Dhallinyarada Somaliya Yaa U Maqan

Published: December 16, 2014

Kn: “Waxaan ku bilaabayaa magac Allah ee naxariis oo dhan iska leh” Dhallinyaradii Somaliya tan iyo burburkii waxaa soo foodsaaray xaalado aad u qallafsan… Xaaladahaas oo dhammaan wada saameeyey kuwii wax bartay iyo kuwaan fursadda u heli waxbarashada iyo kuwa ku dhaqnaa baadiyahaba…Kuwii wax soo bartay markay dhammaysteen wax barashadoodii ayaa waxaa ku adkaatay sidii ay u heli lahaayeen hankii hayey markay waxbarashada bilaabayeen ee ahaa inay meel fiican gaari karaan markay waxbartaan…

Ruux kasta oo Doorasha usoo hanqal taaga markuu musharaxa ahaa wuxuu wacad ku marayey inuu xoogga saari doono sidii xal loogi heli lahaa dhibaatada badan ee haysata dhallinyaradii Somaliyeed… Markuu nasiib u helo inuu ku guulaysto kursigaa uu u tartamayey waxaa dhacda inuusan dheg jalaq usiin dhibaatadaa isdaba joogga ah ee ku dhacaysa Dhallinyaradii…

Dawlad kasta oo kamid ah Dawladahaas adduunka ee horumarka ku tillaabsaday waxay inta badan ka hadlaan sidii xal loogu heli lahaa dhibaatooyinka soo foodsaara dhallinyarada Africa… Runtiina iyagaa ku haya Dhallinyarada ciqaab aad u foolxun oo xaqdarra ah… Waxaa Xabsiyadooda ka buuxo Dhallinyaro badan oo Somali ah oo aanay sharci u lahayn inay xirxiraan iskabadaa inay toogasho qaarkood ku xukumaan markii loo eego dastuuradooda oo qaarkood qorayaan inaan lagu maxkamadayn karin waddankooda falal ka dhacay waddan kale…

Sidaan ognahayba waxaa dhibaato foolxun oo burcadnima ah ku haya Badda Somaliya maraakiib laga leeyahay dawladahaas horumaray waxaa intaas usii dheer Sumayn aan loo aaba yeelayn waxii wax ku noqonaya… Mana jirto Dawlad kaliya oo arintaa ka hadlaysa iskabadaa inay wax ka qabtaane…

Waxaa ka kacday Dhallinyaro badan oo ka carootay burcad nimadaa lagu hayo badooda iyo meel qashin qubka sunta ah laga dhigtay… Waxayna bilaabeen inay isku dayaan inay arintaa wax ka qabtaan inkastoo markii danbe ay arintaasi lasii durugtay maadaama aanay helin cid ku hagta wadada toosan ee ay kaga hortegi karaan dhibaatadaas badooda lagu hayo kagana leexan karaan inay ku kacaan falalka foosha xun oo qaarkood ku kaceen…

Dadkii ay ka dhasheen ee la rabay inay dhallinyaradaa ku hagaan tubta toosan oo ay xumaanta kaga badbaadi lahaayeen waddankoodana burcaddaa kusoo duushay uga dhacsan lahaayeen… Waxayba noqdeen inay ku faanaan baabi’intooda oo ay Dawladahaas dhibaatada ku haya Badda Somaliya kaga raadsadaan Amaan cadaabidda Dhallinyaradii ay dhaleen oo ay udoodi lahaayeen xuquuqdooda… Sidaad ogtihiinba Maamulkasta oo hadlaaba wuxuu ku faanaa inay tireen Dhallinyaradii lagu shabadeeyey Burcad badeed, Iyagoon marna eegayn dhibaatada ka wayn ee lagu hayo waddankay garwadeenka u yihiin…

Mucjisada ugu wayn ee aad iiga yaabisay waxaa weeye in Xabsiyada laga buuxshay Dhallinyaro aan waligood Burcadbadeeda la sheegayo noqon oo lagasoo qabqabtay magaalooyinka xeebaha ah… Iyagoo duulkii Falkaa gaystay ay Ammaan iyo lacag kaga doonayeen Dawladahaas jariifka ba’an ku haya badda kana dhigtay qashin qubka…

Waxa haatan Xabsiga Boosaaso ku xiran Dhallinyaro maamulkii hore xirxiray oo lagusoo xiray inay yihiin burcadbadeed oo aan xataa maxkamad la marsiin… Qaarkoodna ay markhaantiyo haystaan inaanay ahayn burcadbadeed ee ay ahaayeen dad laga soo xaabshay magaaladii ay joogeen… oo Markhaantiyadaa ay ka mid yihiin kuwii markii hore soo qabqabtay… Markii ay cadeeyeen inaanay ahayn burcad badeed waxaa ku dheggan bilaa sabab xeer ilaaliyaha oo ilaa hadda aan la garanayn sababta uu u haysto iyo sharciga u ogolaaday inuu siduu doono ka yeelo…

Waxaa kaloo jira Dhallinyaro fara badan oo xabsiyada ku xirxiran oo lagusoo eedyeey falal danbiyeed oo aan wax maxkamad ah oo xukuntay aanay jirin… Sababaha ay u xiranyihiin markaan dad shacab ah waydiiyey waxay iigu jawaabeen arin qalbigayga dhaawac wayn gaarsiisay oo ah mashruuc jeeb ka buuxsi waana wax laga naxo runtii oo uurkutaala ah…

Bal kawarama Dhallinyaro waalidkood waxay itaal iyo tabar hayeen isugu geeyeen oo ilaa heer jaamacadood la rafteen qaarkood Mastar qaateen oo markay iyaga iyo waalidkoodba lahaayeen Allaylehe maantaad midigtaada dhunkanaysaa… Loola yimi in lagu maaweeliyo Ciyaaro… Iyadoo hadal hayska ugu badani yahay SI DHALLINYARADA LOO KOBCIYO WAA IN XOOGGA LA SAARAA CAYAARAHA…. Dadaalkii iyo rafaadkii iyaga iyo waalidkoodba muddo kusoo rafanayeen aayihiisii ma cayaaruu noqday… Haatanna waxaan maqlayey kuwo lehe CAYAARAHA HIDDAHA IYO DHAQANKA… ma caruurbaa meeyey mustaqbalkay higsanayeen… Inay haajiraan oo badaha isku guraan yaa kamasuula…

Haatan waxaa waddanka Soodaan buux dhaafshay Dhallinyaro tahriib usocota oo boqolaal kor u dhaafay ilaa haddana ma jirto cid ka tabatag Sameesay oo ah Dadkii loo idmaday arimaha Dhallinyarada ee ku mushahar qaata badbaadinta iyo wacyi gelinta Dhallinyarada iyo ku hagidda tubta toosan… Inta ka horaysay oo badankoodii baddu baabi’isay iyo inta magefi laayey iyaguna xisaab maleh…

Gabagabadii

Haddii Dhallinyaradii waddankoodii lagu dhex weeraro iskaddaa in lagu hago Tubta Toosan…

Haddii aanay jirin wax kala jecel oo hadba qaar laga dhigtay mashruuc lagu xisaabtamo oo jeeb buuxis ah…

Haddii Dhallinyaradii Dawladihii lahaa xaquuqul insaan Ayaan u doodnaa ay xabsiyadoodii ku bahdilayaan si xaqdarra ah oo sharciga ka baxsan…

Haddii ciddii u doodii lahayd xaquuqdooda ayba ka dhigteen inay ku raadsadaan Ammaan iyo jeeb buuxsi ay kaga dalbanayaan Dawladahaas xumaanta isdaba joogga ah ku haya Waddanka ay Madaxda u yihiin…

Haddii loola dhaqmay sidii Caruureey Maaweelo kaalaya Cayaara dhaqan ah…

Soo inay noqdaan oo u qaybsamaan… Kuwo badda isku gura oo tahriiba… Kuwa is qarxiya oo isyiraahda janno raadso… Kuwa waasha markay xamili waayeen noloshaan damiir xumada ah… Iyo Kuwo meel kasta camal la’aan la taagan oo waxay qabtaan aan garanayn madluunka ka muuqdana calooshu ku hurayso…

Haddaba waa Suaale Yaa U Maqan Dhallinyaradaan Dadkay ka dhasheen Gadanayaan Dawladihii Kalana Bareer U Xaqirayaan…

Suaasha Kale Cid Iswaydiisay Ma Jirtaa Sababta Maraakiibta Dagaalka Ee Ciidda Ka Badan Ee Dawladahaasi Soo Dhoobeen Ay Usoo Qaban Waayeen Maraakiibta Jariifka Ba’an Ku Haya Baddeena Qashib Qubkana Ka Dhigtay…

Wa Billaahi Tawfiiq

Qore: Eng. Abdirashid Abdi Daad (Ciiltire)

Email: guurey@hotmail.com


KismaayoNews.com



UGU DAMBEEYEY
19 Agaasimayaal guud oo lasoo dhajiyey Jubbaland
Jawaari oo musharixiinta madaxtinimo qalbiga u qaboojiyey
Hanti Dhawrka Qaran oo bari yeeley madaxda DF
Yaxye Jaamac oo ogolaaday in uu xilka wareejiyo
Donald Trump, oo loo dhaariyey madaxweynaha Maraykanka