AAYO-DHOWR : Ku haadlidda Af kaliya waa awood dabiici ah

Published: August 19, 2014

Kn: Kusoodhawaada qormadeena AAYO-DHOWR kaas oo aad kadaalacandoontaan wargayska KISMAAYONEWS.COM, bilkasta labo mar.

Mowduuca aan maanta diiradda kusaarayno qormadeena AAYO-DHOWR sida cinwaankaba lagafahmikaro waa muhiimadda ayleedahay in Ummadi kuhadasho afqura.

In wanaagbadani kujiro ku hadlida afkaliya waxaa dareemikara qofkii kusoonoolaaday ama ku abtirsada Dall ay kunooliyihiin qoomiyyado kaladuwan oo aan sinaba iskuaf-fahmaynin ilaalahelo afkale oo qalaad oo kadhaxeeya, aflaasi oo lagayaabo in uu kasoojeedo qaaradkale, laakin ay umaddaasi kuqasbanaatay afkaas qalaad si ay ikugu afgartaan sida:-

Kiinya, Zimbabwe, Koonfur Afrika, iyo Malawi oo ku hadla afka Igiriiska, iyo Sinigaal, Congo, Afrikada dhaxe iyo inkale oo kamid ah wadamada dhaca galbeedka qaaradeena Afrika oo iskulahadla afka Faransiiska.

Hadii umadi ku hadasho ama isku afgarato afqalaad taas waxay kadhigantahay in afkaas qalaadi uunoqdo afka koobaad ee dalka, waxii tacliin ahina kubaxdo afkaas qalaad, warbaahinta nuucyadeeda kaladuwana lagutabiyo isla afkaasi qalaad.

waxaakale oo taasi sababaysaa in dalka dhaxal ahaan uleh luuqadaasi uu ujeedooyinkiisa ugaarka kadhaadhiciyo umadaha ku hadla afkiisa, oo ay sitoos ah uguxirmaan warbaahintiisa, taas oo sabab unoqota in dalalkaasi aynoqdaan qaybkamid ah dalkaasi, joqoraafi ahaanba hakalafagaadaan dalka afkaleh iyo dalalka kuhadla afkiisa.

Tusaale ahaan hadii fanaan kasoojeeda boqortooyadda Ingiirska uu soosaaro hees, waxay dalalka kuhadla afka Ingiriiska kuqasbanyihiin in ay kagadanto heestaasi oo ay meelkasta gaarto ujeedokastaba haxanbaarsanaatee , ayadoo lagayaabo in heestaasi ay liddikutahay danaha dadyowgaas ajanabiga ah ee dhagaysanaya ama daawanaya heestaasi.

Dhankakale faaidooyinka kujira in umaddi ku hadasho afkali ah ciiddaasi ayay kabadanyihiin, waxaanakamid ah, marka ay umadaasi kujirto gumaysi oo ay billowdo in aykadhiidhiso ama kagilgilato dulmiga, in ay gumaastaha ku adkaato in uufahmo xogta ay umadaasi xaq-udirirka ihi isdhaafsanayso, ilaa uuhelo gumaystuhu turjumaan afkiisa uguroga xogtaasi, taasoo ugukacda gumaysta dhaqaalo farabadan iyo waqtiqaali.

Kuhadlida afkali ahi waxay kaqaybqaadataa midnimada qoomiyadda ama qarankaasi kuhadla afkaasi, waxaana kora oo dhaxalgalnoqda eray ahaan afkaasi marka aykubaxaan Waxbarashadii, Warbaahintii, iyo waxkastoo loo isticmaalo xogwaydaarsi.

Hadaba Qoomiyadda Soomaaliyeed oo kamid ah qoomiyadaha farakutiriska ah ee Eebeweyne kugaladaystay afka kalliya ayaan inteeda badani kubaraarugsanayn arinkaasi, waxaadna arkaysaa qaarbadan oo kamid ah dadkeenu oo kuhadlaya ama kufaanaya deegsiga afafka qalaad, haba ubadnaadaan dadka kusoonoolaaday ama uqaxay dalalka dibadda meeshaydoontaba ha ahaatee.

Waxaa aad iyo aad uhaboon in aan ilaashano afkeena hooyo, kunadidaalno kobcintiisa, ileen hadii uu meesha kabaxo waxaa ayana meesha kabaxaya jiridaanka umadda Soomaaliyeed, dad ahaan iyo dal ahaanba.

W/D. ABWAAN CABDINAASIR XASAN COSOBLE (CABDINAASIR XIDIG).

Email: XIDIG112@GMAIL.COM.

KismaayoNews.com


KismaayoNews.com



UGU DAMBEEYEY
Farmaajo oo Xamar ku galay Sanqar-Tirasho
Qaxootiga Soomaalida Kenya oo loo ogolaanayo in ay shaqaystaan
Shirkii IGAD oo soo idlaaday
Jawaari “Suuldhabaale waa hadal”
Puntland oo u gudubtey nidaamka xisbiyada badan