waariday dhallinyaro dawlado shisheeye u dhalatay samaysteen oo aan ahayn kuwii dhallinyaradii iyaga ka horaysay sameeyeen.

Arintaasi waxay sahashay in dhallinyaradii ay ilaawaan taariikhdii ay iyagu lahaayeen fursadna aysan u helin inay bartaan oo ay markaa reebaan taariikh dhallinyarada ka danbeeysa ay higsadaan. Xaaladahaas kala duwanaa oo ay soo martay bulshada Somaliyeed waxay sababtay in dhallinyaradii isku aragtida ahaan jirtay iyo isku fekirka ay is cadaawaystaan, is xaqiraan, is xumaansadaan oo reer kastaa aaso wanaagga reer ka kale. Waxaa markaa bulshadii noqotay bulsho aan is haysan oo noqotay qof qof, qofkastaana ku fekaro ama ku kaco siduu uu dhibahaas kaga bixi lahaa isaga iyo eheladiisa oo qura. Xaaladaasi markay bulsho ku timaado waxaa dhallinyarada bulshadaas ku dhaca jaah wareer iyo in dhallinyaradii iyo waayeelkii oo ah dhallinyaradii cuslaatay isku xirnaan fiican aysan yeelan. Arintaasina waxay dhaxalsiisay oo badday inay xabad isu qaataan oo xornimadii ay kuwii iyaga ka horeeyey keeneen ay meel cidla ah uga dhaqaaqaan.

Dhallinyaradii 1990 – 2012 waxay ku soo beegmeen jaah wareer iyo meel aan sharaf iyo wanaag joogin oo wax lagu tilmaamo aan la garanayn wax laga dhaxlaa aanay jirin, taasi waxay abuurtay in dhallinyaradii ka qaxdo dhulkoodii hooyo oo u hiyi kacaan dhulal kale iyagoo ka door bidaya dhulkoodii asalka u ahaa. Suaal ayaa ka dhalan karta halkaa suaashaas oo ah dhallinyaradu miyeey nacday dhulkoodi hooyo? Jawaabtu waa maya ma aysan nicin dhulkoodi hooyo ee waxaanay aqoonba waxa la yiraahdo dhulka hooyo dareen ahaan iyo damiir ahaanba. Sababtoo ah hooyo waa ayo, maba yaqaanaan xataaa adiga akhrinayaa ma taqaanid dhulka hooyo markii la yiraahdo waxa hooyo loo yiraahdo oo ay hooyadaasi tahay. Hooyada kaliya uu yaqaan waa tan dhashay waxuuna u haystaa dhulkii hooyo markii la yiraahdo dhulka uu waddan ahaan u sheegto. Waxaad kaloo eegtaa kuwa ku koray dhulalka shisheeye ee wax ku bartay oo aan colaadda waddankii ka jirtaa dhex joogin, waxaad iyagana ku arkaysaa jaah wareerkaas haysta kan waddankii ku nool mid ka daran inuu haysto oo uu wax damiir ah lahayn. Sababtuna ay tahay waxa loo dhigo ee wax barashada aynu niraahno ay ku salaysan yihiin arin ay keeneen halyeeyo aan ahayn bulshadooda, hiigsashada iyo raacitaanka halyeeyadaasina ay ka dareemayaan inay cay ku tahay oo aanay ku faani karin taasina ay dhaxalsiiso in qaybo kamid ahi ku noqdaan dhulkii oo is qarxiyaan.

Gabagabadii waxaa caddaan ah oo xaqiiqo ah in dhallinyaro u baahan tahay halyeey ay ku hirtaan oo bulsho jiritaankeedu ku xiran yahay dadkii ay ka soo jeedaan haddii taariikhda dadka aad ka soo jeedo tirtiranto bulshadaas waxaa ku yimaada jaah wareer. Jaah wareerkaas oo haddii aanay iska bedelin asaas u noqon doona in bulshadaasi ka baxdo taariikhda adduunka meeshii ay ku noolaydna bulsho kale la wareegto. Bulsho in asal raacu ay awoowa yaashood ku hirtaan xaqiiqo yahay waxaa markhaanti kaaga filan oo aad ku garan kartaa in qoraa kastaa ama taariikh yahanada hadda wax qoraa inta badan ku mashquulaan sidii ay u aasi lahaayeen taariikhda reerkuu ka dhashay maahee taariikhaha kalee isla bulshadaas ah isagoo ka dhigaya reerkiisu inuu yahay reerka kaliya oo geesinimada Codkarnimada iyo diricnimada wanaag doonka lahaa, waana middii ay ka dhaxleen awoowayaashoodii u danbeeyey.

Waxaa kalood sifiican u eegtaa dood kasta oo ka baxaysa TV ama Radio ama webebkaba waxaa kaaga dhex muuqanaya in ninkii hadlaa ama wax qoraaba isku dayayo inuu dhulka ku masaxo qof ka kale ee dooda kula jira isagoo muujinaya inuu ka codkarsan yahay ka geesisan yahay kana diricsan yahay. Taasoo inooga timi isbedelkii ku dhacay hiigsigii dhallinyaradii waqtigii gumaystuhu waddankeena soo galay oo halyeey nimadu isu bedeshay geesinimo, codkarnimo, diricnimo iyo yaan lagugu xaman nin liita. Taasoo wajigii ay ku bilaabantay waji aan ahayn qaadatay, wajigii hore oo u baahnaa codkarnimo, geesinimo iyo diricnimo maadaama xaalado colaadeed lagu jiray isuna bedelay in bulshadii isku midka ahayd iyadii isu adeegsato oo qofba qofka kale geeska ku riixo isagoo muujinaya inuu ka geesi san yahay ka codkarsan yahay ka diricsan yahay iiyo inuusan ka liidan.

Haddaba waxaynu u baahanahay inaan abuurno waji cusub maadaama aan inagga aabayaasheen awoowayaasheen lawada kulanay xaaladahaas aadka u cakiran ee aan lahayn meel lagu hirto oo la hiigsado iyo halyeey aan ku hirano oo horumar iyo wanaag cusub ku soo biirshay bulshadeednii oo aynaan la jaan qaadi karin dhallinyaradii 1796-1856 maadaama xadaaradii is bedeshay…

Wa Billaahi Tawfiiq

Qore: Eng Abdirashid Abdi Daad Ciiltire

Email: Guurey@hotmail.com

KismaayoNews.com


KismaayoNews.com



UGU DAMBEEYEY
19 Agaasimayaal guud oo lasoo dhajiyey Jubbaland
Jawaari oo musharixiinta madaxtinimo qalbiga u qaboojiyey
Hanti Dhawrka Qaran oo bari yeeley madaxda DF
Yaxye Jaamac oo ogolaaday in uu xilka wareejiyo
Donald Trump, oo loo dhaariyey madaxweynaha Maraykanka