Soomaalidu maxay dhulka doogga leh isugu sawirtaa?

Published: November 26, 2014

Kn: Si ka duwan bulshooyinka kale ayay Soomaalidu u jeceshahay in ay isku sawirto meelaha dhirta ama cawska cagaarani uu ku yaallo.
Dadka ka soo muuqda TV yada Soomaalida ee ama shir-jaraaid ka hadlaya ama waraysi kale bixinaya, dadka sawiradooda soo geliya baraha bulshadu ku xidhiidho ee Internet ka, iyo dadka ehaladooda ama caruurtooda isla sawira intuba waxay ka midaysanyihiin ama u badanyihiin in ay isku beegaan ama dhex joogsadaan marka ay isa sawirayaan meel doog ama cagaar leh.

Soomaalida gudaha dalka ku hadhay iyo kuwa dibadda u baxdayba way ka simanyihiin arintan. Sidoo kale Soomaalida degta deegaanada Soomaali Galbeed ama NDF iyaguna waa inala mid.

Kulay ku tahay kuwa degan dhulka xeebta ah ee quruxda badan waxay u badanyihiin in ay isla doontaan meel dhir leh oo ay isku sawiraan. Ilaa aan markii dambe u qaatay anigu in haddiiba aad meel doog leh aragtid ay kugu soo dhacayso in aad sawir isla gaadhid inta aadan ka gudbin.
Waxaan is waydiiyey Soomaalidu dadyowga kale miyay ka deegaan jeceshahay? Miyay ka waddanisantahay? Ma dhulkooda ayaa dooggu ku yaryahay oo way ku diimayaan? Ma midabka cagaarka ah ayay midabada kale ka jeceshahay? Ma waxaa ku beeran cuqdad in deegaankoodu yahay saxare aan dhir iyo doog toonna lahayn?

Aniga waxay ila tahay in aynnu niyadda ka rumaysannahay in aynaan haysan wax kale oo aynnu isku sawirno. Guryaheennu ma qurux badna, jidadkeennu waa wada sandqad iyo buul fool xun oo qaad lagu hoos iibinayo kuwaasoo ku gudban guryaha quruxda badan ee wada muraayadda ah ee dhowaan dalka laga dhisay. Xoolaheennu waqtiga intiisa badan waa caato ama wayd aan ishu qabanayn.

Beri dhowayd oo aan tegey magaalada Hargaysa waxaa la ii sheegay in nin dharka iibiya oo dukaankiisa aad u qurxiyey uu ka cabanayo dhalinyarada inta ay soo booqdaan dukaanka isku sawiraya dhexdiisa ama kadinkiisa oo haddana aan waxba ka iibsanayn. Taasaa igu dhalisay fikradda ah in dadkani haddii ay heli lahaayeen suuqyo iyo waddooyin bilic leh in aysan u baahdeen in marka roobku da’o ay doogga sawariddooda la sugaan.
Haddaad u fiirsatid, Soomaalida dookha iyo doonistaba waxaa kaga jira iska hor-imaad, tusaale ahaan dadka sidaa doogga u jecel deegaanka inay ilaaliyaan iska daaye iyagaa dhibaataada ugu badan ku haya.

Arintani waxay salka ku haysaa berigii hore ee miyiga loo badnaa reerka haddii xoolo ka lumaan oo dadka qaarkood helaan xoolihii lumay kuwa kale waxaa loo gubi jirey kayn iska dhan si loo ogaysiiyo in xoolihii la helay, waxaa loo yaqaanney “Oog”. Oogtu waxay ahayd baaqa keliya ee dadka marka uusan codkoodu is gaadhayn ay isku afgartaan.

Goynta dhirtu reer miyiga macne badan lama leh, caruurtoodu waaba ku falaaddaa cidina kama celiso, noloshooduna geedkaa uun bayba ku xidhantahay.
Deegaanka Soomaalidu way isku dishaa oo waxaa suurtowda in buur yar oo biyo iyo baad midna lahayn labo beelood iskaga dilaan boqolaal ruux, haddana sidaas oo ay tahay deegaanka wax kuma qabto waxna kalama soo baxdo.

Deegaanka Soomaalidu degto marka loo eego aduunyada kale wuu ka badanyahay tirada dadka ku nool sidaas oo ay tahay haddana kuma filna oo hadh iyo habeen dadku waa geeddi iyo hayaan. Xilliga barwaaqada daaqa iyo biyuhu waa banqay, muddo yar ka dibna waa oomane iyo abaar aan geed ishu qabato lagu ogayn.

Dhir badan bay jarayaan markaasay meel gawaan ah oo aan dhirba lahayn ood uga dhigayaan, dhirta qaar way gubayaan oo dhuxul ka dhigayaan, cawska isaga hadalkiisaba daa. Waxay u muuqdaan ummad wax walba kala boobaysa oo ninna nin wax u hambaynayn.
Sanadihii la soo dhaafay wacyi gelin badan baa ilaalinta deegaanka laga sameeyey, dawladaha ama maamulada dalka ka dhisan waxay wada leeyihiin wasaarado ama hay’ado u qaabilsan ilaalinta deegaanka, hadh iyo habeen waxaa qaylo dhaan laga wadaa deegaankii haddana wax weyni iskama bedelaan habdhaqanka dadkeenna miyi iyo magaalaba.

Soomaalidu xoolaha nool way jeceshahay oo wayba isku dilaan, laakiin deegaankii xoolahaasi ku noolaan lahaayeen qiime badan inooguma fadhiyo, waana ta keentay in xoolaheenna tayadooda cad iyo caanaba hoos ugu dhacaan.

Taladani waxay igu dhalatay markaan arkay deegaanno badan oo waayo dhowayd dhir fiican lahaa oo maanta aan geed lagu ogayn. Inkasta oo aanan indhowayd tegin dhulkii la odhan jirey Waamo ee dhirta iyo kaymaha lahaa tolow maanta xaalkiisu waa sidee?
Ilaahayow na garansii dantayda aduun iyo aakhiraba.. aamiin.

Waxaa Qoray: Jaamac C/laahi Caydiid
jamaidid@gmail.com

KismaayoNews.com


KismaayoNews.com



UGU DAMBEEYEY
Farmaajo, nabadoon Soomaaliyeed baan rabaa inaan noqdo
Soomaalida Norway oo mahad-celin u jeedisay Turkiga
18 dal oo dhaqaali uruurin laga bilaabay
Dawladda oo shaacisay khasaaraha nafeed ee qarixii Zoobe
Dhaawicii Suudaan la geeyay oo mooraal jab kadib salka dhigay