Isbadal doonka wareersan!

Published: January 4, 2015

Isbedelka wanaagsani laguma helo in waxa dhisan la dumiyo, Ee waa in waxa dhisan lasii horumariyaa.

Waxaynu caadeysanney markayno wax dhaliilnaba inta la dumiyo in billowgii dib loogu noqdo sidii juud ma waa juudkii.

Tusaale waxaa inoogu filan dowladdeenii Soomaliya waynu dhaliilnay kadibna waynu duminay, oo wakaa aynu ka dhignay baadi luntay.

Waxaan filayaa xaalkeenii inuu ku danbeeyey gabaygii Qamaan Bulxan lahaa:

Baadida ninbaa kula deydeyi daalna kaa badine Oon doonahayn inaad heshana daayin abidkaaye.

Horumaradii aynu sameyney burburkii dowladdii dhexe kadibna ragbaa qurya u haysta 2015ka oo duurku ugu jira dumintooda.

Soomaaliga qoriga haysto waxaan leeyahay. Haddaynu duminno dowladda dhexe, xaggee loo noqonoyaa? Jawaabtu dabcan waa 1991. Sidoo kale haddaad dumiso Puntland? Waxaad burburisay hormarkii lasameeyey 17 sano. Jubbaland dhibaatooyin badan oo aan lakoobi Karin bay soo martay , haddana qoxootigii 20ka sano maqnaa ayaa dib ugu soo laabanaya. Koofur galbeedna waa guul cusuboo Somali u soo hoyatay. Marka waa iga su’aalee qoriga ma horumarkaad u haysataa?

HADDA IYO DAN

Xasuuso taladeenii inagaa laalnay 1991gii , hadda talo nagama go’do laakiin baadida raadkeedii ayaan haynaa nolol iyo geeriba madkeynu ku gaadhnaba.

Xusuuso Liiskan wasiiradeed ku foororto cidi waxba kaama weydiineyso

-Raisalwasaarayaasha aad taageersantahay adiga iyo reerkiinaba maadan   keenin, mana eryi kartaan, kuwa lasoo wadana sidoo kale.

Maadaamaa Soomaali ay waxba qumani gacanta ugu jirin waxaa wanaagsan inaynu Taageerno meel walba oo maamul ka jiro, oo aynu sii xoojinno maamullada jira,iyo dowladda dhexe, si bal gacanteena taladu ugu soo noqoto.

Maamulada hadda dhisani waa miro faraqa kuugu jiro, isbedelka aad dooneysidna waa miro geed saaran.

Waxaynu guusha ku gaari karnaa inaynu waxa dhisan xajisanno shuruud la’aan, wax dumintana aynu mucaaradno.

By: C/weli Qasin Gabow

abdiwali@hotmail.com


KismaayoNews.com



UGU DAMBEEYEY
Waa kuma Mukhtaar Rooboow ?
Abuu Mansuur oo dowladda kusoo biiraya
Dalalka Khaliijka “Qatar waa in ay xirtaa Aljazeera iyo saldhiga Turkiga”
Geeridii Aw Libaax oo gilgishey Jubbaland
Koonfur Galbeed oo heshiis la gashay shirkad ajnabi ah