Marka Hargaysa La Aqoonsado !!

Published: December 28, 2014

Kn: Ragg iyo Dumar isugu jira qorayaal iyo barayaal Jaamacadeed ayaa kulan aan rasmi ahayn ku lahaa Fadhiga dugsiga Dhaqaalaha ee Jaamacadda Birmingham-ta Ingiriiska , waxaa dadkaas mid ka ahaa Kaaliyayaasha Barayaasha Kulliyadda Culuumta Maaraynta Awoodaha Aadanaha , waxay ila lahayd waraysi aan ku xod xodanayay inay Jaamacaddu aqbasho codsi aan u dirsaday oo ahaa inaan MSc ka dhigto Culuumta aan soo sheegay .

Hargeysa
Markay bogatay waxay i waydiin lahayd ayay igu tiri ina keen aan Doorshe iyo Shaah lagu leeyahay Fadhiga qaybteenna ka doonanee , Shaki waa iiga jiray Xalaal nimada Doorshaha laakiin Shaaha sheekadiisa ayaanba xiisaynayay , markaan soo galnay ayay maagtay inay iskaanna barto dadkii waxaase ku margaday Qoladaan ahay, intay isoo eegtay ayay tiri iga raali Noqo Aadam ma Ingriis baad tahay mise Yurubta kale ? Maya la wada maqlay ayaan iri waxaana u raaciyay Soomaali ayaan ahay,

Maqaawiirta qalinka ku ruxa kuraasta Madaxda Dawladaha xoogga leh ayaa meesha fadhiya , Tifaftiraha shaqada kasii tagaya ee ‘’The Guardian ‘’ Alan Charles , dhigiissa Haarets Aluf Benn iyo qaar badan oo caan ka ah dunida Qoraalka , qorshaha meesha ay dadkaas u fadhiyeen kumaan jirin daaqad ayaan kasoo galay , kaftan ayaa la isla dhex jiiray, Nabdi Ciise iyo ninba sidoo ka aaminay ,Ruushka iyo Colaadda Reer Galbeed dhextaalla, Dagaalada Dunida islaamka ka socda iyo burcadd badeedda Soomaalida ninba wuxuu qabay ayuu lahaa, waxay ahayd sheeko Shaaha lagu cabayay ,

‘’Maalin dhawayd waxaan ka qayb galay kulan lalahaa dad looga yeeray Xamar iyo Hargaysa maysan ahayn Siyaasiin ee waxay ahaayeen shaqaalaha Hay’adaha Reer Galbeedka ee Gar-gaar ka Aadanaha ‘’ waxaa yiri Bare Jaamacadeed asagoo hadalkiisa sii watta wuxuu yiri ‘’ Anigu waxaan aaminay inaysan Dawladayda jeclayn xasiloonida Soomaaliya xiligaan , mana jecla in Soomaaliya israacdo waxayse kasii necebtahay inay Kala go’do oo ay noqoto laba dal’’

Falanqeeye Siyaadda Arimaha dibadda ee Maraykanka ayaa yiri ‘’ Waashitoon haddii ay Koonfur iyo Woqooyi kala qaybin lahayd waxay ka cabsi qabtaa haddii labadaas ‘’Dal’’ isku dhacaan waxaan shaki ku jirin in midd uu xulufo la ahaanayo Waashintoon kan kalana dabcan wuxuu ku tolmayaan Xoogaga is biirsaday ee Beyjiin iyo Moosko ugu madaxa wayn yihiin’’.

‘’Hadiiba ay dhacdo in adduunku ogolaado Hargaysa inay noqoto dawlad ka madax banaan Soomaaliya waxaa shaki la’aan ah inay Colaad heer Caalami ah ka dhalan doonto soohdinta , hadiina ay sidaas dhacdo Waashintoon waxay ku qasban tahay inay kala doorato laba kala daran oo ah inay Xamar gacan siiso isla markaana ay ‘’Dawladda’’ Hargaysa ay u gacan haatiyaan Shiinaha ,Ruushka iyo inta la bahda ah mana jiro marin kale oo u furan , waxaana xigi doona inuu Maraykan ku ka gurto qalabkiisa Jabuuti , haddiise uu Xamar la coloobo badwaynta hindiya waxay soo dhawaynaysaa Gujisyada Ruushka iyo Shiinaha oo markaas u fidin doona agab iyo adduun ay ku maalaan hantida baylahda ku ah jiinka Jubba iyo Shabeelle , ‘’ Aluf Benn Tifaftiraha Haaretz nuqulka Af-Ingiriisiga .

‘’ anigu 3 jeer ayaan xamar iyo hargaysa tagay waxaana la fadhiistay Madaxda maamulaysa , waxay kuu sheegayaan inay Maraykan la leeyihiin xiriir fiican oo ah dhanka la dagaallanka ‘’Argagaxisada’’ way ku qasban yihiin inay cidduu maraykan iyo xulufadiisa doonayaba ay usoo qabtaana am u dilaan , sababtu waxaa weeye ayaga qudhooda ayaan laga jeclayn dhulkooda waxaadba moodaa inay Waashintoon magacaabatay ‘’ Haweenay ka tirsan ‘The Economist ‘ magaceediina ilaaway .

Lama yaabin sida xeel dheerida ah ee looga sheekeeyay shaaha intii la fiiq sanayay Siyaassadda qaloocan ee Soomaalida iyo sida ay Caymis yada London ugu farax san yihiin jirintaanka Burcad Badeeda , dhaqaalaha xoogga leh ee ay ka sameeyeen iyo sida ay u moog yihiin ‘’Madaxda ‘’ Soomaalida waxaase la yaab igu noqotay Siduu ninkaa Yuhuudigaa Xamar iyo Hargaysa 3 jeer ugu noq noqday isla markaan uu la fadhiistay ‘’ Madaxda’’ meelahaas jooga .

Aadam Zaki
Aadan17@yahoo.com


KismaayoNews.com



UGU DAMBEEYEY
Maxkamadda Sare oo albaabada u fureysa shacabka
Dib u eegista dastuurka oo qaadan karta 2 sanno
Daawo hab maamuuska Qaahiro loogu soo dhaweeyey Farmaajo
Dowladda Federaalka oo hal beel u asteysay madaxtinimada Hirshabeelle
Golaha wasiirada K/Galbeed oo la ansixiyey