Fanka qoraalka W/D : Cabdiraxmaan Xasan Nuur

Published: August 7, 2014

Kn: Iyada oo wax lagu farxo ay tahay in aynu arkaynno sida ay usoo badanayso hal-abuurnimada qalinka iyo wax-qoristu, ha ahaato buug, maqaal, sheeko, dhacdo, malo-awaal IWM oo la curinayo, haddana waxa wali muuqata in ereyga “tayo-darro” aad mooddo in aanu nolosheenna meelnaba ka madhnayn, haddii ay tahay waxbarasho, caafimaad, ganacsi IWM. Hal-abuurnimada qoraalka ayaa iyana ka mid ah meelaha sida ba’an ay wali uga jirto tayo-darro xirfadda qoraalka ah taasoo ay sababikaraan; aqoon-darro iyo qoraaga oo aan hammi badan u haynin in uu barto xirfadaha ay hawshani uga baahantahay.

qoraal Afsoomaali

Waxa iyana tirada lagu darikaraa in ay sidan ugu wacantahay teknoolojiyadda iyadoo qofkii qoraaga ahaa aaminsanyahay in koombiyuutarku uu ka caawindoono qurxinta iyo sixidda qoraalkiisa, kama uuse fikirin in qoraalku u baahanyahay aqoon gaar ah iyo xirfado dheeri ah. Qoraayada Soomaalida qaarkood ayaa waxa ay aaminsanyihiin in madbacadda buuggiisa daabacaysaa ay ka caawindoonto hagaajinta qoraalkiisa; waase figrad iyana khaldan, maxaa yeelay, madbacaddu waxa ay kaa caawinkartaa oo kaliya, sida ay u badantahay, muuqaalka oogada buugga, nooca iyo cabbirka farta, jaantusyada iyo sawirada gudaha ku jira, arrimahaasina waa arrimo marka horeba adeegyada madbacadda ka mid ahaa oo laga filayay, wixii intaas ka badanse iyada shaqadeeda ma aha.
Haddaba, aniga oo ka cudurdaaranaya in aanan ahayn qoraa ama khabiir ku xeel-dheer fanka wax qorista, waxa aan jeclaystay in aan wixii aan ka fahansanahay xirfadaha qoraalka iyo arrimaha loo baahanyahay in qoraagu uu maskaxda ku hayo, haddii uu qorayo buug, maqaal, curis IWM, aan la wadaago akhristayaasha maqaalkan. Waxyaabaha aan ka hadlayaa waa talooyin aan akhristayaasha maqaalkaygan la wadaagayo oo aan kasoo ururiyay buugaag mawduucan ku saabsan, balse iyagu waa in ay baadhitaan intan ka badan sii sameeyaan si ay u kobciyaan aqoontooda ku aaddan xirfadaha wax-qorista. Sababta aan sidaa u leeyahay ayaa ah in qofku uu mar walba maskaxda ku hayo in ay jiridoonaan akhristayaal uu buuggiisa ama maqaalkiisu uu gacanta u galidoono oo si adag u naqdiyidoona waxa uu qoraagu qoray, haddii ay halkaa gaadhona; qoraagu waxba kama qabankaro qoraalkiisa, hasa yeeshee hadda ayuu fursad haystaa uu kor ugu qaado xirfadaha uu u baahanyahay waliba kuwa aasaasiga ah. Akhriste, ogaw; kollayba khalad wuu dhacayaa oo aadame ayaynu nahay laakiin waxa jira khaladaad qofka qoraalka sameeyay aan loogu dulqaadankarin. Haddaba, talooyinka aan isleeyahay waa muhiim in aynu ku dhaqannaa, si aynu khaladaadkaa uga badbaadno, waa kuwan soo socda:

1) Mawduuca wax laga qorayo:

Inta badan, waxa ugu muhiimsani waa in qofku uu hayo mawduuc uu wax ka qorikaro oo uu xog badan ka hayo ama ka helikaro. Su’aasha meesha taalla ayaa ah sidee qofku mawduuc u doorankaraa ama mawduuc noocee ah ayuu doorankaraa? Tusaale ahaan, ka warran haddii aan idhaa waxa aan wax ka qorayaa “qaadka” ama “dhibaatooyinka qaadka” ama “saamaynta ay qabyaaladdu leedahay” ama “qiimeynta waxbarashada dalka” ama “nolosha qoyska”? Waxa dhicikarta in dadbadani yidhaahdaan waa sax dhamaantood waa mawduucyo wax laga qorikaro waanay fududyihiin, laakiin marka si qoto-dheer loo eego, dhamaantood waa mawduucyo adag, waayo? Sababtu waxa weeye, markasta oo mawduuca aad wax ka qoraysaa ballaadhanyahay qoristiisu way kugu dhib-badanaysaa oo wuu kugu ballaadhayaa. Sidaa darteed, waxa lagu taliyaa in qofka qoraaga ahi uu mar walba isku dayo in uu mawduuca sii gaar yeelo (specific) oo aanu qaadan mawduuc ballaadhan (general). Tusaale ahaan, haddii aan nidhaa waxa aan wax ka qoraynnaa “saamaynta dhaqaale ee qaadku leeyahay” wuu ka fududaanayaa inaan wax ka qorno “dhibaatooyinka qaadka”, dhibaatooyinku way farabadanayaan haddase qayb ka mid ah ayaynu qaadannay oo ah kuwa dhaqaale. Sida oo kale, haddii aan dooranno inaan wax ka qorno “barbaarinta ubadka” wuu ka fududyahay inaan ka hadalno “nolosha qoyska” oo dhan. Sidaa darteed, talada koowaad waa in qoraagu mar kasta uu madwuuca si gaar ah usii xadido.

2) Xeerarka Qoraalka:

Waxa jira xeerar afka qalaad ee Ingiriisida ah loogu yaqaanno “mechanics” kuwaas oo ah xeerar ay lagama maarmaan tahay in qofku marka uu wax qorayo ilaaliyo. Waxaana xeerarkaa ka mid ah kuwa inta badan aynu naqaanno ee ay ka mid yihiin: calaamadaha sida joogsiga, waynaynta xarafka (capitalization), hakadka, IWM. Waxa aan hubaa in dadku inta badan ay calaamadahan wada yaqaannaan dhibkuse waa in aan la dabbaqin marka wax la qorayo. Waa waxyaabaha haddii laga tago isla markaba debedda soo dhigaya ceebaha qoraaga; waxaana ay sababikartaa in ay reebto raad xun oo ah in aan qoraalkaaga dib loo akhriyin, maxaa yeelay, odhaah ayaa tidhaa “first impression is the last one”, figradda u horraysa ee lagaa qaato ayuunbaa ah ta waaraysa. Sidaa darteed, ma rabno inaan calaamadahan mid mid isu dultaagno oo inta badan figrad guud waa laga wada haystaa laakiin waa in qoraaagu dabbaqo.

3) Lahjadda la adeegsanayo:

Dabcan, afka ummad/ummado ku wada hadlaan isagoo isku mid ah ayuu haddana yeelankaraa lahjado hoose iyo waxyaabo ay ku kala duwanyihiin dhawaq ahaan iyo macno ahaanba. Tusaale ahaan, afka Ingiriisida iyadoo ay ku wada hadlaan dalalka Ingiriiska iyo Maraykanku ayaa haddana waxa jira in ay ku kala duwanyihiin dhawaqa ereyo gaar ah ama adeegsiga iyo macnaha ereyo kale. Ereyga “quite” marka ruuxa Ingiriiska ahi adeegsanayo waxa uu la micno yahay “a little bit”, laakiin marka uu adeegsanayo qof Maraykan ahi waxa uu la macno yahay “completely”. Aan soo dhaweeyo, afkeenna Soomaaliga ah waxa jira in lagu kala duwanyahay meelo badan oo afka ah xagga xigaadda iyo macnahaba, sida ereyga “gabadh/gabar” ee macno ahaan iyo higaad ahaanba ay ugu kala duwanyihiin gobollada Soomaalidu. Haddaba, haddii ay dhacdo in qofku isku dhex daro lahjado kala duwan marka uu wax qorayo waxa loo yaqaanna in qofkaasi uu yahay qof aan xirfad lahayn “unprofessional”, fanka qoraalka marka laga hadlayona waa ceeb arrintaasi, tusaale ahaan haddii qofku Af-Ingiriisi wax ku qorayo waa in uu adeegsado lahjadda Ingiriiska, ta Maraykanka, IWM oo aanu mid kale ku dhex khaldin. Sida oo kale Af-Soomaaliga waa in qoraagu adeegsado lahjad gaar ah oo kaliya. Arrintani, sida la sheego, laba faa’iido ayay leedahay: 1) In waxa aad sheegayso la fahmo oo aan akhristaha madmadaw ka galin ereygan ma sidaasuu ula jeedaa mise sidaa, 2) Iyo in la arko in qoraalkan qof xirfad qoraal lihi qoray oo quruxda qoraalku soo baxdo.
La soco qaybaha danbe………………

Cabdiraxmaan Xasan Nuur.
Email: abdirahman_hn@hotmail.com

KismaayoNews.com


KismaayoNews.com



UGU DAMBEEYEY
Xildhibaan Maxamuud-Abukaate oo qareen qabsanaya
Shan nin oo gabar ku kufsaday Gaalkacayo
Rashiid Buulloo oo aqalkiisii aakhiro u hoydey
Zakariye Xaaji Maxamuud “Farmaajo waan ku qaldanay”
Mucaaradka Kenya oo gacmaha isqabsaday