Horudhaca Buuga : Safarkii Maraykanka iyo Sahankii Rajada

Published: November 24, 2014

Kn: Intii ka danbaysay burburkii iyo adhax-jabkii la soo gudboonaaday bulshada Soomalaiyeed, waxaa xigay barokac iyo in la kala abaado, taasina waxay keentay in jiilal Soomaaliyeed ay ku dhashaan, ku koraan kana mid noqdaan bay’adihii la keenay sida Waqooyiga Ameerika, qaaradaha Yurub, Australia iyo meelo badan.

loolanka la soo gudboonaaday jiilashan. Waxaa intaa dheer in ay yaraatay aqoonyahan hormuud u noqda dhalinta ku barbaaraysa bay’adahan iyo horjooge ay da’yartu bidhaansadaan xilligan oo ah xilli ay mujtamaca Soomaaliyeed wajahayaan maraaxil adag, isla markaana ay la tacaalayaan caqabado sidii hirarka badda mawjadaynaya.

Marxaladda sifadaa wadata dawga looga bixi karaayi waa dhabihii uu Alle u jeexay kawnkan, waa daah-furkii ilbaxnimada insaanka, khaasatan ka islaamku ku salaysnaa, waa furihii fariintii eebe ee ahayd ” Iqra” oo macnaheedu ka gudo-ballaadhan yahay “akhri”, kalmadda “iqra”, waxay koobaysaa tilmaamaha ah akhriso si aad aqoon u yeelato, akhriso, waayo akhriyaa umadda hoggaamiya. akhriso , oo aqoontan la wadaag umadda. akhri tilmaamaha iyo tusaalaha aqoonta.

Buuga Xamse qoray:

Buuga xamse wuxuu oogu talagalay:

1. Dhiiri galinta dhalinyarada
2. In uu qaytiisa ka gaysto diiwan galinta qaab nololeedka dadka wadankan maraykan ka qaxooti ku yimaada.
3. Abuurid jawi isku soo dhawayn dadka soomaliyeed iyo dadyowga loogu yimid wadamadan qurabaha.

Qodobada ugu muhiimsan ah ee buugu bidhaaminayo waxaa kamid ah:

B-Inay aqoontu tahay furaha iyo iftiinka wax lagu bidhaansado
T-In haddii la doonayo in la saxo aragtida khaldan ee laga haysto mujtamaceena, diin ahaan iyo dhaqan ahaanba ay muhiim tahay in qalinka la qaato nidaam aragti tacliimeed ku dhisan loo saxo.
T- In dhalinyaradu ay isu dhiibaan qalinka, qormooyinna isugu tilmaamaan qaabaalka looga gudbi karo togagga kaga gudban da’yarta hanashada geedka rajada.
X- Inay aqoontu tahay awood, umadnimada bulshadeenana waxa soo celin karaayi ay yihiin mabda’ ku salaysan tacliin iyo camal ku dhisan danta guud.
Tilmaanta haddaba laga qaadanayo buuggan ayaa ah in aqoontu tahay furaha nolosha iyo iftiinka meertada nololeed, dhanka kalena inay da’yartu higsadaan mustaqbal ku salaysan qalin. waxay markaa dhalintu noqon karaan fac la jaanqaada nidaamka cusub ee caalamka maanta, dhanka kalena waxay buuxin karaan doorka lumay ee looga fadhiyey dhalinyaradii umadda.

Ahmiyadda gaarka ah ee uu buuggani leeyahay ayaa ah inaan wajahayno xilli ay jiilasha ka kala yimid waddamada geeska Afrika ay ku soo badanayaan galbeedka, khaas ahaan waqooyiga maraykanka, dhanka kalena uu jiro dareen iyo bisayl ah inay ka mid noqdaan doorkoodana ka qaataan axzaabta siyaasadeed ee ku loolamaysa kuraasta dawladaha hoose, sidaa darteed ayuu buuggu dhiiro-galin iyo daah-furba u noqon karaa jiilkan cusub ee ku beermaya qurbaha.

Mudnaanta kale ee bandhigga buuggan la socda ayaa ah in uu yaryahay bugta noocan oo kale ah oo gaadha saaxada bandhigyada buugta iyo qore la wadaagaya bulshada caqabadihii ku wajahnaa sooyaalkiisa iyo xeeladuhuu kaga gudbay oo ay aqoontu gundhig u ahayd, sidaa darteed ayuu buuggu kulansaday taariikh, caqabado, rajo galin iyo maxsuul midho dhal ah oo ka soo baxay.

KismaayoNews.com


KismaayoNews.com



UGU DAMBEEYEY
Madaxweyne Farmaajo oo boggaadiyey bandhigga buugaagta Kismaayo
Carwada Buugaagta Kismaayo oo maalintii koowaad gashay
Bandhigga Buugaagta Kismaayo oo bari furmaya
Farmaajo oo qaabiley Axmed Maxamed Islaam
Bangiga Dhexe ee Soomaaliya oo ay maalgashanayaan bangiyo Kenya ku yaala